Aadam Mire Waqaf Oo Utun ay ku Reebtay Xukunkii Maxakamadu Sheegayna InXukunkaasi ahaa mid Cadaalad Daro ah, Halka Shalay uu Ku Qancay + La Taliyayaashiisii Oo Soo Canaan tay Xalay.
Warsaxaafadeed uu Soo Saaray Md Aadam Mire Waqaf Oo Shalay Ay Maxakamadu Ku xukuntay in Aanuu Ahayn Hogaanka Xisbiga sidoo kalena uu isla Goobtii Ku Qancay oo uu sheegay in uu ku qanacsan yahay ayaa, Xalay markii uu U tagay la taliyaashiisii ay U sheegeen in uu gabi ahaanba Xisbiga uu Dabada Ka yahay Maadama oo Shirka ay maxakmadu tidhi sadex bilood gudahood ha lagu qabto uu isaga iyo rag badan oo meesha ordaayey ay dabada ka noqonayaa oo ay ahaayeen New Ucid.
Arintan ayaa Ku noqotay Falaadh Geesna u dhaafi wayday Taas oo Xalay uu hurdada ladiwaayey.
Xagan hoose ka akhri Warsaxaafadeedkiisii
Warsaxaafdeed:
Maanta oo ay taariikhdu ahayd 11-0-2011 waxa maxkamadda sare ee Somaliland soo saartay jawaabti in muddo ahba laga sugayey ee ku saabsanayd khilaafkii ka dhashay hogaanka Xisbiga UCID.
Waxanu maxkamadda sharafta leh ka sugaynay go'aan cad oo qeexaya hogaanka sharciga ah ee Xisbiga UCID yeelanayo iyo inay nagu kala saarto xeerarka iyo dastuurka dalka u yaala iyadoo raacaysa xeerkii Xisbiga UCID u yaalay.
Hadaba go'aankaas ka soo yeedhay maxkamadda sare waa go'aan yacyacood ah oo aan qeexaynin cida hogaanka sharciga ah noqonaysa, iyo xeerka saxda ah ee Xisbiga UCIDba, waxanay maxkamaddu markale madaxa noo galisay khilaafkii muddo lix bilood oo hore xal laga gaadhiwaayey.
Maxkamaddu waxay u muuqataa inay ku dhiiranwayday xukunka saxda ah iyo inay qeexdo cida hogaanka sharciga ah noqonaysa, waxaanay maxkamaddu soo saartay xukun koox gaar ah u adeegaya waxa kaloo cad inanaay maxkamaddu ridin xukun sharci ee ay riday mid siyaasadi ku kaliftay, waxaanay baabiisay dimuqraadiyadii toban sano halganka loogu jiray.
Anagoo u tudhayna ummadayada iskana ilaalinayna muran dambe oo saameeya nabadgalyada dalka waxanu cadaynaynaa inaanay suurogal ahayn in mar dambe ay wax na dhex maraan faysal, Xisbina anaan wadaagayn, wax shir ah oo aanu la galaynaana aanay jirin.
Hadaba iyadoo maxkamaddu ku guuldaraysatay inay nakala saarto waxaanu go'aan ku gaadhnay inaanu marno waddo siyaasadeed oo cusub tashigeedana ay isaga imanayaan dhamaan golayaashi uu ka koobnaa Xisbiga UCID iyadoo aanu go'aan ku gaadhnay inaanu ka tagno magacaas UCID.
Waxa naga xasuusin ah arrinta maanta dhacday oo ah ceeb qaran inay u taalo xisbi kasta iyo urur kasta oo dalka laga sameeyo cid gaar ahina sheegandoonto, maadaama maxkamadii dalka ugu saraysay arrintaas jidaysay.
Alla Mahad Leh
Md Aadan Maxamed mire Waqaf
No comments:
Post a Comment