23 August, 2011

Waxaa shaqadii laga saaray Gudoomiyihii Maxakamada rafcaaka gobolka Hargasya....

Wasiirka Cadaalada Somaliland Md Xuseen A.Caydiid Oo Wareegto Ku Dhaqan galiyey Goan Ay gudida Cadaaladu Soo saareen.

Wasiirka Cadaalada Somaliland Md Xuseen Axmed Caydiid Ayaa Soo saaray wareegto uu ku dhaqan galinaayo goaan ka soo baxay gudida cadaalda wareegtan wasiirka uu soo saaray ayaa waxay u dhignayda sida tah:

  • Wasarada Cadaalada Somaliland iyada oo cuskanaysa Qodob 106 ee dastuurka Qaranka Fiqradiisa Koowaad taas oo qeexaysa in gudida Calaada Qaranku u xil saarantahay Goamada Cadaalada.
  • Gudida Cadaaladu Markii ay arkeen Danta Guud ee Cadaalada.
  • Markay arkeen qodobka 107, 108 ee dastuurka Jamhuuriyada Somaliland
  • Markay Arkeen Dood Dheer iyo falanqayn ay ku sameeyeen dacwad la xidhiidha gudoomiyaha rafcaaku uu fara galin ku sameeyey Maxaabiis Xukuman oo Uu Xadhiga Ka iibiyey dacwadaasi oo uu u soo gubiyey xeerilaaliyaha guud ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland .

Waxa Ay goaamiyeen :-
1.In Laga diiday Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Maamuus Ka xayuubintii iyo dacwad ka hor oogidii maxkamda ee gudoomiyaha maxakamda rafcaanka gobolka Hargaysa .
2.In Shaqadii laga saaray Gudoomiyihii Maxakamada rafcaaka gobolka Hargasya laga bilaabo Fadhigii gudida Caaadalada oo taariikhdu ahayd 21 August 2011.

Warqabadka Togaherer
Hargaysa

No comments: