23 August, 2011

Todoba iyo labaatan Qof ayaa Ku Sumoobay Hilib Geel

Todoba iyo labaatan Qof ayaa Ku Sumoobay Hilib Geel oo ay Cuneen Magaalada Cunaaye oo Ku taala Deegaanka Baligubadle.

Hargaysa/ Togaherer: 23.Augst.2011

Wasaarada Cafimaadka Ayaa sheegtay in ay gurmad Caafimaad u direen Deegaanka Cunaaye oo ku yaala duleedka Magaalada Hargaysa halkaas oo ay ku sumoobeen dad gaadhaya 27 ruux , sidaasi waxaa sheegay agaasimaha waaxda adeega Caafimaadka ee wasaarada caafimaadka mr Maxamed Cabdi Diiriye, Agaasimuhu waxa uu sheegay in deegaankaas Cunaaye ay ku sumoobeen dad gaadhay Todobada iyo labaatan ruux ruux kadib markii ay cuneen hilib geel.

Agaasimaha ayaa Cadeedyey in 27 ruux uu haleelay xanuun Isugu jira shuban iyo Xumad kadib markii ay cuneen Hilb geel oo lagu qalay magaaladaasi Cunaaye haatana ay wasaradu baadhitaan ku hayso hilibkii neefkaas ay ku sumoobeen Xaalada Dadkii ku sumoobay Hilibkaas Geelay ayaa haatan la sheegayaa in ay ka soo raynayaan.

Warqabadka Togaherer
Hargaysa.

No comments: