16 August, 2011

Wareysi Khaas ah Boqor Cism,aan Buurmadow

Wareysi Khaas ah Boqor Cism,aan Buurmadow

Hargeysa(YOOL)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) oo laba maalmood ka hor safar kaga soo laabtay dalka Shiinaha ee magalaada xarrunta ee Bikiin, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigii uu hoggaaminayey laga celiyey Madaarka magaalo-madaxda Shiinaha, kadib markii loo waayey wax martiqaad ah oo ay ka haysteen dawladda dalkaasi, sidoo kalena waxa uu boqorku tilmaamay in Madaxweyne Siilaanyo hadda lagu daweynayo Cisbitaalka la yidhaahdo American Hospital oo ku yaala magaalada Bankok ee dalka Thailand.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) oo hadda ku sugan dalka isutagga Imaaraadka Carabta, waxa uu sidaa ku sheegay wareysi khaas ah oo uu Wargeyska "Yool" khatka Tilifoonka kula yeeshay. Wareysiga oo ah mid dhinacyo badan taabanaya, waxa kaloo Boqor Buur-madow kaga xog-warramay heshiis sida uu sheegay dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha iyo sidoo kale dawladda Itoobiya oo uu xusay Boqorku inay iyadu gadh-wadeen ka ahayd hirgelinta heshiiska.

Heshiiskan oo sida Boqorku sheegay ka dhacay Magaalada Addis Ababa ka hor intii madaxweynaha iyo weftigiisu aanay u duulin dhinaca Asiya, waxaanu ku tilmaamay in ujeeddada heshiiska saddex-geesoodka ah ee dhexmaray Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadda Shiinaha ah in uu yahay mid ku eg Dekedda Berbera oo sida uu sheegay [Boqor Buur-madow] shirkaddaasi hadda wixii ka dambeeya maamulkeeda gacanta ku hayn doonto.

Waxaanu intaa ku daray in heshiiskaasi uu jiray qoddob kale oo ah dhismaha dhabbooyinka Tareennadu dulmaraan, kaasoo sida qorshuhu yahay isagana laga hirgelin doono jidka u dhexeeya Berbera ilaa Itoobiya, inkastoo sida Boqorku sheegay ay dhabbahaas maamulka iyo nabadgelyadiisa gacanta ku hayn doonto Dawladda Itoobiya, maadaama dawladda Somaliland aanay dunida ka haysan aqoonsi caalamiya, sidaas darteed-na ay adag tahay in maalqabeennada dunida ee maalgashiga sameeyaa inay ku soo dhiirradaan. Hasa yeeshee, si qorshaha arrimahani u suurtogalo waxa masuuliyadahaasi oo dhan dusha u ritay Dawladda Itoobiya.

Dhinaca kale, waxa Boqorku isla Waraysigaas ku sheegay in Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigii uu hoggaaminayey ay Xalay ka soo duuleen dalka Thailand, iyagoo u soo jeeda dhinacadalka Itoobiya, isla markaana ay halkaa ka soo raaceen diyaarad ay leedahay shirkadda Itobiyan Arilnes oo Flight Numberkeedu yahay 609, taasoo uu xusay inay ku soo beegan tahay dalka Itoobiya abaara 5-ta Galabnimo ee waqtiga Geeska Afrika.

Haddaba, wareysigan oo faah-faahsan waxa uu u dhacay sidan:

S: Boqor, dhowaan waxaad tagtay dalka Shiinaha, oo uu maalmo kadib safarkaaga u ambabaxay Madaxweynaha Somaliland. Bal inta aynaan arrimaha u gelin adiga muxuu ujeeddada safarkaaga Shiinuhu doornaa?

J: Anigu waxaan marti-qaad rasmi ah ka helay dawladda Shiinaha, waxaana ka dhacayey shir la yidhaahdo African Development Forum, oo ka shaqeeya ama lagaga hadlo horumarinta wadammada Afrika, madaxda lagu soo casuumona ee dalalka Afrika badanaa waa kuwa ugu muhiimsan, markaa sannad walba waan tagaa, ururkana waxa la sameeyey 2006-kii.

S: Boqor dib baynu ugu soo noqon doonaa arrimaha shirka ee adigu intii aad joogtay Shiinaha ma isku soo gaadheen Madaxweynaha iyo Weftigiisa?

J: Horta waxa nasiib darro ah Carrabtu waxay tidhaahdaa: ".

Ninkaa odayga ahi waa nin xanuusanaya sidii aan boqol jeer oo hore idiin sheegay, anigoo waxaan ahay ehilkiisa oo aad baan uga damqanaya dhibta loo geystay. Dhibaato aanu qaadi karayn baa loo geystay, waxaad ogeyd DIRI DHABA baa lagu tuuray, hadana ADDIS ABABA baa la geeyay. Waxaanan kuu sheegayaa horta heshiiska la galay ee Itoobiya, Somaliland iyo shirkad Shiinaha laga leeyahay ay wada galeen, waxa uu ka dhacay Adis Ababa, sadaa darteed wax Shiinaha loo tegi lahaa may jirin, dawlad marti-qaadayna ma jirto.

Dawladda Shiinaha anigu waan weydiiyey, markaa ninkaa odayga ah isagoo aan (Vissa) dal-ku-galka sidan ayaa lagu qabsaday Madaarka, halkaasaana laga celiyey siyaasad xumo iyo ceeb-weyn baa kaga dhacday, ilaa hadda inay yidhaahdaan Shiinahaannu tagney waa ceeb, haddii aad eegtaan sawirada laga soo diray bal aad ugu fiirsada, waxa kula jira niman Ingiriis ah iyo Nin Maleesiyaan ah oo Huteel yar oo laga cunteynayo oo Mindiyihii iyo Fargeetooyinkii yaaliin.

Markaa, Somaliland diblomaasiyad-xumo baa ku dhacday, koox aan khibrad iyo iraadad lahayn baa daadihiyey, haddana waxaan warka ku hayaa oo la ii sheegay in Baankok [Caasimada Tailand] dhakhtar ku yaala oo la yidhaahdo American Hospital la geeyey, kadib markii uu la kulmay taraag ama safar dheer oo dhawr iyo toban saacadood qaatay, kaasoo aanu xamili karin, waxaanan kuu caddeynayaa in aanu dalka Shiinaha gelin, haddii uu galay bal ha keenaan markhaati ama ha soo sawiraan.

S: Boqor waxaad sheegtay in aad dawladda Shiinaha ka warsatay Madaxweynaha iyo Weftigiisa, kuwee baa ka mid ah madaxdii aad arrintaa su'aashay?

J: Walaal waxa weeye, horta anigu Wasaaradda Arrimaha Dibadda waan weydiiyey oo Wasiirka waan la kulmay, waxaanan ku idhi; "Miyaad martiqaadeen Wediga Somaliland ee Madaarka ku xanniban. Markaa maya bay yidhaahdeen," qolada (Protocol-ka) iyaguna maya bay yidhaahdeen, oo waa raggii aniguba madaarka iygaga horyimi ilaa Wasiirka Khaarijigu.

Ujeeddadayduna waxay ahayd in aan caawiyo, taasina way ii suurtoobi weyday.

S: Adiga (Boqor Buurmadow) intii aad joogtay Shiinaha waxaad la kulantay Suyem Musfin, oo ahaa Wasiirkii hore ee Khaarijiga ee dalka Itoobiya, haddana ah Denjiraha ama Ambassadorka Shiinaha u qaabilsan Itoobiya, maxaad ka wada hadasheen, mase weydiisay xaaladda Wefdiga Madaxweynaha?

J: Walaal ninkaa Saaxiib (Personal Friend) baanu nahay, salaam wax dhaafsiisan oo aanu ka wada hadalnay ma jirto, isaga iyo Safiirada kale ee aad aragtayba ixtiraam iyo salaam bay iigu yimaadeen, markaa maadaama dawladda Itoobiya aanay waxba kaga jirin arrimaha. Hawlihii muhiimka ahaana tioobiya ayaa lagu soo dhammaystay, aniguna waqti umaan hayn in waxyaabahaa sii gal-galo.

S: Boqor, heshiiska aad sheegtay in Itoobiya lagu sii dhammaystay, haddii aad dadka u faahfaahisid, muxuu ku saabsan yahay?

J: Heshiiskaasi waxa weeyey, horta sidaad ogtahay mashruucii dib-u-dhiska waddada Berbera ilaa Itoobiya, waxa dhisaysay EU-da (Midowga Yurub) markaa Itoobiya iyo Shiinaha midkoodna muu bixinayn kharashka. Arrinta ugu weyni waxay ahayd dekedda Berbera, waxa lagu wareejiyey Shirkad Shiinaha laga leeyahay oo iyadu ballaadhin doonta fadhiga ama haabada ama marsada Berbera. Arrinkaasna berigii hore Cali Xoor-Xoor [Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera] Al-camuud iyo cid walba wuu ka diiday, haddana way u saxexeen.

Waxa kaloo jira, [Company] shirkad Shiine ah oo kuwa wax dhisa ah oo la doonayo in kooxda maafiyada ah eek u hareeraysan Siilaanyo iyo qolyo kale oo ajnebi ah inay dalka keenaan shirkad ajnebi ah oo kuwa waddooyinka dhisa ah, halkii muwaadiniinta ay ahayd inay ka faa'iidaystaan, khatarta ugu weynina waxa weeye maalgelinta Shiinuhu uu gelinayo Somaliland, waxa walkiil uga ah dawladda Itoobiya, taasina waa arrin aan Somaliland dani ugu jirin, waana tii Itoobiya ku qabsatay Elateriya oo kale, waana arrin derisnimadeena xumaynaysa waana arrin aan la aqbali karin.

S: Boqor Cismaan, waxaad sheegtay in Madaxweyne Siilaanyo uu hadda joogo Bankok, side baad ku xaqiijisay ama ku ogaatay adigu?

J: Aniga waa lay soo sheegay laba meeloodba odaygu waa isku deyay inuu galo Honkonk wuxu isku deyay inuu galo oo waxa laga celiyey Madaarka, Bikiin-na waa laga celiyey, markaa waxa la ii soo sheegay inuu xanuusaday, waxaana iigu wardambeysay isagoo Thailand Magaalada Bankok tegay oo la geeyey American Hospital, markaa haddii ay ku doodayaan inay Shiinaha joogaan madaxda nidaam baa la mariyaa, oo waa la ogyahay.

Sidaa darteed bal saxaafadda ha siiyaan Telefoonnadooda oo ha caddeeyaan halka ay joogaan. Waxaan qabaa Madaxweynuhu haddii uu miyir qabo in aanu sheeganay meel aanu tegin.

S: Boqor beryahan danbe oo dhan dibadaha ayuunbaad wax ka soo dhaliilaysay, maxaa kaa hortaagan in aad dalka timaadid oo gudaha wax ka saxdo.?

J: Adeer dalkaba 50 Inan oo dibedda ka soo jabhadeeyey baa dalka qabsaday, xisbiyada xagaasaa baa laga soo furtaa markaa siyaaddii dalka oo dhan dibaddaa lagala yimi, aniguna inaan dalka dibadda ka soo qabsadaan doonayaa oo aan xaggaa ka soo jabhadeeyo.

Wargyska YOOL


No comments: