03 August, 2011

SOOMAALIYEY U GARGAARA DADKIINA MACALUUSHU DILAYSO.

SOOMAALIYEY U GARGAARA DADKIINA MACALUUSHU DILAYSO
By
Ahmed Arwo 

Adduunka hortiisa adaa lagaa rabaa inaad la timaado raxmad, naxariis iyo gacan furan ood u yeelato walaalahaaga gaajada iyo haraadku leenaayo. Ka daa dilka, iyo dhaca, ka daa boobka iyo ihaanada, ka daa dulmiga iyo duudsiga. Colaada ayaa dhasha abaarta, kolka nabad la waayo dhulka lagu fasho, kolka la waayo nabad xoolahu ku daaqaan, kolka la waayo nolol xaq ah waxa bilaabma mid xaaran ah. Waxa la laa'yaa duur-joogta, waxa la gubaa dhirta, waxa daryeel laáan u baabaá ceelasha iyo waro-biyood oo dhan. Waxa aasma barkadaha, waxana duugow darted isu taaga qasabadaha biyaha qaada. Dalku waxuu noqdaa mid ku sifooba col iyo abaar. Waana waxa Soomalidu colaadda uga horeysiiso abaarta, waayo iyadaa dhasha.Arrintu waa col iyo abaar isbarkaday. Kii caawin lahaa ayaa cunaaya, kee taageeri lahaa ayaa tooganaya, kii kabi lahaana wuu karbaashaaya.  
Haddaba xaalka maanta maxaad ka qaban kartaa. Hor iyo horaan dhammaan dal kasta ooynu joogno iyo khilaaf kasta oo inoo dhexeeya, waxa waajib ah inaynu qof iyo itaalkiis gargaar dhaqaale oo dhekhso ah u fidino walaaleheen silica iyo darxumada ay u weheliso gaajo iyo haraad dad iyo duunyaba laayey. Waa waajib Soomalinimo, jaarnimo, islaamnimo iyo mid dadnimaba ah. Waxa gurmad u faydan dad ayna waxba wadaagin aan ahyn dadnimo. Haddaba inteena la wadagta isirnimo, midabnimo, jaarnimo, iyo islaamnimaba waxa inaga saran waajib gooni ah.

Baaqu waxuu si gaar ah ugu socda qurbojoogta Soomaaliyeed ee ku naaloonaaya nolol aad uga saraysa ka dadkoodu ku sugan yahay. Dal kasta sheego, dal kasta jog, qabiil kasta ahow, gudo waajibka oo u fidi walaalahaa gargaar dhaqaale oo sugan. Ka qayb gal uruurinta dhaqaalaha ka socda meel kasta ood joogto, gacan sii hayádaha arrintan u xil saran.

Baaqa xigaa waa mid ku wajahan Soomaliland, Jabuuti, Somali Zone Ethiopia, Somali Zone Kenya iyo Soomaliya inta ka itaal roon walaalaheena masiibadu ku habsatay. Inkasta oo miskiin iyo danyar meel kasta joogtu, haddana waxa hubaal ah in aad looga fiican yahay dadkaas dhinaca dhaqaale iyo dhinaca nabadeedba. Fadlan munaasabadda Ramadaan iyo sadaqadda oo ah mid masiibo kugu soo socota midda lagaga badbaado laasim. Waxaa xaqiiq ah in waajib gaar ihi ina saran yahay. Aan si gaar ah ugu yeedho Dawladda Soomaliland..fadlan idinkoo la kaashanaaya culumada dhisa guddi dhaqaale uruurin oo magaca Soomaliland ku gargaarta walaalahooda Soomaliyeed. Ma aha ficil siyaasadeed, waa mid aadminimo, waa mid haddaanu dhilin inuu khilaafka saaro, ooy timaado tixgelin dal waliba waxa uu doonaayo loo yeelo, aan marna wax yeelo la iman karin. Waana mid taariikhda inoo geli doonta, caalamkuna ka marag furi doono inaynu nahay qaran waajibkiisa dadnimo gudan kara. Walaalaheena ay abaal inoogu hayn doonaan.
   
Baaqa xiga aan u soo jeediyo kuwa arxam darrada ku dilaaya dadkooda ee colaadda u raaciyey abaarta iyo gaajada. Waar damiirkiina toosiya oo arka in xukunka aad u luqun-taageysaan dadkiisiba madhanayo. Ma waxaydun noqon dar xukuma meel madhan. Ninka xukunka doonaya ee aan dadkiisa ilaashani waa mid kolna xataa hadduu kursiga haleelo aan qalbigiisu maran helayn deganaansho. Waa werwer iyo baqdin u jog. Waa dhagar qabe dhulkaa u dhaqdhaqaaqa.
Colka kale ee hawsha gurmadka si gaar ah uga faa'ideystaa ha ogadaan in xaq iyo xisaabi ka dambeyso. Kuwa dadka aynu sawiradan ku aragno waxa loo soo uruuriyey dhacayaa waa dar si xun u dhiman doona, waana duul ubadkooda aayo xumo iyo ciqaab u soo jiidaaya, waa duul ifka calaamo xumi ku dhici doonto, aakhirana wax aan ciqaab ahayni uma taal.
    
Guji hoose linka cas oo daawo dhibta iyo xanuunka yar iyo weynba haysta waa film ay soo diyaartisay hay'ada Islamic Relief UK

Islamic Relief UK : East Africa Crisis Appeal - The Reality of Famine


Guji linkan midig si aad ugu dirto Islamic Relief UK 

Haddaad debedda amba qurbaha degantay oyna jirin guddiyo Soomaaliyeed oo wax uruurinaya u dir ururada Islaamka ee samofalka ah. Waxa ugu caan san ururkan oo dalka Soomaliya gudihiisa dhammaan ka hawlgala.

Halkan ka akhri fariinta Islamic Relief UK ay u gudbinayso caalamka

  • $2.5 million has been allocated for immediate food and water distributions in the Bay and Bokol regions
  • Emergency food distribution in four regions has benefited over 13,000 people
  • 5 mobile health clinics have been operating in Wadajir district and have treated over 3,000 people to date
£14 can provide a child with high energy food supplements for a week

£50 
can provide clean water to 1000 people

£100
 can provide emergency food to 100 families per day

£150
 can treat 10 malnourished children for a month



Nabad iyo Ramadaan Mubaarak

Ahmed Hassan Arwo
samotalis@gmail.com

Facebook
http://www.facebook.com/pages/Ahmed-Hassan-Arwo/150753478331907

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: