28 August, 2011

Somaliland oo 600 oo kun oo Dollar u ururisay Dadka Ku tabaalaysan Abaaraha Soomaaliya

Somaliland oo 600 oo kun oo Dollar u ururisay Dadka Ku tabaalaysan Abaaraha Soomaaliya
Hargaysa (Somaliland.Org):- Guddida gurmadka dadka tabaalaysan ee koonfurta Soomaaliya ay xukuumada Somaliland u magacawday ayaa sheegay in shacbiga Somaliland ay u soo ururiyeen walaalahooda ku tabaalaysan koonfurta Soomaaliya lacag dhan $600, 000 dollar.sidaasi waxaa sheegay guddoomiyaha guddidaasi Axmed X.Cali Caddami oo maanta ka hadlayay shir jaraa'id oo ay ku qabteen Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Gaashaan dhiga Somaliland Md Axmed X. Cali Caddami oo ah Gudoomiyaha guddida gurmadka dadka tabaalaysan ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in shacbiga Somaliland ay si mugleh uga qeyb qaateen u gar-gaarida dadkaasi tabaalaysan isaga oo si wayn ugu mahad naqay dadkii gacanta ka gaystay taakulaynta iyo gurmadka dadkaasi tabaalaysan ee koonfurta Soomaaliya ee abaaraha iyo macaluushu saamaysay, oo ay xukuumada Somaliland xil wayn iska saatay bishan barkaysan ee Ramadaan fadligeeda in ay ka qayb qaadato una gar-gaarto dadkaasi baahan ee aynu jaarka nahay.

Waxaa kale oo uu sheegay Md Caddami in ay haatan soo gaadheen lacag qadarkeedu gaadhayo $600,000 dollar in badan taasi oo ay ugu talo galeen in ay gaadhsiiyaan dadkaasi abaaruhu saameeyeen.
Wasiirka Wasaaradda ganacsiga Somaliland Md C/rasaaq Khaliif Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wejiga ugu horeeya ee qadarka lacagta soo gaadhay ay ka dhigi doonaan qaybta koowaad taakulaynta gurmadka abaaraha ee dalkaasi Soomaaliya, isla markaana la gaadhsiindoono maalmaha soo socda ee lagu jiro Ciidul Fidriga isaga oo xusay in ay gaadhsiin doonaan deeq intaasi ka badan dadka abaaraha iyo macaluushu saameeyeen ee Soomaaliya .

Afhayeenka Guddida gurmadka dadka tabaalaysan ee koonfurta Soomaaliya oo ah wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil C/laahi Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa guud ahaanba shacbiga Somaliland ugu baaqay in ay u gargaaraan dadka abaaruhu saameeyeen ee koonfurta Soomaaliya isaga oo sheegay in naxariista illaahay ku jirto marka adoomuhu isku naxariistaan, waxaanu si aad ah ugu mahad naqay guur ahaanba dadkii ka qayb galay gurmadkaasi abaaraha dadka tabaalaysan ee Soomaaliya gargaarka loogu ururinayo.

Sheikh Maxamed Cali Gadhle iyo Sheekh Maxamed Cali Geedi oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadwaynaha reer Somaliland ay si balaadhan uga qayb qaateen gurmadka dadka abaaraha iyo macaluushu haleeshay ee Soomaaliya isla markaana ay u mahad naqayaan cid kasta oo gacan ka gaysatay.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com

No comments: