21 August, 2011

Maxaad Ka Taqaanaa Taariikhda Ku Duugan Aasaarta Laas Geel. Qaybtii 1aad

Maxaad Ka Taqaanaa Taariikhda Ku Duugan Aasaarta Laas Geel. Qaybtii 1aad
Qalinkii: Khadar Osman Fadal

Hordhac

Sahaminta Aasaarta qadiimiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland waxay bilaabantay November sanadkii 2002, waxaana bilaabay koox faransiis ah oo uu hogaaminayo nin lagu magacaabo Xavier Gutherz oo wax ka dhiga Jaamacada Paul Valery. Isla markaasna ah Agaasimaha kooxda UMR 5140 ee taariikhdii hore ee Afrika iyo Mediterraneanka. Khabiirkan waxa ku weheliyay sahaminta cilmi –baadhayaal Faransiis ah iyo khubaro kale. Sahamintan waxa maalgalisay wasaarada Arimaha Dibada ee dawlada Faransiiska. Dhanka Somaliland waxa u fasaxay kooxdan inay Sahamiso Aasaarta qadiimiga ah ee Somaliland C.risaaq Waaberi Rooble oo markaas ahaa wasiirkii dhaqanka iyo Dalxiiska.
Laas Geel waxay ku taalaa meel waxooga ka baxsan Caasimada Somaliland ee Hargeisa, oo la siman Buuraha ay caanka ku tahay ee Naasa Hablood. Waxaana looga baydhaa tuulada Dhubato oo hoos timaada degmada Dacar-budhuq. Goobtani waxay caan ku tahay sawir gacmeedyo lagu tilmaamo inay kamid yihiin kuwa ugu da'da wayn Geeska Afrika iyo Qaarada Afrikaba. Sawir-gacmeedyada dhagaxaanta Laas Geel waxa lagu qiyaasaa inay jireen 7000-8000 oo sano amma 5000 oo sano Nabi Ciise Ka hor. Sawir gacmeedyada ayaa dhamaantood ku sawiran dhagaxa loo yaqaano Granite-ka. Sawir-gacmeedyada oo u badan Lo' iyo dadkii hore, waxa inta badan loo turjumaa inay caabudi jireen Lo'da.
Dhulkan oo ah dhul miyi ah waxa uu eegayaa dhul wayn oo banaan oo ay xoola dhaqatadu daaqsadaan xoolahood, waxaanu caan ku yahay xayawaanka loo yaqaano deerada. Sida la sheegay dadka reer miyiga ah eek u dhaqan goobtu waxay u isticmaali jireen godadka inay ka jirsadaan roobka, wax dareen ahna may siinin sawir-gacmeedyada ku sawiran dushooda iyo taariikhda ku duugan goobta. Sidoo kale waxa la helay goobo kale oo iyaguna leh sawir-gacmeedyada taariikhiga ah nawaaxiga magaalada Hargeisa, sida Dhagax Khowre Oo 42km dhinaca Waqooyi Galbeed ka xiga magaalada Hargeisa.
Daraasada iyo qodida lagu sameeyay xaradhka taariikhiga ah eek u suntan 5000 oo sano ciise ka hor ayaa bilaabmay sanadkii 2004-2005 tii.


Goobta Laas Geel
Dhagaxaanta waawayne ee Laas Geel waxay saaranyihiin boqcad dhul ah oo joogeedu sareeyo taas oo hoosta ay ka qoreen laba waadi oo gu iyo jiilaal bogoodu qoyanyahay. Taasina waxay muujinaysaa in jooga biyaha dhulka halkaas ka dhaw yahay. Waxaad si fudud u fahmi kartaa halka ay magaca kula baxday, marka aad aragto labada waadi ee hoosta ka mara taagada ay saaranyihiin.
Farshaxanka sawirada Aasaarta taariikhdu ku duugantahay waxay ku kala filiqsanyihiin 20 "hadh" amma god oo ka mid ah taagada Laas Geel. Kuwa ugu waawayn waxa dhererkoodu yahay 5 Mitir, balacooduna 10 Mitir. Hadhadhkan dabiiciga ah oo ay qoreen isu taga biyaha, kulka iyo dabayshu waxay u kala sareeyaan saddex lakab.


Hadhka Amma Godka Koowaad:
Hadhka koowaad waxa uu ku yaalaa Koonfur Bari wajiga dhagaxa Laas Geel. Hadhkan oo cabirkiisu yahay mid dhexe waxa uu kamidyahay kuwa ugu quruxda badan, sababtoo ah khadka lagu xardhay sawirada ku sawiran oo ah mid rasiin ah. Salka hadhka ayaa ku fadhiya bad dhan 62m2 oo dhulka ah. Saqafka sare oo iyana ku fadhiga bad dhan 97m2 ayaa u janjeedha dhinaca hoosta. Godkani waxa uu leeyahay tiro badan oo sawiro ah. Ilaa hada waxa lagu qiyaasay 350 sawir inta la ogaaday, iyadoo raadkoodii uu kasii muuqdo kuwa badan oo kale.
Sawirada intooda badani waxay ku yaalan saqafka sare iyo dhinaca bidix ee godka. Qaabka godkani waa mid qotoma. Wakhtigan sawirada godku waxay ku suganyihiin xaalad fiican, kamana muuqdo wax dhaawac ah oo dad u gaysteen. Hase ahaatee meelaha qaarkood ayaa gabi ahaan amma kala badh ahaan masaxmay oo ay kaliya ka muuqdaan raadkii sawiradu. Taasi waxay muujinaysaa in sawiradu tiro badnaayeen, sida uu u dhanyahay saqafkuna wada sawir ahaa.


Sawirada Dadka

Waxa godkan ka muuqda Muuqaalo badan oo loola jeeday qof binu aadam ah, inkastoo aanay u badnayn sida xayawaanada kale ee kula sawiran goobta. Qoorta sawirada dadka ayaa ah mid balaadhan, waxaanu ku labisanyahay nooc Shaadh ah oo sawirada qaar lagu naqshadeeyay hariiryo kor u baxaya. Lugaha hoose ayaa ah kuwo dhuudhuuban, isku dhagan amma wakhtiyada qaar kala durugsan oo ay kala qaybiso liiid khad ah oo kaliya. Gacmaha sawiradan ayaa ah kuwo ul oo kale ah, inta badana kala baxsan, taas oo sawirka ka dhigaysa isku talaab oo kale. Madaxa qofka ayaa ah mid dhuuban oo wareegsan, kaas oo inta badan dul saran qoor dhinaca sare u balaadhan taas oo mararka qaar lagu xardho hariiryo balaca u yaal oo isku dul sawiran, kuwaas oo u muuqda qoor-gashi. Sawirada qaarkamid ah waxa madaxa u saran taash kor u dhuuban, kuwo kalena baal shimbireed ayaa hareerta uga baxsan. Dadkan ayaa inta badan gacanta ku sita, Leeb iyo Qaanso, ul amma gaashaan.
Dadkani waxay inta badan ka ag dhawyhiiin lo'da, waxay taaganyihiin luqunta lo'ada hoosteeda, halka ku began caloosha, amma dhinaca danbe neefka. Sidoo kalena waxa mar walba ka ag dhaw xayaan u eeg, ay, dacawo amma yey.


Sawirada Lo'da
Lo'da ku sawiran godadka Laas Geel waa mid isku wada mid ah. Waxaana kuu muujinaya dhamaan xubnaha ay ka simanyihiin sawirada lo'du. Waxaad halka sare kazoo arkaysaa Madaxa oo ku yaala geesaha hortooda. Lo'da waxa laga sawiray dhinaca, waxaana muuqda laba lugood ( mid danbe iyo mid hore), dub gaaban iyo candho wayn. Luqunta oo la siman dhabarka waa mid dhuuban oo ku shaqlan bir giraan ah. Waxa kale oo jira, sawiro kale oo luquntoodu dhumucwayntahay. Waxaana kal laalaada giraan leh carab soo laalaada oo ka samaysan gees, walxo kale oo la dul saaray neefka lo'da ah amma lagu nashqadeyay.
God kasta oo kamid ah Laas Geel waxa kuwada sawiran xayawaan iyo dad. Calaamadahaasi ayaa ka kooban sawiro yaryar, iyo kuwo waawayn oo fara badan. Midabada la isticmaalay waxay kala yihiin sida ay ugu kala badan yihiin; Casaan, cadaan, Huruud, iyo inyar oo madaw ah.


Xayawaanada Kale

Marka laga yimaado Lo'da xayawaanka kale ee aadka ugu badan sawirada godadku waa Ayga, amma xaywaan noociisa ah oo leh dabo soo laaban iyo dhago fiiqfiiqan. Inta badan aydaas waxa lagu ag sawiray dadka amma lo'da ku sawiran godka. Way ku yarhiiin xayaano kale oo ku sawiran goobtu, waxaad mar mar arkaysa Shabeel dhabarkiisu u fooraro dhinaca danbe iyo dhex dhuuban. Sidoo kale waxa mar mar aad arkaysaa sawirka xayawaan u eeg "Ri" iyo sawir qudha oo ah "Gari".

La Soco Qaybta 2-aad
Qalinkii: Khadar Osman Fadal
E-mail: khadarof@gmail.com

No comments: