Hargeysa (Waheen)-Ciidamadda Sirdoonka Somaliland oo kaashanaya kuwa CID-da ayaa xalay saqdii dhexe kala baxay Huteelka Safari ee Hargeysa Abiib C/laahi Muuse oo ah Qurbajooga reer Awdal ee ku dhawaaqay Awdal State, waxaanu ku xidhan yahay xarunta CID-da oo lagu baadhayo.
Abiib C/laahi Muuse ayaa lagu Eedaynayaa inuu Somaliland u maleegayo qorshe lagu burburinayo isagoo u sharaxan jagada Madaxweyne ku-xigeenimo ee Maamulkaasi ay dibeda kaga dhawaaqeen kaasoo ay hore u canbaareeyeen dadka Reer Awdal ee ku kala nool Qurbaha iyo Somaliland Gudaheeduba.
Sida ay Waaheen u sheegeen Ilo xogogaal ahina waxa ay sheegeen in uu Abiib Dalka u yimi sidii uu fikirkiisaasi uga fulin lahaa, isagoo dalka ka soo galay dhinaca Itoobiya oo uu ku sugan yahay Ugaas C/rashiid Rooble oo ay wada socdeen, markii uu Boorame soo gaadhayna uu u soo baxsaday dhinaca Hargeysa si uu ugu dhuunto kadib markii uu ka war helay sida la sheegay in ay Ciidamaddu ku raad-joogaan.
Sidoo kale waxa Hargeysa iyo Boorame-ba shalay lagu xidhay sadex Oday oo kala ah Muuse Carab Diiriye, Cabdi Xabaal-diid iyo Aw Cabdi Muuse Geelle kuwaas oo la sheegay in uu Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar Dacweeyay, kuna Eedeeyay inay dalka keenayaan Ugaas dhawaan Qurbaha lagu soo Caleemo saaray oo la yidhaahdo Ugaas C/rashiid Rooble, kaas oo noqonaya Ugaaska Samaroon.
Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar sida la sheegay waxa uu ku Eedeeyay Ugaaska inaanay beelaha Samaroon ogolayn isla markaana aanu Somaliland iman Karin isagoo sheeganaya magaca beelaha Samaroon laakiin uu iman karo isagoo sita magaca beesha uu ka soo jeedo oo kaliya.
Xadhiga Odayaashaas iyo Abiib C/laahi Muuse ayaa madaxdhaqameedka iyo Beesha Samaroon-ba ka dhex dhaliyay khilaaf aan ilaa hada cadayn meesha uu ku sal leeyahay waxaana jira warar dhinaca kale ee ka soo baxaya oo sheegaya Xukuumadda Somaliland inay iska xidhxidhatay nimankaas danbiyada lagu Eedaynayaana ay yihiin kuwo aan jirin oo Siyaasadaysan oo la iskaga horkeenayo Gobolka iyagoo ku eedaynaya in looga faa'iidaysanayo Awooda Dawladda in beelaha la iska horkrrno.
Waxaanay ku doodayaan dhinacaasi in xadhiga nimanka ay bixiyeen Madaxweyne ku-xigeenka iyo wasiir ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici iyo Cali Xaamud Jibriil kuwaasoo diidan Ugaaska beesha oo ay Odayaashaasi wadeen qaban-qaabo loo wado oo uu ku imanayo Somaliland Ciida kadib.
No comments:
Post a Comment