16 July, 2011

Xaafadda Jig-jiga yar oo Nin lagu Toogtay iyo Gacan ku-dhiiglihii oo baxsaday

Xaafadda Jig-jiga yar oo Nin lagu Toogtay iyo Gacan ku-dhiiglihii oo baxsaday

Hargaysa-Xaafada Jig-jiga yare e galbeedka Hargeysa ayaa shalay rasaas lagu dilay nin ka mid ah dadka xaafadaas degan.

Ilaa hada Xukuumadda Somaliland wax war kamay soo saarin dilka ninkaasi isla markaana may qaban gacan ku-dhiiglihii falkaas geystay oo baxsaday.

Xaafadda Jig-jiga yar ayay maalmahanba Odayaasha Degani walaac ka muujinayeen Amaanka xaafadaas oo sii xumaanaya, waxaanay iyagoo warbaahinta u mariyay xukuumadda ka dalbadeen in Rug Booliis looga sameeyo xaafada dhexdeeda hase yeeshee ilaa hada xukuumaddu arrintaasi kamay jawaabin.

Sida ay goor danbe oo xalay ahayd noo sheegeen qaar ka tirsan Booliiskuna waxa wali socda hawlgalo lagu baadi doonayo gacan ku-dhiiglihii oo lagu sheegay buuralayda waqooyi.

Amaanka ayaa xalay aad loo adkeeyay waxaanay ciidamadu baadhayeen baabuurta laakiin lama oga inay baadhayeen Gacan ku-dhiiglaha iyo inay jireen hawl galo kale oo ay booliisku ku raad joogaan


No comments: