16 July, 2011

War Deg Deg ah:Golaha Wakiilada oo Cod Aqlabiyad a ku Ansixiyey Wasiiradii uu dhawaan madaxweynuhu Magacaabay .

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Shir gudoominayayna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa lagu asxiyey Wasiiradii uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirada la ansixiyey ayaa kala ahaa Wasiirada Madaxtooyada , Dibudejinta,Horumarinta Reer Miyiga iyo Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Md Xirsi Xaaji Cali Wasiirka Madaxtooyada ayaa waxa Haa ku ogolaaday 62 Mudane Hal mudane uu diiday Gudoomiyuhuna muu codayn.
Md. Cabdi Siciid Faahiye Waxa u codeeyey 63 Mudane cid ka aamustay iyo cid diidayna ma jirto Gudoomiyuhuna muu codayn.
Md Cabdirisaaq Cali Xaaji Waxa u codeeyey 63 Mudane cid ka aamustay iyo cid diidayna ma jirto Gudoomiyuhuna muu codayn.
Md Maxamuud Siciid Gacamay Waxa u codeeyey 63 Mudane cid ka aamustay iyo cid diidayna ma jirto Gudoomiyuhuna muu codayn.

Geesta Kale iyana Waxa Cod Aqlabiyad ah ay Mudanayaashu ku ansixiyeen laba Xubnood oo ka tirsan Gudida Cadaalada, Labadan Xubnood oo ay magacyadoodu kala yihiin.
Mudane Cabdi faarax Geedi iyo Aden Jaamac Muxumed.

Warqabadka ToggaHerer
Hargeysa/Somaliland

No comments: