14 July, 2011

Maxay tahay sababta warfidiyeenadii Somaliland ee Jubba tegay warkoodii loo waayay?

Maxay tahay sababta warfidiyeenadii Somaliland ee Jubba tegay warkoodii loo waayay?

Xubno saxafiyiin ah oo 15 gaadhaya ayaa la socday weftigii madaxweynaha Somaliland ee ka qayb galay wanqalka Koonfurta Sudan. Ujeedada saxafiyiintaasi ma ahayn inay dalxiis u tagaan halkaas waxayse ka tarjumayeen tiirka afraad ee maamulka dawladnimo oo ah saxaafadda. Waxa la filayay inay qorshe hawleed kaga ambo baxaan dalka, laakiinse waxay u muuqdeen koox hurdo  markaas kazoo toostay oo ku warhelay diyaaradda ay fuuleen, mana jirin wax ajande buuran ah oo ay la tageen goobtaas oo aan ka ahayn inay war kazoo duubaan, xidhaanna garamada Somaliland oo ay sheegeen inay ictiraafka ku raadinayeen.  Wargeysyada dalka iyo qaar badan oo kamida mareegaha internetka waxa waydiinta la dul dhigay kaalinta ay wariyayaashii dalka ka dhoofay ka qaateen socdaalkii weftiga Somaliland, waana tan keentay inay sida fiinta uga qayliyaan kooxdii saxafiyiinta ahayd ee safar wadaagga ahayd oo shalayto shir jar'aaid ku qabsaday Hotel Dalxiis ee magaalada Hargeysa. Hadaladii madashu may noqon mid ka baxsan isdifaac iyo durid markale la durayo saxafiyiinta qalinka u qaatay inay dhaliilaan habkii loo agaasimay xulashada wariyayasha weftiga raacay iyo wixii ay lasoo shir noqdeenba.

Internetka iyo isgaadhsiinta ayaa xumaa:

Suxufiyiinta halkaas ka hadlay qaarkood waxay ku sababeeyeen war yaraanta ay lasoo noqdeen in dalka Koonfurta Sudan aanu lahayn adeeg internet oo u sahlayay inay si darandoori ah warka usoo gudbiyaan. Haddii arrinkaas loo garaabo, waxa aan marnaba loo garaabayn in ay moogan yihiin in waajibkoodu intaas ka durugsanaa. Waxa la filayay in haddii internet xumaani heshay, ay adeegsadaan qaababka kale ee wararka loo gudbiyo. Isma laha tirada wariyayaasha goobta tagtay iyo tirada  wararka iyo sawirada ee ay soo qaadeen, waana halka dhaliishu ku qotanto.  Ku darsoo Magaalada Jubba Hoteladeda inbadan oo kamid ahi waxay leeyihiin adeegga internetka.

Qaabkii xulashada Wariyayaasha:

Saluugga qaybo badani ka muujiyeen xulashada wariyayaasha Jubba tagay ka sokow waxa iyaguna jira in la hilmaamay su'aal muhiima oo ah : " saxaafadda meesha tagaysaa ma Somaliland bay la hadlaysaa, mise inay bulshada caalamka warka gaadhsiiso" . Waxa fiicnayd in saxaafadda afafka qalaad ku hadasha ee warkooda gaadhsiisa Geeska Afrika, Dalalka Carabta iyo Caalamka ay noqdaan ahmiyadda koowad, maadaama oo Somaliland u baahantahay in kelmaddeeda laga maqlo warbaahinta caalamka. Majalado, mareego internet iyo wargeyso afaf qalaad ku hadla oo laga leeyahay Somaliland ayaa jiray kuwaas oo haddii ay ka qayb geli lahaayeen xafladdaas wararka iyo xogta Somaliland gaadhsiin lahaa dalal badan oo caalamka ah, waxana hubaala in weriyayaashii kale ee  caalamiga ahaa ee goobta ku sugnaa ay ka faai'idaysan lahaayeen oo markaas ka qaadan lahaayeen macluumaad badan maadama oo luqadu isu soo dhoweynaysay. Ma xuma in saxaafaddii meesha tagtay ay ku jiraan saxaafadda maxaliga ah laakiinse waxay ahayd in halka 15kaba badankooda maxali ay ka ahaayeen lagu daro qaar iyaguna caalami ah oo caalamka laga daalacdo ama laga dhegaysto. Laba wariye oo keliya oo ka hawlgala saxaafad debedda laga leeyahay ayaa la socday wariyaayasha, kuwaasina waxay warbixinahooda ku ekeeyeen sidii xafladdu u dhacday iyo madaxdii ka hadashay keliya oo marnaba kamay hadlin qaabkii loo maamusay weftiga iyo madaxweyanaha, waxayna u muuqdeen qaar ku shaqaynaya siyaasadda warbaahineed ee hay'adaha ay ka hawl galaan. Waxa la yaab ah in saxaafaddii maxaliga ahay ee tagtay ay faro madhnaan ku soo noqdeen, oo xataa tahli kari waayeen inay war buuxa siiyaan bulshada Somaliland iska daa caalamka kale iyo dalalka geeska.

Kaalinta Wasaaradda Warfaafinta:

Waxa la faro maroojiyay booskii wasaaradda warfaafintu ku lahayd xulista iyo agaasinka hawl maalmeedka xubnaha wariyayaasha ah ee Jubba tagay, waxana taas beddeelkeeda maamulka gacanta ku dhigay afhayeenka madaxtooyada Somaliland.  Wasaaradda warfaafintu waa hay'adda dawladda u qaabilsan sharciyadda iyo barnaamijyada warfaafineed ee dalka ka jira, waxana ay ahayd in iyaga lagu ixtiraamo oo loo gacan banneeyo hawshooda.
 
Kaalinta wariyaayashu ku lahaayeen Safarka Madaxweynaha:

Ka sokow inay soo gudbiyaan wararka socdaalka madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa iyo hadalada uu u jeedinayay saxafiyiinta ama kulamada uu la yeeshay madaxda caalamka, waxa saxaafadda looga fadhiyay inay qaddiyadda Somaliland ka iibiyaan caalamka. In T-shirt ku qoran tahay Somaliland la xidho way fiicnayd lakinse ma aha wax lagu qanco, waxana habboonayd in ay madaxda iyo saxaafadda dhiggooda ah ee caalamka ka socota xoogga saaraan oo u qaybiyaan qoraalo iyo qormooyin ka hadlaya Somaliland.  " Afku wuxu la xoogyahay magliga xawda kaa jara" haddii taasi dhabtahay, saxaafadda Somaliland ee Jubba tagtay waxay ahayd inay kaalin aad u sarraysa ka qaataan gudbinta kelmadda Somaliland, manay ahayn inay isku koobaan soo tebinta wararka weftiga oo keliya. Waxay ahayd fursad dahabiya oo ay ku dhex geli karayeen wariyayaasha caalamka, oo ay kaga wada hadli karayeen arrimo badan, maadaama oo ay yartahay in madal sidaas oo kale ah saxaafadda Somaliland ka muuqato. Ta ugu muhiimsani waxay ahayd in ay madaxdii madasha timi ay wax ka waydiiyaan qaddiyadda Somaliland oo ay la yeeshaan waraysiyo , su'aalaanna aragtidooda ku saabsan madaxbannanida Somaliland iyo ictiraafkeeda.

Axmed Shawqi
Bridge Magazine

No comments: