14 July, 2011

Xaggay ku dambeeyeen 21kii guddi ee Siilaanyo magacaabay intuu xukunka hayey

Xaggay ku dambeeyeen 21kii guddi ee Siilaanyo magacaabay intuu xukunka hayey

 Guddiyada Madaxweyne Siilaanyo Magacaabay Muddadii Uu Xilka Hayay Iyo Qabyada Ka Jirta Natiijada Hawlihii Loo Xilsaaray

 Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo muddadi xilka talada dalka loo dhaariyey ay ka soo wareegtay muddo sanad ay maalmo yari ka dhinam yihiin, ayaa muddadaasi digreetooyin ku magacaabay guddiyo hawki kala duwan u kala xilsaaran, kuwaas oo ilaa hada guddiyada uu magacaabay ay tiradooda guud marayso 21 guddi, oo qaar ka mid ah uu magacaabay ka hor intii aan xilka madaxtinimada loo dhaarin 27-July 2010-kii, oo ahayd maalintii u sida rasmiga ah xilka ugala wareegay madaxweynihii hore Daahir Rayaale ee uu dorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-June 2010-kii uu kaga guulaystay. Hadaba guddiyada uu madaxweyne Siilaanyo magacaabay sanadkaasi, oo aanu daraasad ku soo samaynay ayaa waxay kala yihiin:

1.Guddigii kasoo talo bixinta qaabdhismeedka xukuumadda 10-kii July 12, 2010-kii.

2 Guddigii ilaalinta hantida qaranka iyo dabagalkooda

3.Guddigii qabanqaabada xaflada xilwareejinta 12July 12, 2010kii

4. Guddigii kasoo talo bixinta tabashooyinka gobollada bari 15kii Augost 2010-kii

5. Guddigii xaqiiqo raadinta maleeshiyadii ONLF ee kasoo dagtay xeebaha galbeed ee Somaliland 12 September 2010-kii

6. Guddigii qiimaynta maxjarada Caafimaadka xoolaha ee Berbera loo saaray horaantii January 2011-ka

7. Guddigii qiimaynta heshiisyadii warshada Sibidhka Berbera November 2010-kii

8. Guddigii shaqaadadii Kalshaale daminteeda loo magacaabay February 2011-ka

9. Guddigii xalanta khilaafkii deegaanka Ceelbardaale ee gobolka Gabiley March 2011-ka

10. Guddigii baadhista ee loo xilsaaray Diyaaradii hubka u siday Puntland ee Madaarka Cigaal ee Caasimada Hargeysa March 2011-ka

11. Guddigii loo xilsaaray khilaafkii wasaaradaha maaliyada iyo kaluumaysiga ee la xidhiidhay maamulka dakhliga dekada Berbera

12. Guddigii xalinta khilaafkii Jaamacada Hargeysa ka aloosmay.

13. Guddigii baadhista guryihii xaafada New Hargeysa lagu gubay March 2011-ka

14. Guddigii gogosha madaxweynuhu u fidiyay shirkii nabadeed ee deegaanka Widh-widh ee Sool lagu qabtay June 2011-ka

15. Guddigii tiro koobka shaqaalaha dawlada iyo ciidamada.

16. Guddigii loo saaray qiimaynta iyo taakulaynta abaarihii dalka ku habsaday horaantii 2011-ka.

17. Guddigii kasoo talo bixinta furista ururada siyaasada 12 April 2011-ka

18. Guddigii loo saaray dhamaystirka biriishaka labaad ee Caasimada January 2011-ka

19. Guddigii daminta shaqaaqadii dagaal ee ka dhacday Kalshaale horaantii 2011.

20. Guddigii bedalaada lacagta Giimbaarta ee ka socotay gobolka Togdheer

21. Guddigii loo magacaabay Haamaha shidaalka Berbera baabiintii heshiiskii shirkada Totol ee maamuli jirtay horaantii May 2011.

Hadaba marka la eego natiijada kasoo baxday guddiyadaasi Madaxweynuhu magacaabay ayaanay badankooda jirin guddiyadaasi wax natiijo ah oo kasoo baxay hawlihii loo xilsaaray marka laga reebo dhawr guddi oo ay ka mid yihiin guddigii kasoo talo bixinta ururada siyaasada loo magacaabay, oo iyagu natiijooyinkoodii talo bixineed ummada usoo bandhigay, ayaa dhinaca kalena waxa jira guddiyo badan oo ilaa hada aan la ogayn meel ay ku biyo shubteen hawlihii loo xilsaaray, iyadoo ay qabyooyin door ahina wali ka jiraan dhamaystirka hawlihii ku wajahnaa nabadaynta gaar ahaan gobollada bari, Ceelbardaale, Haamaha shidaalka Berbera, warsahda sibidhka iyo amaan darada Laascaanood.
 
 
Haatuf

No comments: