19 July, 2011

Daraasad ku saabsan Kufsiga oo ku soo kordhaya Somaliland, gaar ahaan Hargeisa

Daraasad ku saabsan Kufsiga oo ku soo kordhaya Somaliland, gaar ahaan Hargeisa.
HUDA CALI XASAN

Daraasadan waxaan  ka xog waraystay xubno ay ka mid yihiin Saraakiil Boolis ah, xeer-ilaalinta, wasaaradda caddaaaladda, maxkamadda gobolka, ciidanka asluubta, Dhakhtar, odey dhaqameed iyo wadaad, iyo waliba dhibannayaal kufsi loo geystay. Warbixin sannadeedkii booliska iyo warbixino  urrudda bulshadda.

Kufsiga oo ka mida tacadiyada ka dhanka ah sharafta  bini'aadamka oo saameyn jidhaaneed iyo maskaxeedba  u geysata dhibanayaasha ayaa faraba'an ku haya dumarka iyo carruurta reer Somaliland magaalooyinka waaweyn oo shantii sanno ee u dambeeyay soo kordhaya sannadba sannadka ka dambeeya lagasoo bilaabo 2006 ilaa 2010 tiradda tacadiyadda kufsigu ee kadhacay dalku  waxa uu kor u kacay 63%( boqolkiiba saddex iyo lixdan).

Magaallada ugu badan ee kufsigu kadhacaa waa caasimada dalka ee Hargeysa oo ay degan yihiin bulshadda ugu badan ee reer Somaliland. Dhibanayaasha loo geysto kufsigu waa dadka da'doodu u dhaxayso 1 sanno ilaa 18sanno oo u badan oo isugu jira gabdho iyo wiilal. Haddaynu eegno goobaha ugu daban ee kufsigu ka dhaco waa goobaha ay degan yihiin dadka danyarta ah, kuwa kasoo noqday qaxoontiyadda iyo kuwa ka yimid wadamada jaarka ah sida Ethiopia iyo Somalia. 53% (boqolkiiba saddex iyo konton),kiisaska kufsiga ayaa ka dhaca goobaha anaynu soo xusnay, halka 26%(boqolkiiba lix iyo labaatan) kiisaska kufsigu ka dhacaan meelaha dooxyadda iyo meelaha cagtu ku yar tahay, ama cidladda ah, 20%(boqolkiiba labatan) kiisaska kufsiga waxay ka dhacaan xaafadaha magaaladda Hargeysa dhexdooda.

Dadka gaysta kufsiyadda waa dhallinyaro inamo ah oo inta badan kooxo ah.

Haddaba waa maxay saameynta kufsigu leeyahay?

Kufsigu waxa uu leeyahay saamayn jidh iyo tu maskaxeed, waxa ka mid ah kuwa jidhka ee soo gaadha dhibanaha: in la garaaco, nabaro loo geysto, lafaha laga jabiyo, la jarjaro jidhka, iyo xubanaha taranka oo dhaawacyo halis ah ay soo gaadhaan taa waxa u dheer xanuunadda lagu kala qaado galmada sida HIV/AIDS , jabti iyo qaar kale oo badan. Mararka qaarna uur ay ku qaadaan kufsiga loo geysto darteed.

Xagga maskaxda waxa soo gaadha dhibanayaasha,werwer fara badan, hurdada oo ku adkaata, in uu qofku ku riyoodo dhacdadii, xusuus murugo leh, baqdin iyo argagax. Waxaa iyana saameyn kale ah in dumarka iyo gabdhaha la kufsaddaa kuwa laqabaa ku waayaan guryahoodii ama meeshii ay deganaayeen oo ay caydhiyaan bulshaddu ama bulshadda caaddis maskaxeed saaraan.

Qaab nooceeya aya loo xaliyaa kiisaska kufsiga?

Dalkeena Somaliland marka la xaliynayo dhacdo kufsi waxaa lasameeyaa in ama Maxkamadda uu maro oo dhibahu dacwad geyso dambiilahana lasoo xidho oo maxkamadda la hor keeno kadibna lagu xukumo 5 sanno ilaa 15 sanno inta u dhaxays waa hadii loo daayo nidaamka caddaaladda, Laakiin tani inta badan ma dhacdo oo isla marka uu dambigu maxkamadda galo ayaa qaab xeer dhaqameed loo leexiyaa oo lagala baxaa maxkamadda oo dibada loo saaraa si loogu xaliyo xeer-dhaqameedka oo saameyn aad u weyn ku leh bulshadda ahna sharciga ugu badan ee lagu xaliyo dhacdooyinka kufsiga marka loo eego shareecadda oo ay bulshadeenu inta badan ku xaliso dhaxalka, ama nidaamka kale ee sharci ee dalka ka jira, iyadoo ay u muuqato in la doorbidayo xeer-dhaqameedka oo dan u ah dambiilah maxaa yeelay isagga lama kulmayo wax ciqaab ah ee kaliya wuxuu bixiyanaa magdhow lasiiyo ehelkii dhibanaha.haddaba waxaa is weydiin leh xeer-dhaqameedku ma yahay mid siinayaa caaddaalad dhibanaha? Waxaa cad inn uu xeer-dhaqameedku kasaarayo meesha caddaaladii qofka dhibanaha ah waayo waxa uu kaliya siinayaa lacag magdhow ah laakiin ma xukumayo ama ciqaabayo dambiilahee gaystay fal dambiyeedka oo isna iska sii wadan karo dambigiisa.

Dhacdooyinka kufsigu markii hore waxay ku eegaayeen dumarka iyo carruurta gabadhaha ah laakiin sannodadii u dambeeyay waxaa soo kordhayaa kufsiga loo geysanaayo inamadda carruurta ah oo wax lalayaabo ku noqotay bulshadda maadaama ummad muslim ah aynu nahay.

Waa maxay waxyaalaha sababay in kufsigu bato?

Waxaa jira waxyaalo sababay in uu kufsigu sii bato magaalooyinka sida Hargeysa oo ay kamid yihiin :

·         nidaamka loo xaliyo kiisaska kufsiga oo hadd iyo jeer lagu xaliyo nidaamka xeer-dhaqameedka oo sidaan soo sheegay magdhow bixin ah laakiin aan ciqaab culus saarayn dambiilaha. Habka xeerka oo kiisaska maxkamada galena laga baxo oo loo leexiyo xeer.

·         Magaallada Hargeysa oo dadka ugu badan gobollada Somaliland ku nool yihiin, iyo waliba dad kasoo noqday qaxoontiyadda, kuwa ka mid wadamadda jaarka ee Somalia iyo Ethiopia iyo waliba qaar kale oo kayimaada qurbaha dadkan kale duwan oo iyaguna saameyn dhaqan oo kale duwan wata.

·         Shaqo la'aanta oo iyana door muhiim ah ka ciyaaraysa xagga dhalinyaradda oo ah dadka ugu badan ee geysta fal dambiyeedka kufsiga oo iyaga oo kooxo ah kufsi wada gala.dhallinyaradan waa kuwa meelaha sida maqaaxiyaha ama suuqyadda iska fadhiya oo kadibna kooxo kooxo noqda.

·         Tiknoolojiyadda casriga ah ee ay ka mid tahay Tv-yadda , internetka, tilifoonadda. Oo iyana faa'iido fara badan u leh bulshadda ayaa haddana aanay ka maqnayn meesha sida xun ee looga faa'iidayso, oo dhallinyaro badan ay ka daawadaan waxyaalaha xun xun, iyo muuqaalo aan fiicnayn, telefoonadda oo iyana ah meelaha sida fudud ay isaga bartaan dhallinyaradda wiilasha iyo gabdhuhu kadibna meelo laysku balamiyo sidaasna lagu kufsado qaar.

·         Guurka oo aad loo adkeeyay kadib markii waalidka qaar ay ku xidhaan maal iyo hanta lasii ama nolol fiican in ay ubadkoodu helaan darteed u diidaan inay guursadaan

Tallo soo jeedin:

Waxaan tallo ku soo jeedin lahaa in lasameeyo:

In dawladdu ay samayso xeer ama sharci adag oo ay kasoo saarto kufsiga loo geysto dumarka iyo carruurta wiilal iyo gabdho, oo laga daayo  nidaamka xeer dhaqameedka oo kasaaraya meesha xuquuqda dhibanayaasha. Nidaamka xeerarka kala duwan ee dalka ka jira oo isna aad moodo in dadka laftoodu ay kolba kii u dan ah raacayaan in la mideeyo.

Sidoo kale waxaa loo baahan yahay in dhallinyaradda shaqo loo sameeyo, oo laga leexiyo qaybkan ay u noolyihiin oo lasameeyo nidaam kale sida xirfado ama meelo lagu madadaaloodo sida ciyaaraha iyo naadiyo wax tar jidh iyo maskexeedba leh.

Waalidku in aanay adkayn guurka carruurtooda oo aanay ku xidhin maal aan lagoyn karayn.

Huda Cali Xasan

Baratay: Caddaaladda Dembiilaha iyo Cilmiga Booliska

E-mail: hudahasan584@hotmail.com

1 comment:

Anonymous said...

Nasiib daro waa xaqiiqo jirta oo aa cidna ka qarsoonayn,runtiina waan kugu hambalyeenayaa daraasadan aad soo baadhay ee aad soo ban dhigtay si bulsha waynta somaliland u dareento dhibaatada wayn ee ay dugsanayaan ee runtii aad moodo in ay si qarsoon u socoto oo qaybaha kala duwan ee bahda warbaahintu ay iska indho saabeen oo runti u baahan in la iftiimiyo waajib waynina ka saaranyahay,hadaba walaashay waxaan ku kordhin lahaa sida cilmiyaysan ee aad usoo bandhigtay mawduucan xasaasiga ah sida rayigaygu yahay aan in yar iftiimiyo,runtii waxaad mooda in bulshadeena ay isugu tageen asbaabo badan sida dhaqan guur aad moodo in uu bulshadeena hadheeyay diin ka fogaansho doorkii aqalka ama tarbiyadii caruurta oo hoos u dhacday taasna aan qofna masuuliyadaas laga reebayn,abihii oo reerkiisii maalin kaste ka maqan oo aan ogayn waxay ku suganyihiin reerkii,hooyadii oo iyana maqan,doorka dugsiyada marxaladihiisa hore oo ay ka muuqan qaybtii xalinta khilaafyada bulshada ama ogaanshaha caruurta dhibka ay tirsanayaan si uu wiilka ama gabadhu u helaan cid u xalaysa dhibka kala duwan ee haysata ardayga ama ardayada si ay u dareemaan in ay haystaan cid u xalaysa mushkilada ay tabanayaan si ay barito u ogaadaan in isu naxariisigu uu yahay masuuliyad saaran,yaynaan iloobin doorka ehlu diinka ama masaajidka oo ay masuuliyad iyo wacayo galin farabadan ka saarantahay bulshada gaar ahaan dhaliyarada habeenkii meelaha madow taagan ee gooro dambe darbiyada fadhida,runtii intaas yar ayaan aqoontayda gaaban ku darsan lahaa arinkan xasaasiga ah ee ka dhanka ah diinteena suuban iyo bani aadanimada,aad baan kuugu mahad naqayaa halkaana ka wad/