19 July, 2011

Al-Shabaab Oo Laga Xoogroonaaday Somalia


Al-Shabaab Oo Laga Xoogroonaaday Somalia, Xubnaha Ka Soo Jeeda S/land OoFirxadkoodii Soo Galay Dalka Iyo Saamaynta Ay Ku Yeesheen Weerarada Diyaaradaha Dagaalka Maraykanku-----HAATUF


Hargeysa- Xubno ka mid ah Ururka Al-shabaab oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolada Somaliland ayaa la sheegay inay dib ugu soo noqdeen dalka kadib markii dagaalo adag oo ay la galeen ciidamada Dawladda Sheekh Shariif oo ay taageerayaan Ciidamada Shiyeeye ee AMISOM lagaga xoog roonaaday Mitidiinta Al-shabaab, isla markaana goobo farabadan oo ay gacanta ku hayeen laga qabsatay.

Xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee Firxadkoodu soogalay magaalooyinka dalka ayay ilo xogogaal ahi Haatuf u sheegeen inuu ka mid yahay Guddoomiye ku xigeenkii ururkaasi u qaabilsanaa Soo ururinta Sakada oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Togdheer ayaa la sheegay inuu dhawaanahan ku sugnaa Caasimada Hargeysa, halka xubno kale oo ka mid ah Ciidankii u dagaalamayey Al-shabaab lagu arkay Qaar ka mid ah Hargeysa.

Mid ka mid ah Dadweynaha Caasimada Hargeysa ayaa Haatuf u sheegay inuu arkay mid ka mid ah dhalinayradii uu ku ogaa Al-shabaab ee ka dagaalamayey Somalia, isla markaana dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland ayaa sheegay in markii uu arkay uu ku yidhi sida uu sheegay "C/laahi Iska waran, goorma ayaad timid Hargeysa" kadib ayuu ninkaasi ka tirsanaa Al-shabaab uu u sheegay in aan C/laahi la odhan, balse uu u sheegay magaca dagaalka ee ururkaasi u bixiyey oo magac Carbeed ah.

Ururka Al-shabaab ayay weeraro xoogani muddooyinkii u dambeeyey kaga yimaadeen Dawladda Maraykanka, kuwaas oo ku duqeeyey Saldhigyo ay ku lahaayeen Kismaayo diyaaradaha dagaalka oo ay ka mid ahaayeen kuwa aanu duuliyuhu wadin ee loo yaqaan (Drone-ka), isla markaana ay halkaasi ku dileen 2 sarkaal oo ka tirsan ururkaasi, taas oo keentay in qaar ka mid ah xubnaha ururkaasi ee ka soo jeeda Somaliland ay u soo firxadaan dalka.

Dawladda Maraykanka ayaa fidisay wadamada ay ka hawlgalaan diyaaradaha dagaalka ee aanay cidi wadin (Drone), kuwaas oo hawlgalo laxaad leh ka fuliya lix wadan oo Somalia ka mid tahay wakhtigan xaadirka ah, taas oo hawlgal ay samaysay Gantaal ku riday gaadhi marayey magaalada Koonfurta ku taala ee Kismayo oo ay ku dishay Saraakiil ka tirsan urukaasi oo sida la sheegay ay ka mid ahaayeen xubno Ajnabi ah, sida ay ku warantay Washington Post.

Wadamada ay diyaaradani ka hawlgalaan ayaa waxa ka mid ah Afghanistan, Pakistan, Iraq, Yemen, Libya iyo Somalia sida uu bayaamiyey sarkaal sare oo ka tirsan hay'adaha CIA-da Maraykanku.

Hasa yeeshee Sirdoonka Somaliland ee xukuumadda Siilaanyo ayaad moodaa inuu ka seexday hawshii uu u xilsaarnaa ee sugida amniga, kuwaas oo dadka dhaliilaa ay sheegeen in xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale ay kaga firfircoonayd hawlaha Sirdoonka ee Xuuraanka, kuwaas oo sirdoonkoodu ogaan jiray inta aanay Somaliland soo galin.

Haatu

No comments: