11 July, 2011

“Anigu Cirro-na ugu garaabi maayo, Rayaalena ugu garaabi maayo, Xadhigu-na waa Ciqaab,Laakiinse……”

"Anigu Cirro-na ugu garaabi maayo, Rayaalena ugu garaabi maayo, Xadhigu-na waa Ciqaab,Laakiinse……"

Gaboose oo Bog-dooxay arrimo la xidhiidha Qardoofooyinkii siyaasadeed ee uu soo jibaaxay, Sidee-se Ayuu Maanta U Arkaa Tallaabaddii Uu Wasiirkii Ka Horeeyay ku Xidhay3 Sanno ka hor?

"Anigu Cirro-na ugu garaabi maayo, Rayaalena ugu garaabi maayo, Xadhigu maaha dariiqa wax lagu saxo ee waa Ciqaab,Laakiinse……"-Dr. Maxamed Cabdi Gaboose

Hargeysa(Togaherer) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr: Maxamed Cabdi Gaboose ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay Wargeyska Saxafi kaga hadlay xaaladda guud ee amaanka dalka iyo arrimo la xidhiidha dhacdooyinkii iyo qardoofooyinkii siyaasadeed ee uu soo jibaaxay.
Dr; Maxamed Maxamed Cabdi oo waraysigan laga Qaaday aad u dheeraa, waxaa uu u dhacay siddan:-

Saxafi: Waxaad tahay siyaasi hore u cadeeyay himiladdiisu inay gaadhsiisan tahay ilaa heer Madaxweyne, ma noo sharixi kartaa damaca

Dr: Gaboose ee maantu waxa uu Yahay?

Gaboose: Damacaygu waxaa weeye, in aan noqdo muwaadin dadkiisu jecelyahay. Hadduu Dhakhtarnimo ku shaqeynayo dadkiisa daacad ugu adeega, hadduu siyaasi ahaan ku shaqeynayo daacad ku adeega. Hadduu waddada marayo dadkiisa ku faana, hadduu gurigiisa joogo dadkiisa jecel. Damacaygu waxaa weeye, oo aan Jabhadnimo, darxumo, Kaneeco iyo dhib u soo maray oo aan Labaatankii sanadood ee dalka lagu jirayna shir kasta oo nabadeed uga qayb-galay in aan dalka dhismihiisa inta cimrigaygu igu simo ka qayb-qaato. Dhismaha dalku waxaa uu noqon karraa kobcinta dimuquraadiyadda, taas ayaana illa gashay ururkii Qaran. Waayo, fekerkaygu waxaa uu ahaa, oo uu yahay, ahaana doonaa in aan muwaadinka marna caqabad laga hor dhigin inuu hami yeesho. Ummada ayaana u ah qaadigii, umada ayay jirtaa inay cod siinayso iyo in kalle, laakiin waa in aan marna muwaadinka la hordhigin caqabad iyo in kooto la galiyo xoriyadda. Marka ay siddaas tahay, anigu marka aan u doodayo ururadda waxay iga tahay in muwaadinku hello dariiq uu u mari karo oo fekerkiisa ku dhiiban karro, lana dooran karo waxna uu dooran karo, sidda dastuurku qeexayo.


Saxafi: In kasta oo aad horena u soo qabatay xilkan, maanta waxaad tahay Wasiirkii Arrimaha gudaha, waqtigii aad abaabuleyseen ururka Qaran ee aad hadba shir qaban-qaabinayseen iyo shirarkii faraha badnaa ee aad gali-jirtay marka aad dib u eegto ma is tidhaahdaa Aleylehe culays ayaad ku hayseen hay'adaha amaanka. Haddii si kalle loo dhigose, ma u garowdaa Wasiirkii kaaga horeeyay Xilka ee Xabsiga idin dhigay?

Gaboose: Maya, ugu garaabi maayo, anigu fekerka aan qabo ee aan wasaaradda la dhex-joogo, ama aan wasaaradda kalla tagi doonaa waxaa weeye. Muwaadin xafiiskeyga hore loogu xidhayna ma jiro, mid dib loogu xidhi doonaana ma jiro, hadduu, Shacbi yahay, hadduu wariye yahay ama jaraa'id oo uu wax iga qoro, mabda'a xadhiga waan ka soo horjeeddaa, Xadhiga waxaa iska leh danbiilayaasha. Wixii kalle, waxaa lagu dhameyn karaa ama dulqaad ama inaad ka jawaabto eedii laguu jeediyay, waayo shacbi ayuu dhex-dhigay qofkan wax yidhi.

 Tusaale ahaan, maalin dhaweyd wariye ayaa yidhi Dr Gaboose waxaa uu u socdaa Holand oo kumanaan qaxooti ayaa la soo mastaafurinayaa, wax jirana maaha, wax aan maqlay maaha, wax aan u tabaabusheystayna maaha. Hadaba, Beenta intaa leeg marka wariye qoro isaga ayaa ku baabaya oo wargeyskiisu ku dumayaa, sabab aan u xidhaana ma jirto. mid kalle ayaa hadlay waxaa uu yidhi, Madaxweynaha ayaa Gaboose u yeedhay oo yidhi faraha kalla bax arrimaha hanti-dhowrka, Maxamed Xaashi ayaa soo dhex-galay ayuu raaciyay. Waana la ogyahay in aanay jirin meel aanu madaxweynaha isku qabanay iyo meel Maxamed Xaashi nagu dhex-galay toona. Madaxweynaha ayaa warkaas akhriyay oo laba saacadood madaxa iyo Dhagaha is hayay. Anna, hiil ayaabay ii noqotay oo waxaa soo baxay inay jiraan dad doonaya inay iska kay dul-fuulaan oo aanay jirin wax xaqiiqo ahi. Markaa, intii aan xidhi lahaa waxaa ka weyn inuu ummada dhexdeeda ku baaba'o oo la'aamini waayo mustaqbalka. Sidaas ayaan qabaa, markaa anigu Cirana ugu garaabi maayo, Rayaalana ugu garaabi maayo, cid kasta oo wax xidhana ugu garaabi-maayo, Xadhigu maaha dariiqa wax lagu saxo, maaha dariiqa loo marro in qof lagu saxo. Xadhigu waxaa weeye Ciqaab, ciqaabtana waxaa leh danbiilaha. Anigu waan dhaliilayaa oo idinka ayaa I soo galaye, haddaad odhaneysaan na xidhi maysid miyaa, waxaan leeyahay Idin xidhi-maayo oo mabda'aygu waxaa uu yahay waanigaa kuu sheegay. laakiin, waxaan jeclahay in dalku yeesho xeer saxaafadeed oo nin walba xaqa uu leeyahay siiya. Ama ku waajibiya Suxufiga xaqqa lagu leeyahay, dhawrana xaqa uu isagu leeyahay iyo mihnaddii Saxaafadda.

Saxafi: Laakiin, Xeer wuu jiray oo ma kaas ayaad qawadeen?

Gaboose: Waxaan qabaa, haddii uu jiro marka Wariye wax qaldan ama qof shakhsiyaddiisa taabanaya uu qoro, haddii uu jiro nidaam mihnadeed u ciqaabi karra qofku wuu is miisaami lahaa dhaawaca soo gaadhaya. Laakiin, hadda waxaa lala tiigsadaa oo Maxkamadda la'iskula fullaa waa xeerarka ciqaabta, markaa waxaan is leeyahay waxbaa ka dhiman xeerkii Mihnaddeed.

Saxafi: Taas haddaan ka gudubno, waxaa jira mad-madow soo kalla dhex galay Itoobiya Iyo Somaliland oo ka dhashay dad labadda dhinac lagu xidhay oo qaarkood Sirdoon ahaayeen, dhawaan shir arrimahaas lagu saxayayna addiga oo wasiirka arrimaha gudaha ahi kama aad qayb-gellin, maxay ku dhacday halkee ayaase sartu ka qudhuntay?

Gaboose: Horta, marka koowaad Itoobiya iyo Somaliland Illaahay ayaa meel ku wadda beeray oo is baday, labada dal waa jaar aan kalla maarmin. Waa ummad mustaqbalkeedda, jiritaankeedda iyo xasiloonideeda wax badani iskaga xidhan yihiin oo wax badan wadaagta. Bad ayaynu leenahay, dakado waa-weyn ayaynu leenahay, mustaqbalka sideetan Milyan oo xaniban oo aan bad lahayn ayaa jaarkeena ah oo ganacsi farabadan iyo nolol farabadan ka rajeynaya iyo inay caalamka kala xidhiidhaan oo wax kala soo dagaan. Markaa, mustaqbalka fog, kan dhow iyo ka hadda ee nabad-galyaba aad ayaynu iskugu xidhanahay. Labaatanka sanadood ee aynu ka soo gudubnayba, xidhiidhka labada waddan aad ayuu u kobcayay, maantana meeshii ugu wanaagsaneyd ayuu marayaa. Ma joogo maanta cilaaqaadka labadda waddan meel ay gil-gili karaan dhacdooyin yar-yar oo ah qof halkaa ama halkan lagu xidhay. Boolisku qof waa qaban karraa, muwaadinka ayay qaban karraan, qof kalle oo ay is yidhaahdeen wuu soo xadgudbayna waa qaban karraan iyaguna (Itoobiya) Sidoo kalle, laakiin nuxurku waa maxay. Nuxurku waxaa weeye, in markiiba labada dal wada hadal ka yeesheen¸waxaa jiray, waa ay baadheen maxaa cilladu tahay, waxaa ay baadheen maxaa xalku yahay. Waana la dhameeyay in arrintaasina aanay mar danbe dhaceyn. Waayo, wax ka weyn ayaa naga dhexeeya.
Saxafi: Waxaa jirta, arrin kalle oo addiga lagugu eedeeyay oo ah in aad hor istaagtay hawl-gal hanti dhowrku ka wadday dawladda hoose ee Hargeysa iyo eed loo jeediyay xog-hayaha oo la wariyay inaad adigu diiday in la xidho. Ma jirtaa arrintaasi?

Gaboose: Hanti dhawrku waa hay'ad qaran oo culus oo loogu tala-galay inay dalkan hantidiisa illaaliso. Xeerar iyo shuruuc qeexay hawshooda ayaana jira, meel wasiirka arrimaha guduhu ka soo gallo shaqada hanti-dhowrkuna ma jirto. Hanti-dhowrku marka uu baadhistiisa sugto, waxaa uu u gudbinayaa eedayntiisa xeer ilaaliyaha, xeer ilaaliyuhuna garsoorka..halkaas ayaa waaranku ka dhacayaa oo Maxkamadaha ayuu ka baxayaa. Waxaad sameysaa, bari subax booqo xeer illaalinta oo weydii, arrintaas wax alla wax aan ku leeyahay, ama wasaaradayadu ku leedahay ma jirto iyo meel aanu ka soo galaa. Waa arrin maamul oo dhexdooda ay ku dhameysteen oo ay dib u dhigteen talaabooyinkoodda, iyaga ayaanay su'aashaasi ku haboon-tahaye anigu meel aan ka soo gallaa ma jirto.

Saxafi: Maxay tahay fariintaadu kama danbeystii oo aad jeclaan lahayd in ummadu maqasho?

Gaboose: Ummada waxaad iga gaadhsiisaan, waa ummad sabir badan oo cafis badan, intaasiba waa hantideeda, markaa haddii ay intaa sii badiyaan waa ay gaadhayaan halka ay ku socdaan oo aanay noqon kuwo loo marro dano siyaasi ah oo qof ujeedo lihi siddii aan sheegayay hanaan beeleed u soo dhex-marro, waxaynu dhisnay dal dimuquraadi ah oo albaabadiisu furan-yihiin oo aan kalli talis ahayn oo aan caga-jugleyn ka socotaa jirin, Islamarkaana wax kasta oo tabasho ah albaabadeedii furanyihiin, markaa waa in ummadu isu diyaariso inay afkaarteeda kor u qaado oo hanaan axsaab ah ayay arragtideedda ku dhiiban kartaa, Odayaal isu tagay oo xukuumadda la soo xidhiidha ayay tabashadeedda marin kartaa, xubnaha Xukuumadda ugu jira ayaa deegaan waliba fariintiisa marin karaa. Laakiin, inay ilaashadaa xasiloonidda yar ee ay hayaan.

 Waxaa kalle oo aan ugu bushaareynayaa In Somaliland maanta kacday oo Ictiraafkeedii Saansaantiisii oo badan dhawaan caalamku ka fiirsan doono. Waxaa kalle oo soo dhaqaaqay dhaqaale badan oo dawlado Yurub ah, Dawladda Maraykanka, dawladaha Carabta oo aad ogeydeen sidda ay inooga xanibnaayeen, balse maanta doonaya inay Somaliland soo dagaan ay soo wadaan. Waxaas oo gurmad ah oo aad arkaysaan in aanay Diyaaradihii kalla joogsaneyn, Islamarkaana kiraddii guryuhu badatay, oo maalin walba Jaraa'idka lagu baahinayo shaqooyinka banaan oo la xidhiidha la taliyayaasha sarre inay sii badanayso. Markaa, waxaan leeyahay shacbiga waxaa aad ummada caalamka ku soo jiidateen ee la'idinku yaqaanay oo ah amaanka Ilaashadda. Madaxda maantu kuma imman xoog, idinka ayaa doortay oo aaminay, siddii aad u aaminteen ayay idiinku shaqaynayaan, markaa iska jira khilaafka iyo in dhexdiisa la galiyo shaki. 

Waxaa kalle oo aan shacbiga kulla talin lahaa, waxaynu ku noolahay mandaqad xasiloonidu aad ugu yar-tahay oo argagixiso iyo budhcadbadeedu ku badan-tahay, kuwaasoo damci karra inay waxyeelaan Somaliland, siddaas darteed, waxaan kulla talin lahaa inay soo jeedaan oo noqdaan indhihii iyo dhagihii booliska. Waxaa kalle, oo aan u jeedin lahaa inay eegaan dadka tabarta daran ee shacbigeena ka midka ah, iyaddoo in badan oo ka mid ah bulshaddeenu ay jilicsantahay oo shaqo la'aan aan is leeyahay insha Alaha waa laga baxayaa dhakhso ay jirto, taasoo ah dhaqankeena aynu ku caano maalay ee aynu ku amaananahay.

No comments: