Hargeysa -Agaasimaha Guud ee wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Md. Xasan Cumar Hoori ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan qaraxyadii ka dhacay magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool loo adeegsaday isgaadhsiinta casriga ah,haddii wasaaradu gacanta ku hayn lahayd adeega isgaadhsiintana ay lagaga hortagi lahaa faldamiyeedyada.
Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay inay dhawaan dalka laga hirgelin doono adeeg casri ah oo boosaha la xidhiidha kaasi oo ay la kaashadeen Ha'yadaha IOM iyo UNDP.
Xasan Cumar Hoori waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi khaas ah oo uu siiyay Wargeyska todobaadlaha ah ee The Horn Tribune oo ah mataanta wargeyska DAWAN, waxaanu ugu horayn ka warbixiyay xaalada wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta waxaanu yidhi "Aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay bahda Saxaafadda oo ah kuwa dadka u gudbiya warka, marka war la helana tallo la hel, wasaarada Boosaha isgaadhsiinta waxay ahayd wasaaradaha ugu liita ee ugu hooseeya dalka. Anagoo fulinaya siyaasada dawlada cusub waxaanu ka bilownay sidii aanu wasaaradda dib ugu kicino in la helo sharcigii lagu shaqayn lahaa iyo in la helo shaqaalihii ku shaqayn lahaa aqoontan casriga ah waxyaabaha aanu diirada saaraynay kuwaasi ayaa ka mid ahaa.waxaan u mahad naqaynaa madaxweynaha Som (Siilaanyo) oo gacan weyn naga siiyay sidii ay u suurto geli lahayd in la helo sharcigii lagu maamuli lahaa isgaadhsiinta dalka. Waxa kale oo aanu u mahad celinaynaa Golaha Xukuumadda oo gacan weyn ka geystay in sharcigii isgaadhsiintu meel maro waxaan halkan ka bogaadinayaa Goleyaasha Wakiilada iyo Guurtida oo ansixiyay xeerkii waxa hadhsan uun imika in Madaxweynuhu qalinka ku duugo."
Xasan Cumar oo ka hadlayay waxtarka xeerkani u leeyahay Wasaarada waxa uu yidhi "Waxaanu filaynaa haddii xeerka la helo, kow waa kii lagu maarayn lahaa isgaadhsiinta dalka oo ay isgaadhsiintu yeelato madax, mijo iyo meel loo raaco. Waxa anaga wasaarad ahaan waajibaadkayagu yahay in la helo isgaadhsiin casri ah iyo qiime ka jaban oo u danaynaya macaamiisha. Waxa kale oo aan filaynaa inuu xeerkani gacan ka geysan doono cashuurta.waxa odoraska miisaaniyada qaranka ee 2011-ka wasaarada laga sugayaa lacag dhan 38 Bilyan oo shilin, taas oo u dhiganta wax ku dhow 7 Milyan oo Dollar. Taasi oo dhinaca kale marka laga eego noqon karaysa mushaharka dad shaqaale ah oo tiradoodu gaadhayso 6500 oo shaqaale ah."
Agaasimuhu waxa uu sheegay inay ka xun yihiin dib u dhac ku yimid miisaaniyada waxaanu yidhi "Aad baan uga xun nahay wax baa dib u dhacay iyadoo sanadka badhtamahiisii la marayo arrintaasi may fulin maadaama oo aanu sharcigii gacanta ku hayno waxaanu ku tallo jirnaa wixii aanu ka gaadhsiin karno aanu ka gaadhsiino.waxaanu ku dedaalaynaa in wax walba aanu wada tashi iyo wax heshiis lagu yahay lagu dhameeyo oo shirkadaha xidhiidhka naga dhaxeynayaana uu noqdo mid wanaagsan. Todobaad kasta waxaanu shirkadaha la kulanaa maalinta Axadda."
"Waxaanu ku tallo-jirnaa in sida ugu dhakhsaha badan uu dhawaan u meel maro haddii Alle yidhaahdo isku xidhkii isgaadhsiinta ee shirkadaha oo laga raysto madaxyada kala duwan oo ay dadka u suurto gasho in qofku isagoo hal Telefoon sita uu garaaci karo shirkadaha kale. Illaa hadda lixda shirkadood ee isgaadhsiinta shan ka mid ah ayaa saxeexay heshiiska isku xidhka Isgaadhsiinta.shirkada TELESOM oo ah ta lixaad ayaan iyadu saxeexin iyaguna siday sheegeen maddi'yan way waafaqsan yihiin xoogaa sicirka ah ayaan la isku fahmin waana laga heshiin doonaa isna. Waxaan filaynaa in maamulka isgaadhsiinta dalku ay gacanta u gasho wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiinta,"ayuu yidhi Agaasimaha Guud.
Agaasimaha guud waxa uu sheegay inay kaalin ka geysan doonaan sugida ammaanka waxaanu yidhi "Waxaanu kaalin weyn ka qaadan doonaa nabadgelyada dalka, anigu waxaan tusaale u soo qaataa qaraxyadii ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool sidaan ka warqabno dhammaantood waxa lagu fuliyay iyadoo la adeegsanayo aalada casriga ah ee Simcard-ka iyo isgaadhsiinta.markaa haddii isgaadhsiintu ay soo galaan gacanta dawlada ka hortag faro badan ayaa iman doonaa haddii ay wax dhacaana waa laga daba tagi doonaa.waxa markaanu intaasi qabano aanu raadin doonaa xafiisyadii aanu ku shaqayn lahayn.
Wasaarada gudaheeda waxa yaala qalab casri ah oo dhamaystiran oo shirkadaha isku xidhaya tijaabadii u horaysayna todobaadkii u dambeeyay ayaanu ka faraxalanay oo waxaanu isku xidhnay shanta shirkadood ee kale marka laga reebo shirkada Telesom. Waxaanu filaynaa in wasaaradii fadhiidka ahayd ay noqoto mustaqbalka dhow meel waxqabad lagu tilmaansado dalkana waxtar badan u yeelata."
Agaasimaha oo la weydiiyay waxyaabaha ka hortaagan wasaarada inay ka shaqaysiiso waaxdii Boosaha waxaanu yidhi "Waa run magacayaga waxa la yidhaahdaa wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiinta markaa waxa xaq naloogu yeelanayaa inaanu magacii boosaha ka guurno ama inaanu adeegii boosaha qabano.wasaaradu iyadoo la jaan qaadaysa farsamooyinka casriga ah nidaamka la yidhaahdo Universal Boster System oo ah mid cusub dalka qudha dunida sadexaad iyo dalalka soo koraya laga soo qaatay in adeegaasi laga hirgeliyo waa Somaliland. Waxa noo qorshaysan inaan adeegaas isticmaalo iyadoo satalaytka la adeegsanayo."
"Markaa adeega boosaha anagoo la kaashanayna dalalka dariska oo dhawaan wasiirkayaga Boosha Dr. Axmed Xaashi uu tagay iyo anagoo la kaashanayna Ha'yada IOM iyo UNDP waxaanu rajaynaynaa in dalka laga hirgeliyo adeegga boosaha oo kii hore ka casrisan oo guri walba iyo xafiis walba la gashan karo,"ayuu yidhi Md.Xasan Cumar Hoori.
Agaasimaha oo la weydiiyay waxay Somaliland u samaysan weyday furre telefoon oo gaar ah waxaanu yidhi "Sidaan ka warqabno number-ada Country Code la yidhaahdo illaa imika waxaan isticmaalaa ( 252) oo ah kii ay Soomaaliya lahaan jirtay waxa numberkaasi inoo sii raaca (2) oo Somaliland u gaar ah oo noqonaya (2522). Waxa wasaarada xil ka saaran yahay inaan ka guuro si isgaadhsiinteenu noqoto mid ka madax banaan Soomaaliya. Dhawr shirkadood oo maraykan iyo faransiisba ka mid yihiin ayaanu la kaashanay oo ku gudo jira wax dhib yar ma aha in la helo Country Code hawshaasna waanu ku jirnaa waxaanan filayaa in xeerka isgaadhsiinta ee sanadkan 2011 inoo hirgalay inuu fududayn doono arrintan."
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
No comments:
Post a Comment