20 June, 2011

Maayarka Magaalada Laascaanood Oo Xabsiga La Dhigay

Maayarka Magaalada Laascaanood Oo Xabsiga La Dhigay

Maayarka Oo Lagu Eedeeyay In Uu Abaabulay Shirar Ka Dhan Ah Qarannimada Somaliland

Laascaanood - Maayarka magaalada Laascaanood Axmed Aw Daahir Xasan ayaa xabsiga loo taxaabay, isla markaana laga qaaday xilkii Maayarnimo ee uu hayay.

Xadhiga Maayarka ayaa ka dambeeyay kadib markii lagu soo eedeeyay in uu ka dambeeyay oo uu abaabulay shirar ka dhan ah qarranimadda Somaliland, iyo taabo galka nabadgelyada gobolka Sool.

Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdillaahi Jaamac Diiriye oo aanu caawa khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa noo u xaqiijiyay xadhiga iyo xil ka qaadista Maayarka.

"Warkaasi wuu jiraa, waa la xidhay maayarkii xilkii uu hayayna waa laga qaaday, shalay makhribkii ayaa Ciidamada Boolisku xidheen oo ay ka soo qabteen gurigiisa oo ku yaala magaalada Laascaanood." Ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Sool Cabdillaahi Jaamac Diiriye, isaga oo hadalkiisi sii watayna waxa uu intaa raaciyay "Maayarka la xidhay waxa lagu soo eedayay falal ay ak mid yihiin in uu uu abaabulay shirar ka dhan ah qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, amaanka iyo xasiloonida gobolka iyo musuq maasuq baahsan oo ka jira dawladda hoose ee magaalada Laascaanood,"
Wararka kale ee naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee la xidhiidha xadhiga Maayarka ayaa sheegaya in tuulada Karin oo 70 Km Laascaanood ka xigta dhinaca magaalada Garoowe uu kulan qarsoodi ah kula yeeshay guddoomiye ku xigeenka kooxda nabaddiidka ah ee SSC Cali Sabaray iyo wasiirka qorshaynta maamul goboleedka Puntland Maxamuud Bisin.
Wararku waxa kale oo ay intaa ku darayaan in uu Maayarku magacaabay 21 xubnood oo uu ku tilmaamay guddida nabadgelyada magaalada Laascaanood, kuwaas oo dhawaan si cad ugu baahiyay qaar ka mid ah shabakadaha wararka hadalo ka dhan ah qarannimada Somaliland iyo xasiloonida gobolka Sool.
Waxa kale oo lagu eedaynayaa in uu si cad u diiday in uu wada shaqayn la yeesho weftigii ka socday xukuumadda iyo golayaasha qaranka oo ku sugan magaalada Laascaanood.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com


No comments: