Widh-widh - wada hadaladii nabadeed iyo gogoshii Madaxweynaha Somaliland u fidiyay waxgaradka Gobolka Sool iyo Buuhoodle ayaa maalinta Salaasada si rasmi ah uga furmaya magaalada Widh-widh ee gobolka Buuhoodle.
Shirkan nabadeed oo ay ka qeyb galayaan 300 oo ergay oo ka kala socda salaadiinta, cuqaasha, aqoon yahanada iyo waxgarada Gobolada Sool iyo Buuhoodle, waxaana badi ergooyinku ay soo gaadheen goobta shirka lagu qabanayo ee degmada Widh-widh oo laga dhisay taandho weyn oo leeg tii shirkii Carta oo kale, waxaana magaalada Widh-widh ay la ciirciiraysaa samxada ergooyinka shirkan ka qeyb galaya.
Waxa kale oo shirkan lagu wadaa inay ku soo biiraan saraakiil badan oo ka mid ah kooxda nabad diidka ah ee SSC kuwaasi oo xiligan go'aansaday inay ka qeyb qaataan wada hadalada nabadda isla markaana ay tabashooyinkooda ka sheegaan shirka nabadeed ee xukuumadda Somaliland u sameysay waxgaradka gobolada Sool iyo Buuhoodle.
Dhinaca kale, waxa xukuumadda Somaliland uga qeyb galaya shirkan wefti heerkiisu sareeyo oo wasiiro ah kuwaasi oo lagu wado inay maalinta bari soo gaadhaan magaalada Widh-widh.
Sidoo kale, ciidamada qaranka Somaliland iyo dadweynaha deegaankaasi oo is abaabulay ayaa si weyn u xoojiyay amniga degmada Widh-widh ee shirku ka furmayo.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
No comments:
Post a Comment