21 June, 2011

“UDUB Sidii Ay Noola Dhaqmi Jireen Markaanu Masuuliyiin-Tayadda Soo Dhawaynayno Ula Macaamili Mayno”

"UDUB Sidii Ay Noola Dhaqmi Jireen Markaanu Masuuliyiin-Tayadda Soo Dhawaynayno Ula Macaamili Mayno"
HAATUF http://www.haatuf.net/2009files/15821908.html
Maxamuud Xaashi, Wasiirka Duulista

Hargeysa, June 21, 2011 (Haatuf) - Wasiirka wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo badhasaabka gobolka Maroodi Jeex Axmed Cumar Xaaji C/laahi (Xamarji), ayaa xukuumadda madaxayne Axmed Siilaanyo ka difaacay eedo ay u soo jeediyeen masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, taas oo ay ku eedeeyeen in xukuumaddu masuuliyiinta UDUB iyo taageereyaasha xisbigaas ka hor-joogsatay inay gudaha madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyaan Guddoomiyaha xisbiga UDUB ahna Madaxweynihii hore Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, kaas oo shalay si weyn loogu soo dhaweeyay caasimada Hargeysa.

Wasiirka iyo badhasaabka ayaa waxa ay sidaas ku sheegeen mar ay shalay shir jaraa'id wadda jir ugu qabteen Hutel Summer Time ee magaaladda Hargeysa, ugu horayna wasiirka oo ka hadlaya eeda UDUB u soo jeedisay ayaa waxa uu yidhi "Eeda xisbiga UDUB nagu eedeeyeen inaanu u diidnay inay galaan qolka VIP-da ee madaarka Hargeysa waa mid waxba kama jiraan ah oo been ah. Xaqiiqadu waxay tahay waxaanu isku qabanay masuuliyiinta UDUB wax cad ayay ahayd Daahir Rayaale Kaahin, waa Madaxweynihii hore ee Somaliland waana gudoomiyihii xisbiga mucaaridka ah ee UDUB maamuus qaran ayuu nagu leeyahay milgihiisana waanu garanaynaa."

Md. Maxamuud Xaashi waxa uu sheegay inay masuuliyiinta xisbiga UDUB u ogolaadeen inay galaan gudaha madaarka loona furo qolka nasashada ee VIP-da waxaanu yidhi "Waxaanu u ogolaanay dhamaan masuuliyiinta xisbiga UDUB inay galaan gudaha madaarka oo loo furo qolka nasashada gaadiidka ay wataanna loo dhigo Parking-nada madaarka, dadka taageereyaasha ah ee faraha badanna ay dibada sii joogaan sababo la xidhiidha amniga madaarka darrteed.

Maamuus xumayna may ahayne ammaanka ayaa sidaasi loo yeelay, madaarka Hargeysa dad baa ka dhoofaya qaarna way ka soo degayaan waxaas oo dad ah looma sii dayn karo qolka nasashaduna ma qaadi karo boqolaalkaas qof." Isagana oo hadalkii sii watana waxa uu yidhi "Waxay yidhaahdeen masuuliyiinta UDUB haddii aan nala sii wada dayn anaguna geli mayno gudaha. Masuuliyiinta maanta qeylinaya ee cabanayaa waa raggii shalay xilka hayay kuwa maanta talada hayaana waa mucaaridkii shalay. Sidii ay noola dhaqmi jireen markaanu masuuliyiintayada soo dhawaynayno ula macaamili mayno".

Dhinaca kale Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Xamarji ayaa isaguna sheegay inaanay xukuumadu lahayn eed, isla markaana wax meel ka dhac ah lagula kicin guddoomiyaha Udub Daahir Rayaale Kaahi, waxaanu wax lala yaabo ku tilmaamay hadalada ka soo yeedhay qaar ka mid ah madaxda UDUB, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi "Masuuliyiinta UDUB ee ku hadlay waxa ka lala yaabe, isla markaana kicinaya shacbiga waxaan leeyahay waxba la idinma yeeline ummadda ka daaya dhibta. Aniga in badan ayaa la i xidhay wakhtigii aanu mucaaridka ahayn, walina wax sharciya oo la igu xidhan maan arag, markaas waxaan leeyahay anagu hadaba waxba idinkuma samaynaynoo sidiinii yeeli maynee ummadda ka daaya kicinta iyo dambiga"

No comments: