21 June, 2011

Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada oo Cod Kala badh in yar dheer ku meel mariyey Xil ka qaadista Oomane.

Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada oo Cod Kala badh in yar dheer ku meel mariyey Xil ka qaadista Oomane.

Kulan ay isugu yimaadeen laba gole ee guurtida iyo wakiilada ayaa maanta xilka lagaga qaaday Gudoomiyaha Maxakamada Sare Mudane Maxamed Xirsi Oomane oo uu hore madaxweyne Siiraanyo xilka uga qaaday una soo gudbiyey golayaasha wakiilada iyo guurtida si ay u meel mariyaan.

Fadhigan maanta oo ay ka soo xaadireen 130 Xildhibaan marka laga reebo shirgudoonka ayaa kadib markii la eegay arinta hortaala waxaa lagalay sidoo cod loogu qaadi lahaa in madaxweynaha lagu raaco iyo in laga diido.
67 mudane waxay u codeeyeen in xil ka qaadistaa lagu sameeyey ay ku taageeraan madaxweynaha halka
52 ay yidhaahdeen maya oo waa arin u baahan dib u eegis , waxaana ka aamusay 11 mudane manay coday shirgudoonka laba gole sidaasna waxaa ku meel martay in uu xilkiiisa ku waayo Mudane Oomane oo mudo dheer soo hayey xilka gudoomiyaha maxakamada sare sidoo kalena ahaa dhaariyihii Madaxweyne Axmed Maxamed.

Kulankan oo uu Cabdiraxmaan ciro ka jeediyey Hadal yar oo kooban ayaa waxa uu ku sheegay in ay xil ka qaadistii gudoomiyaha maaxakamada sare sidaasi ku meel martay sidoo kalena ay dhawaan ka doodi doonaan codna u qaadi doonaan arintii furashada xibiyada.

Waxana dhawaan laga dhawrayaa arinta oo xasaasi ah siday ka yeelaan golayaasha wakiilada iyo guurtidu.


No comments: