07 October, 2010

Xukuumada Cusubi Ha Is Xisaabiso Inta Dadwaynuhu Aanu Xisaabin, Taageeradana Kala Noqon

Xukuumada Cusubi Ha Is Xisaabiso Inta Dadwaynuhu Aanu Xisaabin, Taageeradana Kala Noqon


Xildhibaan Cali Yuusuf Axmed


Seddexda xisbi ( Kulmiye, UDUB, iyo UCID) ee kurisiga ugu sareeya ee dalka u tartamayay maxay ugu codeeyeen:

A) Balanqaadyadoodii

B) Barnaamijkooda iyo

C) Kalsooni ay ka filayeen in musharaxaasi/xisbigaasi ka dhabayndoono         ballanqaadkiisa.

Qodobada ugu waawayn ee codbixiyayaashu ay tixgelinta siinayeen waxa ka mid ahaa:

  1. Dhaqaalaha

  2. Caddaaladda

  3. Arrimaha Bulshada iyo siyaasada

  4. Shaqo abuurista iyo shaqaalaha

  5. La dagaallanka musuqmaasuqa

  6. Nabadgalyada iyo

  7. Ilaalinta Dastuurka iyo xeerarka dalka.

Maqaalkan waxaan kaga hadlayaa arrimaha dhaqaalaha iyo ballanqaadyadii xisbiga Kulmiye. Qodobada kale ee kor ku xusanna mustaqbalka dhow ayaan ka hadli doonaa insha alah.

Wax kaqabashada dhinaca dhaqaaluhu waxa loo qaybin karaa:

  1. wax u baahan waxka qabasho degdeg ah

  2. wax u baahan muddo dheer.

Maadaama xukuumaddan cusubi ay ku jirto bishii saddexaad, waxaan ka hadlayaa oo kaliya wixii la qaban kari lahaa mudadaas. Ballanqaadyada u baahan muddo waxan u daynaynaa mustaqbalka.

Anigu waxaan ahay Xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada kana mid ah Xisbiga Kulimiye waxa la is waydiin karaa, xildhibaan ka tirsan Kulmiye muxuu xukuumadda u naqdiyayaa? Sababta aan caynkaa u yeelayaa waxa weeye inaan xukuumada saxo, lexejeclo aan u qabo awgeed iyo in aan xusuusiyo ballanqaadyadii aan u sheegnay codbixiyayaasha guushana aan ku gaadhnay hase ahaatee aan wali  fulin. Waxaan leeyahay waa in aynu is xisaabino oo aynu isa saxno inta aanay dadwaynuhu aanay ina xisaabin taageerada inagala noqon .

Waxanu balanqaadnay in canshuuraha dib u habayn lagu sameeyo ayadoo la tixgalinayo maciishada iyo horumarinta ganacsiga. Waxa kale oo aanu ballanqaadnay in ganacsigu xor yahay oo aan kooto (monopoly) cidna loo xidhin.

Ballanqaadyadaasi waxay ka mid yihiin, qodobadii dadweynuhu la dhaceen ee Kulmiye guusha ku helay. Hadaba xaggee ayaa salluugu ka jiraa.

Dhinaca Kootada

Taageerayaasha Xisbiga Kulimiye waxay filayeen una codeeyeen, haddii ay guulaystaan in kootada xaaranta ah la tirtiridoono. Haddaba kootooyinkaasi qaar ka mid ah aynu soo qaadanno.

Dhoofka xoolaha; waxa loogu xidhay Al Jaabiri. Xumkuumadii hore ayaa u ogolaatay Carabkaasi in neefkasta oo adhi ah laga siiyo $7 Lo'da iyo Geelana way badan yihiin. Arintaasi axsaabta mucaaradka, Baarlamaanka iyo dadwaynuhuba way ka gilgisheen. Waxay ahayd fadeexad weyn oo xukuumadda lagu cambaaraynayay. Waxa xukuumadda lagu cambaaraynayey, inay laagtaasi sifo sharcidarro ah qayb ka mid ah u qaadan jirtay.


Hadaba wali lacagtii waa la qaadaa ee xagay martaa? Ballanqaadkii maxaa laga qabtay? Xukuumaddu maxay uga hadli wayday?.xoolo dhaqataduna wali way sugaysaa $7 ee xoolahoda neef kasta laga goosto.

Isgaadhsiinta: Keebalka badda hoos mara ee Somaliland ee lagu soo xidhayo, xukuumaddii hore ayaana bixisay, si sharci darro ahna waa lagu bixiyey oo tartan looma galin. Arrintaasi Kulmiye iyo saxaafadda xorta ahi si kulul oo joogto ah ayey uga hadhi jireen. Xisbiga Kulmiye marka uu guulaystay xukuumaddu arrintaasi waxba kama qaban, balse waxa ay ku raacday go'aankii xukuumaddii hore ay ku cambaarayn jirtay. Hadaba markee ayay sax tahay?


Guryaha laga dhisayo Indian Lineka: Dhulkaasi wuxuu ku yaalaa wadnaha caasimadda. Haddii aynu ictiraaf helno waa dhulkii laga dhisi lahaa dhismayaal waaweyn oo wasaaraduhu galaan, dhul keyd qaran ah ayuu ahaa. Sida aynu ka wada warhayno si sharci darro ah ayaa lagu bixiyay. Xisbiga Kulmiye wuxuu balanqaaday haddii uu hogaanka waddanka qabto in hantidaasi Qaranka loosoo celin doono. Maxaa ka hirgalay arrintaasi ilaa hadda?


HAATUF

No comments: