25 December, 2009

TACSI GEERIDA MARXUUM SICIID MAXAMED NUUR




Anigoo ku hadlaaya magaca Somaliland Democracy Shield waxaan tacsi u dirayaa xaaska, ubadka, tafiirta kale, ehelka, qaraabada, xigaalka, iyo asxaabta uu marxuumku ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa Shacbiweynaha Soomaliland, gaar ahaan Gobalka Sanaag ee uu ka soo jeeday

Alle ha u naxariistee MARXUUM SICIID MAXAMED NUUR, Wasiir Dawlii Arrimaha Debedda waxaa shalay 23/12/2009 lagu aasay magaalada Hargeysa
MARXUUM SICIID MAXAMED NUUR, waxuu ahaa halgamaa qayb weyn kaga jiray halgankii SNM oo uu ka tirsanaa hoggaanka sare, ilaa geeridiisana waxuu ahaa nin ku hawlanaa dhismaha qaranka xili nabad-doon uu ahaa iyo xili uu hawl-qaran hayeyba. Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.

Axmed Carwo
President
Somaliland Democracy Shield

Cardiff UK


No comments: