10 April, 2010

Reer Gabiley oo Soo Bandhigay Miisaanka Taageeradooda Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE(Sawiro)

Reer Gabiley oo Soo Bandhigay Miisaanka Taageeradooda Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE(Sawiro) Gebilay (SNN)- Dadweynaha reer Gabiley, ayaa maanta isu soo bax ballaadhan ku soo bandhigay miisaankooda taageerada ay u hayaan xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE.

Boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Gabiley, ayaa isugu soo baxay barxad ballaadhan oo magaalada bandhankeeda, taas oo ay ku muujinayeen cududa taageero ee ay u hayaan KULMIYE, iyagoo ku lebisan calanka xisbigaas.


Ismuujintan siyaasadeed ee reer Gabiley oo daba socotay mid hore oo xisbiga talada haya ee UDUB ku qabtay magaaladaasi, isa markaana madaxdiisu sheegeen inay haystaan taageerada ugu ballaadhan ee Gobolka Gabiley, ayaa waxa ka qaybgalay Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, kana tirsan KULMIYE, madax sare oo ka tirsan xisbigaas, xildhibaano Baarlamanka ka tirsan iyo dadweyne aad u tiro badan.

Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiilada ee Xisbiga Kulmiye uga soo baxay Gobolka Gebilay oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ujeedada isu soo baxaasi yahay mid ay reer Gabiley ku muujinayaan taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE.


"Waxaan halkan idinka sheegayaa oo aad aragtaan in shacbi weynaha ku dhaqan Gebilay ay yihiin dhamaantooda xisbiga KULMIYE oo ay u taaganyihiin in dalka isbeddel ka dhaco si ay u gaadhaan waxay higsanayaan ee horumar ah," ayuu yidhi Md. Ibraahim Axmed Haybe, waxaanu intaa raacieyy, "Waxqabada dadweynaha reer Gebilay qabsadeen waxa uu noqday mid ay ku faanto xukuumadda maanta jirtaa, waxa lagu faanayaa Jaamacada Gebilay ee dadweynaheedu dhisteen, waxa lagu faanayaa biyaha Botor, waxa lagu faanayaa cusbitaalka Gebilay ee aynu ognahay in dadka u dhashay Gobolka ee dalka gudihiisa iyo dibediisa joogaa ay soo taakuleeyeen.


Masuuliyiintii Xukuumadda ee ballanqaaday inay bixinayaaa qaadhaanka Jaamacada weli waxay bixiyeen ma jiro. Markaa sidee ayey ugu faani karaan waxqabadka ay dadku samaysteen."


Guddoomiyaha Ololaha Galbeedka Somaliland ee xisbiga KULMIYE Mr. Baashe Cabdi Gabboobe oo isaguna xafladda ka hadlay, ayaa sheegay in aan xisbiga UDUB waqtiga doorashada isku halayn taageero uu ka helo Gobolka Gabiley balse isku halaynayso musuqmaasuq, waxaannu yidhi; "Waxaan aad ugu faraxsannahay tii la ii magacaabay Guddoomiyaha Ololaha Galbeedka Somaliland ee xisbiga KULMIYE in aan la kulmo munaasibad aad u ballaadhan oo ay taageerayaashadu ku muujinayaan taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE.


Dadweynaha reer Gabiley waxa kale oo aan u sheegayaa inay doorashadii dhici doontoo, isla markaana dhowdahay, cago-jiidkii xukuumadda Madaxweyne Rayaale baraytayna in la isugu tagay gudo iyo dibedba sidii ay u dhici lahayd doorashadu, caalamkuna u soo jeedsatay, Rayaale-na wuu ku khasban yahay inuu dhowaan doorashada qabto, waxaanan idiin soo jeedinayaa inuu nin walba meeshiisa ka foojignaado, xukuumaddanina maaha mid isku halaysa taageero shacab, balse waa mid isku lahaynaysa inay musuqmaasuq wax ku hesho, taasina mid suurtogalaysa maahaa, waayo taageerayaasha xisbiga KULMIYE way soo jeedaan."


Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna khudbad u jeediyey dadweynahaasi, ayaa dadweynaha reer Gabiley u sheegay in ballanqaadyada had iyo jeer masuuliyiintu kaga baxaan ka mid tahay calaamadaha munaafiqiinta, isaga oo u soo jeediyey hadday Illaahay ku xidhnaadaan oo aanay waxba ka qaadayn cidkasta oo isku dayda inay ka weeciso waddada toosan.


"Qofka Muslimka ah ee iimaankiisa qish ku jiro ee ummadda been u sheegaya sifooyinka uu leeyahay waa sifooyinka munaafiqiinta, waxaanna ka mid ah been joogto ah, dadka iimaanka lehna maaha beenaalayaan oo ballan uu ummad u qaado kama baxo.


Sidoo kale waa masuul marka uu ummadda wax u sheegayo been u sheegaya, waanna nin marka uu ballanqaado ka baxaya, haddii xil loo dhiibana oo la aamino wuu khiyaamayaa, marka aan axaadiistaa iyo tusaalayaashaa soo qaadanayo annagu odhan maayo shakhsi iyo xisbi hebel, laakiin ummadda iyadaa laga rabaa sifooyinkaa aynu soo sheegnay cidda ku sifowday inay iyagu qiimeeyaan," ayuu yidhi Md. Samaale.
















Xig: Salalnews.com

No comments: