Hargeysa: Isbeddel-doonka Degmada 26-ka June oo Taageeradooda Siyaasadeed ku Wareejiyey KULMIYE Hargeysa (Jam)- Boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan degmada 26-ka June ee magaalada Hargeysa oo sheegay inay doonaynaa isbeddel siyaasadeed oo dalka ka dhaca, sidaa daraadeedna waxay shaaca ka qaadeen inay si buuxda u taageerayaan xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE. Xaflad ballaadhan oo shalay lagu qabtay xarunta dhexe ee KULMIYE ku leeyahay caasimadda Hargeysa, ayaa masuuliyiinta sarsare ee xisbigaasi ku qaabileen taageerayashaas cusub ee ku biiray, kuwaasoo ay sheegeen inay ahaayeen awood ka maqan oo ay u baahnaayeen, sidaa daraadeedna gacmo-furan ku soo dhaweeyaan Xubno u hadlay taageerayaasha isbeddel-doonka ee ku biiray xisbiga KULMIYE, ayaa ka warramay sababaha ku dhaliyey inay qaataan go'aankan, waxaanay tibaaxeen in dhibaatooyinka dalka ka taagan iyo ballanqaadyada beenta ah ee xukuumadda UDUB dalka ku hoggaamiso ay u adkaysan kari waayeen, taasi ku kelliftay in iyagoo isku duuban taageeraan xisbiga KULMIYE oo ay ku tilmaameen mid dalka xal u ah. Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad ka jeediyey halkaasi, ayaa si wayn u soo dhaweeyey dadkaas isbeddel-doonka ah oo uu ku tilmaamay inay yihiin cudud ka maqnayd. "Waxa farxad wayn noo ah in dhallinyarada faraha badan ay KULMIYE ku biiraan oo ka dhabeeyaan inay wax ka beddelaan nidaamka maanta dalkii baabi'iyey ee ay taasi keentay in dhallinyaradii ka tahriibto oo wax allaale iyo wax kale oo uu dalka u qabanayaa anaay jirin," ayuu yidhi Md. Siilaanyo. Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee KULMIYE Mr. Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarje, ayaa isaguna dhallinyarada la soo dhaweynayey u hogo-tusaaleeyey sida loo beddeli karo maamulka talada haya iyo fursadda ay u haystaan oo uu ku tilaamay mid aan culays badan uga baahnayn oo ku xidhan oo keliya codkooda. "Waxaan idiin sheegayaa in toddobaadkan la idiin soo bandhigi doono barmaamujka siyaasadeed ee xisbiga oo ah mid ka yimi aqoonyahanka Somaliland, waanan hubaa inuu in badan ka fiicnaan doono xukuumadda talada haysa, waakaa isbeddelka aynu doonaynaa ee maaha isbeddelka aynu doonaynaa mid kursiga aynu ku fadhiisinayno Siilaanyo iyo Saylici," ayuu yidhi Mr. Xamarje. Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle iyo Guddoomiyaha Ololaha doorashada KULMIYE ee gobollada galbeed Md. Baashe Cabdi Gaboobe oo xafladaasi ka hadlay, ayaa waxay bogaadiyeen taageerayaashaasi cusub ee ku biiray oo ay u sheegeen in dhaliilaha waxqabad la'aanta ah ee ay kaga soo horjeesteen xisbiga talada haya ee UDUB ay KULMIYE ahaan wax ka qaban doonaan. Fu'aad Ibraahim Kooshin oo ka mid ahaa dhallinyarada xafladdaasi ka hadlay, horena uga mid ahaa masuuliyiintii UDUB ee degmada 26-ka June, balse ka baxay oo ku biiray KULMIYE, ayaa sheegay in madaxda UDUB ee ku hanjaba taageerada degmada 26-ka June inay isugu yimaaddaan fagaare si loo arko cidda KULMIYE iyo UDUB haysata taageerada xaafaddaas. |
Jamhuuriya Online |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
10 April, 2010
Hargeysa: Isbeddel-doonka Degmada 26-ka June oo Taageeradooda Siyaasadeed ku Wareejiyey KULMIYE
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment