Suspension of the So-called Universal from Somaliland was a Step in the Right Direction Brief Commentary Universal is a small shady TV which is bent on a cheap, and baseless propaganda campaign campaign. Universal is nothing but a Fadhi Kudirir on steroids, using modern technology. Nobody exactly knows who owns this TV station and how they get funds. The employees of this station enjoy very little education and experience. We commend Somaliland minister, information's decision to suspend that TVs operations in Somaliland. We are a very sensitive time and we need to control foreign owned TVs and News Papers, who are waging a vicious campaign agianst somaliland. I am especially talking the media in the hands of very under educated and irresponsible people. We are urging the minister of information Mr. Geel Jire to ban Universal for ever. Mamnuucista Universal ma Dawbaa mise? Akhristayaalow, maalmahanba waxaan la soconey doodo kala duwan oo ku saabsan xidhitaanka Universal TV oo sidda aynu la wada socono ah TV-ga keliya ee caalamiga ah ee Afka Somaliga ku hadla. Haddaba, iyadoo sidda Somalidu horeba uga maahmaahday la yidhi: 'ragga aarraadoodu waa siddii mudacyo afkood,' oo loola jeeddo sidda ay u adagtahay in laba mudac afkooda laysugeeyo ay u adagtahay in ragga afkaartooda oma aarraa'dooda laysugukeena si ay wax kaliya ugu heshiiyaan. Taas oo cadaynaysa in fikirka lagu kala duwanaan karo, oo labba qof aanay isku-si wax u arkikarin, ayaa waxaan jecelahay bal inaan hadda fikirkayga ku cabirro sidday anigana wax iila muuqdaan. Waxaan rumaysanahay in Universal TV ka gaabiyey kala qolqolista Somalia iyo Somaliland. Wajibaadka suxufiyiinta ayaa waxa ka mid (allegiance to society) oo ah in weriyuhu daryeelo kuxidhnaanshahiisa mujatamaca uu ushaqaynaayo. Sidday markaa u suurto gelaysaa in Universal TV kashaqeeyo Somaliland haddii uu dayacay xidhiidhkii isaga iyo bulshada reer Somaliland ka dhexeeyey? Xikmad Afsomali ahina waxay tidhaahdaa: 'Meeshii aad nin ka qaadatidba ninkale ayaad kaga tagtaa.' Waynu garankarnaa haddii Universal TV Somaliland dhinaca saaro inuu ka fogaanayo Somalia oo berito Xamar iyo meelaho kale oo uu xafiisyo ku leeyahayba laga saarikaro. Universal TV waxay ahayd inay kala saaraan siyaasada (Somaliweyn) iyo u-adeegista bulshooyinka ay u shaqeeyaan kana shaqaystaan ee Afsomaliga wada wadaaga. Waajibaadka kale ee warbaahintu leedahay ayaa waxa ka mid ah in wararkoodu ahaadaan qaar cadaalad, dhexdhexaadnimo, issu-dheelitirnaan iyo run ku salaysan. Markaa waan ka soo horjeedaa dadka ku doodaya in warbaahinta xoriyatul qawl iyo madaxbanaani haystaan oo wixii ay doonaanba iskaga hadlikaraan oma qorikaraan. Inkastoo weriyuhu xoriyad u haysto shaqadiisa, haddana waajibaad xakamaynaya xoriyadaas ayaa jira oo loogu talo galay inay u noqdaan dabbar seeteeya qofka wax qoraya. Kuwaas oo ah in xuquuqda qofka, urur,diin, mujtamac, dawlad oma xukuumad aan lagu xadgudbikarin meelkadhacna loo geysankarin karaamadooda iyo sharafta ay leeyihiin. Waxaana taa ka markhaatiya sawiradii wargeysyada wadamada Europe qaarkood soo daabaceen ee muujinayey sawirka nebigeena Maxamed (c.s.w.) oo la aflagaadeynayo.Ficilkaa xummi xoriyatul qawl iyo xoriyada saxaafada meelna ka soo gellin ee wuxuu ahaa fal xun oo loobadheedhay in caadifadda ummadda Muslinka ah lagu waxyeeleeyo. Wargeysyo farabadan oo caalamiya ayaa cambaareeyey ficilkaas kana cudur-daartay ka qaybqaadashada bandhigga sawiradaas. Iyagoo tilmaamay in ay meelkadhac tahay loo geystey Muslimiinta iyo Diinta Islaamka iyadoo foodsaaro laga dhiganayo xoriyada qawlka iyo madaxbanaanida saxaafada. Waajibaadka kale ee saxaafadu leedahay waxaa ka midh inay ka jawaabaan wixii eed ah ee loo soo jeediyo. In saxaafadu ka digtoonaato wixii rebshed iyo qalalaase dhalinkara, oma mujtamaca ka cadhaysiinkara. Markaa, waxaan taabacsanahay darafka oma dhinaca odhanaya, Masuuliyada xidhiidhka xumaaday ee dhinaca Somaliland maamulka Universal TV ayaa musuuliyadda koobaad leh. Waayo, siddii wasiirku sheegay, way ka gaabiyeen inay qanciyaan oo ka jawaabaan tabashooyinka dhinaca xukuumadda ee saluugsan dhexdhexaadnimadda iyo xaqiiqadda wararka ay ka soo dirayaan Somaliland. Xukuumadduna iyadaa dalka ka musuul ah oo xil ka saaranyahay inay ka hortagto wixii mujtamaceena wax yeelaya oma sumcadda Somaliland iyo meeqaamka aan ka joogno caalamka wax u dhimaya, siiba marka ceebtaa laynaga faafinayaa tahay war la buunbuuniyey oon sal iyo raadtoona lahay. Xal waxaan u arko haddii Universal TV doonayo inuu Somaliland ka sii shaqeeyo:- 1) Waa inay heshiis la gallaan Wasaaradda Warfaafinta Somaliland qeexaya wajibaadka labada dhinac. 2) Waa inuu ogolaadaa in weriyaasha ka soo waramaya Somaliland gudaheedu noqdaan qaar u dhashay wadanaka Somaliland una madaxbanaanaadaan warbixntooda. 3) In Madaxa Universal TV ee qaybta Somaliland uu noqdo muwaadin Somalilander ah oo xirfad iyo aqoon u leh anshaxa saxaafada, qawaaniinta iyo wajibaadka warbaahintu leedahay. 4) In Universal TV aqbalo masuuliyadda khaladaadka iyo meelkadhaca warbaahintoodu geysato. Diyaarna u yahay mag'dhaw iyo raaligelin inay ka bixiyaan, haddii loo baahdo. 5) In ay ka waantoobaan baahinta wararka dhiilada xambaarsan ee aan salka iyo raadka toona lahayn, buunbuuninta iyo been abuurka. 6) In ay ixtiraamaan madaxbanaanida kutimi rabitaanka Shacbigga kana waantoobaan wixii shucuurta dadkeena waxyeelaya oma himmiladooda hoos-u-dhigaya iyo yassintaanka horumarka iyo muqaallufo wanaagga shacabiga reer Somaliland. Source: Mohamed Abdillahi Elmigeydh |
No comments:
Post a Comment