28 September, 2010

Siilaanyo oo Caawa ka Noqday Magacaabistii Shalay ee Guray Gabaray inuu Noqdo Abaanduulaha Ciidamada

Siilaanyo oo Caawa ka Noqday Magacaabistii Shalay ee Guray Gabaray inuu Noqdo Abaanduulaha Ciidamada

 Hargeysa (Waaheen)- Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay yaa shaaca ka qaaday inuu caawa Madaxweyne Siilaanyo si deg-deg ah uga noqday Abaanduulihii Ciidamada Xeebta Galbeed oo uu shalay uun u magacaabay Guray Gabaray.

Ka noqoshada Madaxweyne Siilaanyo ee xilkaas ayaa waxay ka dhalatay kadib markii caawa Salaadiinta Gobolka Awdal Madaxweynaha ugu hanjabeen hadii uu ka noqon waayo iskubedelkii shalay uu ku sameeyay Saraakiisha Ciidamadda Xeebta Galbeed inay qaadi doonaan Mudaharaado balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan Xukuumaddiisa.

Warkani muu sheegin waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ka yeelay bedelkii uu ku sameeyay Taliyihii Ciidamadda Galbeed Mr: Xudhuun oo ay sheegeen isna inuu ka noqdo balse waxa uu sheegay inuu jiro dhaqdhaqaaq farabadan oo ay caawa wadaan masuuliyiinta Sare ee Xukuumaddu oo ay doonayaan inay kaga hortagaan Hanjabaadaasi rrer Boorame.

Sidoo kale waxa caawa hadheeyay Xukuumadda Axmed Siilaanyo daminta Olole kale oo kaga socda Goboladda Bari gaar ahaana magaaladda Ceerigaabo oo iyana la sheegay inuu ka jiro dhaqdhaqaaq lagu diidan yahay xayiraada ay manta Xukuumadda Siilaanyo ku soo rogtay Guddoomiyihii hore ee Baanka C/raxmaan Ducaale kaasoo la sheegay inay Ergo loo saaray daminta hawshaasi kulan la yeelatay caawa Madaxweyne Siilaanyo.

 

Waaheen

No comments: