30 September, 2010

Dhanxiir

Dhanxiir 

Maansha Allaah; Alleylehe wasiirkii Daakhiliga ee afmiishaarka ahaa reer Awdal dejiyey ee ku yidhi 'Walaalayaal wiilkiinii Rayaale intuu askariyar ii soo diray ayuu Mandheera igu tuuray xumaan umaan qaadin, foodkii markii laga helayna aayar buu iska tagay oo reer Awdal may xanaaqin, maantana dad saajin la beddelay u baroorta waad ka saraysaane shaydaanka iska naara." Ninkii Ina Xaashina wali Kalkulatarkiisii buu daba sitaa xaaraan quutayaashii ummadda boobay, walee ragbaa Qaran ka soo baxay, waan garanayey in Siilaanyo aanu dhayal mudaharaadkiida bacadka ugu lugayn jirin.

Weger; Adeer; Gaboosahan Mudugaynta xarfaanka ku ah iyo Ina Xaashiggan lacag ilaalinta ku khafiifay igadaa warkoodoo Saylicigii ku-xigeenka ahaa tolkii ma qaan bay ku leeyihiin, mise Kolay Boorama ku yaal ayuu woxogaa yar ka sawiray ilayn waakan Hargeysa isku nabaya ee wejiga siin kari lee. Waxaan u malaynayaa waa la ina caameyee ku-xigeen xiniinyo caddaha baynu u baahanahay, Cajiib. Ilaahayoow adigaa xaal og.


Jamhuuriya Online

No comments: