Wasiirka Warfaafinta oo Agaasimihii hore ee TV-ga Qaranka xilka kala wareegay iyo Hadal Duur-xul ahna Xafladdii Xil-tirsigiisa Ka Jeediyey
Hargeysa.... Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Md. Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), ayaa Agaasimihii hore ee TV-ga Qaranka kala wareegay masuuliyadda Telefishanka oo aan ku jirin qaybihii uu shalay Wasiirkii hore kala wareegay.
Munaasibaddaas xil-wareejinta oo maanta lagu qabtay Xarunta TV-ga ee Wasaaradda dhexdeeda, waxa ka soo qaybgaley Afhayeenka Madaxtooyada, Badhasaabka Gobolka Hargeysa, Masuuliyiinta xilka ka tirsanayay, Madaxda kala duwan Warfaafinta dawladda, Suxufiyiin iyo marti-sharaf kale. Ugu horreyn Agaasimihii Telefishanka qaranka Maxamed Muuse Diiriye oo Xafladdaas ka hadlay ayaa ka warbixiyay muddo ku siman afar sano iyo badh oo uu Agaasime ka ahaa Telefishanka maraaxilkii uu soomaray iyo heerka uu xilligan taagan marayo.
"Waxaan kule wareegay 64shaqaale ah markii aan meesha (TV-ga) qabtay, tirada shaqaaluhu hadda waxay maraysaa 96 iyo madaxdii kale ee shaqada TV-ga la wadday sida Agaasimayaashii maamulka , Barnaamijyada iyo farsamada." Sidaa ayuu yidhi Agaasimihii hore ee TV-ga qaranka Maxamed Muuse. Waxa kale oo uu sheegay Agaasimihii hore in guud ahaan wixii hanti iyo qalab ah ee Telefishanku leeyahay uu qoraal ahaan ugu gudbiyay Wasiirka Warfafinta. Sidoo kale, waxa uu madasha ka sheegay in uu Wasiirka ku wareejiyay shan gaadhi iyo dhisme Xafiis, kaasi oo laba sanno ka hor laga hirgaliyay xarunta TV-ga. Isla markaana, Agaasimihii hore waxa uu xusay in dayntii dhismahaas lagu leeyahay TV-ga qaranka, taasoo uu Wasiirka cusub ee Warfaafinta iyana ku wareejinayo.
"Wasiirku aad ayuu unasiib badan yahay, sababtoo ah maalintii uu yimid maalintii kahoraysay wuu ciladaysnaa TV-gu, maalintii uu yimidna wuu shaqeeyey.
" Weedhiisa waxa hadalkiisa ku bilaabay Af hayeenka Madaxtooyada C/laahi Maxamed Daahir {Cakuse} oo madashaasi hadal ka jeediyay. Af hayeenku waxa uu sheegay in Wasiirka cusubi Md. Geel-jire yahay shakhsi u qalma in uu heerka ay joogeen sare uga sii qaado qaybaha kala duwan ee Wasaaradda Warfaafinta oo uu tilamaamay inay tahay hayad ahmiyad weyn u leh Qaranka. Md Cabdillaahi-Cukuse waxa kale oo uu ka hadlay doorka masuuliyadda Wasaaradda ee dhinaca Hay'adaha warbaahinta qaarkood.
"C/laahi Geel-jire waxa farxad u ah dalkan Idaacado aan la ogolayn iyo kuwo la ogolyahay iyo kuwo sharciya, kuwo aan sharci ahayn iyo kuwo dawliya ayaa kala jiri jiray oo qaar mucaarid yihiin, qaarna muxaafid yihiin, maanta waxaan filayaa in Wasiirka Warfaafintu labadii Idaacdood ee Horyaal iyo Radio Hargaysaba isugu ka wada hadli doono." ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadu Cabdillaahi-Cukuse.
Sidoo kale, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md Cabdillaahi Jaamac Cismaan {Geel-jire} oo si rasmi ah xilkaasi TV-ga qaranka ugala wareegay agaasimihii hore oo ka hadlay gunaanadkii Xafladda ayaa ka waramay is taraatijiyadda hoggaamineed ee uu ku tala-galay inuu ku saleeyo hab maamulka Wasaaradda, isagoo balanqaaday in uu gundhig uga dhigayo is ixtiraam, kala dan bayn iyo wadanka oo isku duubni loogu wada shaqeeyo.
Balse, taa lidkeeda aanu ahayn shakhsi u yimi is xukun ku dhisan digdig iyo ismuquunin u dhaxaysa madaxda iyo hawl wadeenada Wasaaradda. "Aniga marka horana Askari ayuu Abbahay ahaa oo dhal Askari ayaan ahay, mar kalena Qurbaha ayaan joogay. Markaa, kollay dadka soo kallaha ee aad u shaqeeya ee ku raaga shaqada ayaan ka mid ahay, sidaasi awgeed, waxaan odhan lahaa haddii dad badani igu daba xiiqaan waa inaad u diyaar garawdaan, gaar ahaan inta aannu shaqo isugu nimaadno." Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu Md. Geel-jire.
Waxaanu Wasiirka Warfaafinta oo cabbirayey dareenka uu ka qaatay labadii maalmood ee kala dambeeyey ee uu la kala wareegay qaybaha Wasaaradda ee Radyaha iyo TV-ga, waxa uu yidhi; "Wixii aan shalay arkay iyo waxa aan maanta arkay aad iyo aadbaan ugu faraxsanahay, dee qoladan Radyahana rajo ayay ahaayeen baan u malaynayaa, qoladan kale TV-gana hooyadoodbaa noolayd, laakiin aad iyo aad bay meeshiinnu (TV-gu) u wanaagsan tahay, meel wanaagsanna waad maraysaan, Illaahayna xilka ha innoo fududeeyo dhammaanteen." Wasiirku waxa uu ballan-qaaday inuu guud ahaanba qaybaha kala duwan ee Wasaaradda uu la wareegay si isku mid ah ugu wada adeegi doono, kana shaqayn doono sidii uu horumar muuqda u gaadhsiin lahaa.
Xig:Togaherer.com
No comments:
Post a Comment