Dadka Siyaasadaha Adduunka indha-indheeyaa, haddii aanay is-yeelyeeleyn, waxay shiishka ku hayaan , xaqiiqoyin aan la iska indho tiri karin iyo dhibatooyin imika iyo Mustaqbalka dhaw iyo ka fogba, una badan qaar nolosha dadweynaha adduunka taabanaya si toos ah. Aynu nidhaahno , waa ganaax Alle oo falalka Mas'uuliyiinta Siyaasadeed ee Adduunka lagu kasbadey.!! Adduunka Manta dhibaatooyin bdan ayaa ka jira, Kuwaas oo ay ka mid yihiin, Duufaanno iyo Dhul gaddoono ka kala dhacaya Dalka shiinaha yo Bakistaan, Nayjeeriya oo roobab ka da'ay ay khatar iyo dhibaato dad iyo Duunyo ahba ay geysteen, Dagaalka galaaftey president Bush ee weli kasii socda Ciraaq iyo Afghanistan ee aan ujeeddada lahayn, Guul laga gaadhi karayaan jirin ee ay maalin waba Miisanyadda dagaalku ku socoto, hlka uu madaxweyne Obama Caqligana ka doonayo in uu kaabad isaga dhigo dgaalkan oo uu joojiyo, dhinacna raggii ansixistey oo ka tirsan baarlamaanka iyo Ciidammada qalabka sida ee Dalkiisa aanu jecleyn in uu toos uga hor yimaaddo, Dhaqale Mareykan oo kobcana aan la heleyn inta uu socdo dagaalkani, adduunkuna la saaranyahay doonidan jaah wareersn!! Waxa xusid mudan inNidaamkan Cawlamadu, oo ah farsamo lagaga dulboodayo xeerarka dawliga ah , laguna soo celinayo Addoonsigii Ummadaha oo aan markan noqon doonin, mid cudu military lagu gaadho ee noqon doona mid , marka hore karaamada iyo wax kasta oo mooralka iyo Qiimaha bani aadamka laga takhalluso oo aynu bilawgiisii arkeyno, shan gobol o Mareykan ah oo sharciyeeyey in dadka isku cay ahiba ay isguursn karaan!! tan oo ka soo horjeedda qaanuunka Alle iyo Dhaqanka hufan ee insaaniyada. Waxa kale oo jira in uu ninku kireysan karo riximka qof dumar ah oo ilmo loogu beero ( Surrogate Mother) !! Waxa jira iyan masaa'ibkan hadheeyey Kinisdihii ee faraxumeynta carruurtooda!! Intaas oo dhan marka aynu ku darno mlaayuunta u dhimanaysa musiibooyinka dabiiciga ah ee Duufaano, cudurro, Macaluul iyo Dagaallo, adduunkii wuu walan yahay ee Maxaa inoo meel yaalla?!! Dawladda aynu doornney iyada oo og in aanay wx hanti ah kala wareegin Mamulkii hore, hawlaha u yaalaana ay ka badanm yihiin wax lagu maareyn karo teeramka hore ee ay xilka hayso, haddana in business s usual ay ku soctaa waa u moogan. Hantidii Dalkanu halaka ay qabatey war bixin ayuu dadweynuhu xaq ugu leeyahay marka hore, Mar lbaadkana, adduunkanisaguba aan ismaqleyn ee jaah-wareersan in la sku halleeyo maaha ee waxa xil ka saaran-yahay gar iyo gardarroba inm ay ummadda dalka ku dhaqan u sameeyaan shaqooyin iyo meelo ay nolosha kala soo baxaan, waxa u yalla in ay kayd raashin oo qaran ka hawl-galaan sida ugu dhakhsaha badan, waayo saadaalaha cilmiga ahi wxay tilmaamayaan in raashin yari adduunka ku soo fool leedahay. Waxa horyaalla in aan midnimda dhulka somailand aanay muran cidnaba la gelin ee y sugato Xudduuddeda, waxa horyaalla, in ay shilinka Somaliland isugu keento lacagta Gudahja Dalka ka socota sii dhaqaa;le ururin loo odoroso, shuruucdii dhqaale muujinta iyo Hanti-dhare qaran oo aqoontii dhaqaale iyo hawlkarnimoba lagu soo xulay leh una madax-bannaanada xilkiisa inta uu Dastuurku u oggol yahay. Dastuurka Dalka ee wada hogga ahna la wada daboolo oo aanay dhicin in isaga loo adeegsdo qiil lagu lunsdo hntida ummadda, qodobbada qabyda ah ee xeer ansamaysneyni qeexi doonana la dayactiro, kuwo bdn oo aan la socopn karin Dimuqraaddiyaddana laga saaro. Dastuurku sidiisaba maaha tansiil Alle ka yimid oo aan la taaban karin ee innaga ayaa sameynay , innaga ayaana beddeli karna , mark aynu yaqiinsanno inaan qodobbada qaarkood inna anfacayn. Waxa soo dhw Doorashadii Goleyaasha deegaanka iyo tii Goleyaasha sharci-Dejinta. Wxaan ku talin lahaa , sidii ay Wasaaradda badani dalka ula hadhey , in Lab aqal oo baarlamaan aan dalku qaadi karine , la isugu geeyo iyana mid keliya. Waxaan la yaabey, nin wasiir ah oo dawladdii hore ka tirsanaa oo justification ug dhigayey, mareykan ayaa leh laba aqal oo Baarlaman, innagu ma mareykan ayeynu la mid nahay,dhaqaale,warshado, jamicado iyo technology?!! Waxa aanu u baahan nahay wasiirro dhulka eegaya oo ka talinaya ee wasiirro aflaam daawada oo a l;a sahlan tahay wx laga hadlayo illeyn wa waayo aragnimo ah uma lahe' yaanu ummadda la lumin. Waxa aanu eegeynaa wxqabadka aanu uga fadhino Dawladda sida ugu dhakhsaha badan in ay uga hawl gasho. Shirka toddobaadlaha ah ee golaha Wasarada yaanu noqon mid yes sir ah, ee waa in ummadda aaya ka talinteeda lagu lafaguro. Xilka aad qaadeen iyo ballamaha aad ilaa imika dadweynaha u qaaddeen iyo sida ay wax u socdaan isma daboolayaan haddii aan dhakhso looga hwlgeline, Alle ha idiin fududeeyo, dedaal iyo tahajud badan weyse idiinka baahan tahay. Dr. Cali Cabdi Muxumed |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
19 August, 2010
Hawsha inoo taalla & dabka innaga dhacsani, kala durugsanaa!!?
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment