War deg dega: Ilaalada Madaxtooyadda Oo Xidhxidhay 9 Qof Qo Ay ku jiraan Weriyeyaal Iyo Mulkiilayaasha Guri Madaxtooyadda Ka Soo Horjeeda Oo Calanka Kulmiye Lagu Xardhayey.
Hargeisa(Ramaas) June 2, 2010 - Ilaalada Madaxtooyadda Somaliland ayaa xidhxidhay ku dhawaad 9 qof , ka dib markii ay ku soo urureen guri ka soo horjeeda Xarunta Madaxtooyadda oo Mulkiilayaashii lahaa ay ku xardhayaan Calanka Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, kuwaas oo sheegay in ay Xisbigaas ka kireeyeen gurigaas, oo ku yalaa ka soo horjeeda Waqooyi ee xarunta Madaxtooyadda.
Mulkiilayaasha gurigan oo maalmihii u dambeeyey muran ka dhex taagaanaa Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadda oo ka cadhooday Calanka Xisbiga Kulmiye oo ay shalay gelinkii dambe ka taageen afaafka hore ee gurigaas oo Madaxtooyadda u jira wax ka yar tobon talaabo,kaas oo ay xoog kaga fureen gurigaas, ayaa waxa markale goor dhawayd soo cusuboonaaday murankaas, ka dib markii ay Mulkiilayaasha Gurigaas iyo qaar kamida taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ay gurigaas is ku dayeen inay mariyaan riji ay ku doonayeen inay ku xardhaan Calanka Xisbiga Kulmiye, taas oo keentay in halkaas ay ku soo ururaan dadweyne tiro badan oo ah kuwii marayey wadada hor marta madaxtooyada. Isla wakhtigaas waxay ciidanka Ilaalada madaxtooyadu xidhxidheen qaar ka mid ah dadweynihii halkaas ku soo xoomay iyo weliba afar suxufi oo ka hawl gala qaybaha kala duwan ee Warbaahinta Somaliland,kuwaas oo wakhtigaas halkaasi marayey.]
Waxaana ka mid ahaa Weriyaayaasha oo wakhtigan ku xidhan Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa tafaftiraha Shabakadda Berberanews Maxamed Siciid, Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen Maxamuud Jaamac (Xuuto), Maxamed Rashiid oo ka tirsan Wargeyska Saxafi iyo farsama yaqaan ka tirsan Idaacada Radio Hargeysa.
Dadkan ay xidhxidheen Ilaalada madaxtooyaddu ayaa waxa ay ku xareeyeen gudaha madaxtooyadda, inkastoo markii dambe ku wareejiyeen ciidanka bilayska ee Saldhiga dhexe, halkaas oo ay wakhtigan ku xidhan yihiin.
Wixii War ah ee ka soo kordha kala soco Ramaasnews.
Ramaasnews Desk
Hargeisa
No comments:
Post a Comment