RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
02 June, 2010
Raaqiya Oomaar Looma Abaal Gudin
Waayahay dhamaan waan salaamay dadweynaha reer Somaliland ee kala jooga dalkii Hooyo iyo Qurbaha la inagu falay,shaqalaha shabakadana dhamaantiin sidoo kale iga gudooma salaan sare,waxana idin leeyahay sanadguurada 8aad,sanadguuro wacan.
Raaqiya oomaar cidna bari maayo waa la wada garanayaa umada Af-soomaliga ku hadla oo dhan ee geeska Africa ku nool,hadaba waxa saaka maskaxdeyda iyo dareenkayga ku soo dhacay gabadhan Raaqiya markaas ayan is iri intaanu dareenkan kaa tagin bal qalinka la gaar,anigu waxba iskama qoro,qoraalkaygu waa sida gabayga waa dareen markaas,igu soo higanaya,ka dibna dareenkaas anigoo waxba ku dareynin kana jarin ayan qoraa oo soo galiyaa shabakadaha dadkana u daayaa sida ay u arkaan,cidaas aya qoraalkaagu wax yeeli aniga shaqadeyda maha,wax xumeena isma lihi hase ahate waxa,aan taladeyda ka dhiibanayaa wadankan inaga wada dhaxeeya ee Somaliland.
Hadaba gabadhan oo runtii ah gabadh wadanimadu ka dhab tahay qof aqoonyahan ah,reer la wada yaqaano ka dhalatey,in badana ka doodeysey mandaqada ay ku nool yihiin umada Soomaaliyeed,markii danbena aad ugu doodey siyaasada Somaliland,qaas ahaan xiligii uu talada Qabtey (Daahir Riyaale).
Raaqiya waxa ay aheyd shakhsigii ugu horeeyey ee mucaarid ku noqda Daahir Riyaale,ee ku laheyd waar ka daa sida aad wax u wadid,markabkii inta aad badwynta ku wadi,laheyd ayaad wabi yar cagta saartey,wabi,Juba ama Shabeele,mid u dhigma,Raaqiyana waxa ay laheyd waar MARKABKA,ka fuul xeebta Berbera,kadibna bada CAS,saar kadibna bada India,ee baaxada weyn saar Markabku MARKA UU CAGTA SAARO,BADWEYN,sida tan India,uma baahna shufeer gaxeeya Markabku,sababtoo ah biyahaas badan ayuu si wacan u dul sabeynaya ilaa aad ka gaadho meeshii aad dooneysey,marka aad Markab is tiraa ku gaxee Wabi qal qalooc badan,oo yaxaas badan oo masas badan dhibkiisa ayuu leeyahay waana tan maanta haysata Riyaale iyo xisbuga Udub.
Markabkii waxa uu la fadhiistey Riyaale iyo xisbiga Udub,wabi qalqalooc badan oo dhoobo badan oo biyihii ay gurayaan,markabkii wuu gaasbeelay,madaxdii Udub,markabka ayey saaran yihiin meel ay oga degaan garan maayaan,waxa ugu daran habeenkii oo wabiga qarqarkiisa,yaxaasku isa soo dhoobo,oo wasiirka is yiraa bananka cag dhig lugtu waa ay maqantahay,go doonkaas ayey maanta ku jiraa xisbiga Udub waxana ay qaadan waayeen taladii dadka aqoon yahanka ah ee ay ka midka tahay Raaqiya oomaar,ay dhageysan waayeen.
Hadaba waxa dhacdey in ay Raaqiya ay aad u taageertey xisbiga (Kulmiye)xiligaas oo meel dheer iyo meel gaabanba u kortey xisbiga Kulmiye iyo (Ahmed-Siilaanyo)waana la wada ogaa,hadaba waxa is weydiin leh,maadama hada lagu jiro xiligii doorashada,sida ay u badan tahayna talada wadanka ay ku wareegeyso xisbiga Kulmiye,meeday Raaqiya oomaar?oo wax ka soo dhistey beertan baxdey ee midhaheeda la wada sugayo ee xisbiga Kulmiye,maadaama ay ka mid tahay,dadkii markii beertan baxaysey wax ka aqbaalayey,maxay u dhacdey in laga dhex waayo,beerta Kulmiye,Raaqiya oomaar?arinkaas jawabteeda waxa aan u deynaya dadweyaha reer Somaliland.
Xisbiga Kulmiye oo aan ka mid ahay dadka ka tirsan ee difoosaha weyn u ah,waxa aan leeyahay,waxii jiraaba jira,hase ahate,xisbigu waa u bahan yahay Raaqiya oomaar,xitaa waxa ay mudan tahay in ay marka talada uu qabto xisbiga Kulmiye ay RAAQIYA OOMAAR,ka qabato xil sare oo ay u qalanto,waana ay u soo dadaashey,xisbiga sharafteeda iyo karamadeedana waa ay leedahay,hadiise dhabarka loo sii jeediyo Raaqiya waxa hubaal ah,in nabsigu meesha ka maqnaan doonin,inta ay iminka wax laga qaban karo ha laga qabto waaba hadii ay wax jiraan?
Raaqiya oomaar gabadh qarsoomi karta maha,halka ay inoogaga jirto(adni)ayey (Raaqiyana)inoogaga jirtaa,wadanka dalka iyo dadkuba waa u bahan yahiin Raaqiya oomaar.
Cidii ii soo sheegi karta sababta ay masraxa siyaasada looga arki waayey Raaqiya oomaar,waan soo dhaweynaya kol xitaa aad figradiina ku soo qortaan shabakadahana,waxa aan leeyahay Raaqiya oomaar gabadh qarsoomi karta ma tihid,waa laguu bahan yahay,gabadh geesiyad ah ayad tahay,waxa aad tahay Gabdhaha uu abwaan (HADRAAWI)had iyo goor ku cabiro gabayadiisa iyo maansooyinkiisa,markaa waxa aan ku leeyahay halagu maqlo,taladii kugu kalida aheyd maanta aya dhamaan reer Somaliland,ku dhex jiraan,markab ku dhex jabay Wabi dhexdiis,oo meel ay uga baxaan aanay jirin,nimankii Siyaasiinta aha oo iyagu ah yaxaasyada iyo masaska ku dhex jira wabigana ay dadkaas ku heegaarsan yihiin,waa dhib weyn iyo warwar,taladase lagama qaadan,maantaadna ku haboontahay in taladaas aad bixisey lagugu sharfo.
Markabku marka uu ku jabo Badweyn,dadku warwar sidaas u badan ma qabaan,sababtuna tahay sida Wabiga badu mala Yaxaas iyo Masas,dadku waxa ay doonyo ku soo caaridi karaan Xeebta,wax walwal ah iyaga oo aan qabin ayey habeenkii Xeebta seexan karaan,hase ahate Markabka ku jaba Wabiga,sida hada jirta ee ka muuqata,xibiga Udub,bal wabi xageed uga bixi,wuu dhooba badan yahay,Yaxaaska hadalkiisaba daa,waxa u dheer masaska,waxa ka sii daran duur joogta ku nool wabiga dhinaciisa,sida Libaaxa Waraabaha,iwm.
Qoraalkayga anigoo soo koobaya waxaan leeyahay ha laga wardoono sababta ay u aamustey Raaqiya oomaar,waa dhamaan dadka reer Somaliland,hana la xaal siiyo,oo ha la raali galiyo.
Khan Mohamad Farah.
Vancouver-Canada.
kjawil@hotmail.com
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment