Ahmed Arwo
Waa bilowgii ololaha, balanku waa Jimcaha 4ta June 2010 iyo maalintii balanka. Waa dharaar KULMIYE looga fadhiyo is-muujin. Qaado calanka kulmiye, kana qayb gal damaashaadka ka socda maagalada aad joogto. Waa isu-soo bax ka dhacaaya degmo kasta oo dalka ah. Kolka taageeradu badataba waxa yaraada waxii khiyaamo iyo is-dhaafin lagu farsamayn karo. U quus goy kuwa miciinsada musuqa iyo dheesha xaaranta ah. Weynu badanay ee ha leys muujiyo.
Ma aha faan. Mana qabo in leys dhigto. Ma qabo in guusha dhib yari lagu gaadho. Ma qabo in dawlad aan xakame lahyn iyo hoggaan aan dabar lahayn si fudud looga helo tartan xalaal ah iyo doorasho xaq ah kuna dhisan sharciyadda dalka. Waxaan qabaa in aan la seexan, la nasan, la foojignaado, la gufeeyo doc kasta ooy ka dhantaali karaan midnimada iyo wadajirka gobalada dalka ee ku kulmay hadhaca weyn ee KULMIYE. Intaas oo digniin iyo dardaaran ihi igama indhosaabayaan qulqulka bulsho ee sida xawaraha ah ugu safan ku-soo-biiridda xisbiga KULMIYE. Waana bushaaro wacan iyo saadaal kheyr. Waa bidhaan ifinaysa in Insha Allah wax bil ka yar dalkan iyo dadkani ay heli doonaan himmiladii 50ka sano ay u haraadanaayeen ee ah xukuumad u adeegta rabitaanka shacbi-weynaha, u dhego nugul dadkeeda, u naxda maatada iyo miskiinka, hantida qaranka u isticmaasha si cadaalad ah oo lagu dhaqaajiyo danta guud. Waa adigoo taageera oo Codkaaga siiya isbedelka dhabta ah, waa adigoon khasaarin, lana seexan, ku ciil baxa codkaaga oo ku hubsada KULMIYE.
Aan u leexdo sida loogu soo biiray KULMIYE, taas ood ka dheehan karto inta ka maqan. iigama baahnid inaan kuu sheego go,aan aan anigu kuu gaadho, waa sida madasha KULMIYE loogu soo baqoolay iyo adigoo maankaaga ku miisaama.
Ma soo koobi karo inta war ee soo biiridda laga soo tebiyey. Waxaan idiin sawiri intaan xusuusto een weliba is leeyahy waa dar kafadda miisaan weyn saari doona. Soo qabo kuwa shalay oo keliya dhacay.
Waa 13 xildhibaan oo UCID iyo UDUB ugu jiray Golaha wakiilada oo ku soo biiray KULMIYE, iyagoo ku sababeeyey inay sidan u yeeleen danta guud iyo rabitaanka dadka ay wakiilka ka yihiin. Waa rag la socda himmilada ciddii dooratay oon ahayn col naftooduun u shaqaysta. Waa dhacdo aanan xaqeeda siin Karin ilaa aan warsaxafadeedkii oo dhan halkan idinku bayaamiyo. Waxay yidhaahdeen:
"Guddiga Doorashooyinka Qaranku waxay u asteeyeen maalinta ay taariikhdu tahay 26 June 2010 inay qabsoonto doorashada madaxtooyadu. Komishanka Doorashooyinku si wanaagsan bay u hawsha u wadaan, ummadduna way ku ogtahay, balse waxa jira dhaqanno lagu curyaaminayo hawlaha doorashada oo ay wadaan masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB. Dhaqannadaasna waxa ka mid ah:
1- Hab-dhaqanka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliska ee ku wajahan doorashada (sida sanduuqii State House-ka oo uu si toos ah u qaatay taliyaha bilaysku).
2.Hab-dhaqanka xisbiga UDUB oo ku jahaysan fashilinta doorashada iyo abuuris xaalad nabadgelyo-darro, taasina waxaa daliil u ah warsaxaafadeedkii dhawaan ka soo baxay musharraxa xisbiga UDUB oo ku baaqayey inay jiraan xaalado cusub oo argagixiso, isla markaana lagu wargeliyey hay'adaha shisheeye ee dalka jooga inaanay guryahooda ka soo bixin habeenkii iyo xadhig, cago-juglayn loo gaysto xubnaha firfircoon ee mucaaradka sida ka dhacday Gobolka Awdal. Waxa kaloo jira iibsasho baahsan oo ay ku iibsanayaan kaadhadhka codbixiyayaasha, hawlahaas oo ka dhacay goobaha kaadh-beddelka, taasi oo looga danleeyahay fashilinta diiwaangelinta iyo doorashadaba.
3.Xaaladda doorashada ee hadda lagu jiro waxaa awoodda iska leh GDQ-ka, hay'adaha amniguna waxay ku khasban yihiin inay la shaqeeyaan GDQ-ka si ay doorasho xor ah oo xaalaal ah uga qabsoonto dalka.
Si aynu uga midho-dhalinno fursaddan doorashada ee aynu muddada dheer sugaynay, una gaadhno himilada is bedelka loogana baxo dhibta, caddaalad-darrada iyo horumar la'aantan qaranka daashatay, waxaannu talo ku gaadhnay annagoo ka tirsan Golaha Wakiillada, kana soo kala jeedna xisbiyada UDUB iyo UCID oo waajib nagu ah in aannu u hawlgallo sidii loo badbaadin lahaa dalka oo sannadba sannadka ka dambeeya jiritaankiisii sii daciifayo. Mar haddii xaal noqday sidee loo badbaadiyaa dalka? Waxaannu go'aansanay sidan:

1.In fursaddan doorashada si dhab ah looga midho-dhaliyo;
2.In cod iyo cududba la mideeyo oo hal weel la isugu geeyo;
3.In loo guntado sidii dhibta la iskaga qaadi lahaa;
4.In danta guud la soo hormariyo ta gaarka ah;
5.In caqliga laga shaqaysiiyo oo la garto inay doorashadani tahay badbaadinta jiritaanka qaranka.
6. Waxaan dadka ugu baaqaynaa rag iyo dumarba inay ilaashadaan goobaha codbixinta;
7. Waxaan u soo jeedinaynaa ciidammada bilayska iyo kuwa qarankaba in ay xil iska saaraan illaalinta doorashada oo aanay qaadan awaamiirta khaldan, xisbiyadana dhex u noqdaan, codkoodana ku biiriyaan sidii isbeddel dalka uga dhici lahaa;
Hal-ku-dheggu wuxuu yahay; 'Hadhowbaa la hufaaye horta waa la hanta.'
Mudanayaasha digo-rogtay ee taageeradoodii ku wareejiyey xisbiga KULMIYE ee baaqan soo saaray waxay kala yihiin magacyadoodu sidan:

1- Md. Bashiir Sh. Xuseen Tukaale – UCID
2- Md. Aadan Tarabi Oogle – UDUB
3- Maxamed Jaamac Aadan – UCID
4- Md. Maxamuud Dhunkaale Guutaale – UDUB
5- Md. Saleebaan Cawad Cali – UCID
6- Md. Ibraahim Maxamed Dhaadheere – UDUB
7- Md. Maxamed Faarax Qabile – UCID
8- Md. Xariir Siciid Bullaale – UDUB
9- Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) – UDUB
10- Md. Farxaan Maxamed Cali – UDUB
11- Md. Mahdi Cabdillaahi Maxamuud – UCID
12- Md. Maxamed Jaamac Cali – UCID
13- Md. Cabdicasiis Ismaaciil Dhulcun – UDUB.

Waxa isna ka baxay UDUB oo Kulmiye galay Mayarkii Gobalka Hawd oo wata 5 xubnood oo Golaha deeganka ah. Dhacdadan ayaa markhaati u ah sida Madax/Xigeenkii ugu fashilay shirkii khrashka badani ku baxay ee uu Baligubadle ka bilaabay ololihiisa.
- 1. Xogahyihii UDUB ee Burco oo iska casilay xilkii UDUB, kulmiyena ku soo biiray isaga iyo taageerayaashiisi, waana Mr: cabdi Xasan Fuud-yucib.
- 2. Gudoomiyihii xaafadda 26 June ee Xisbiga UDUB oo xilkii iska casilay uu UDUB ka hayey, Kulmiyena ku soo biiray.
- 3. Gudoomiyihii xaafadda Kood-buur ee,Hargeysa , oo xilkii iska casilay Kulmiyena ku soo biiray.
- 4. Ururukii Haweenka Oodweyne oo Kulmiye ku soo biiray.
- 5. Beelweynta Gabooye oo shan xafladood Hargeysa ku qabtay ay dhammaan ku soio biireen Kulmiye , iyagoo udbihii iyo dhigahoodii wata.
Waa Awdal oo isbedel doon ah, rabta xukuumad horumar, cadaalad iyo sinaan ku hawl gasha. Waxay diideen inay jeeb nin wax ku jira iyo mas'uul magac mooyee aan anfac u lahayn ay siistaan mustaqbalkooda. Waxay yidhaahdeen weedhahan sida warsaxafadeedka ay ku sheegeen:
Maanta Daahir rayaale madaxweyne maaha ee waa Musharraxa xisbiga UDUB"
"Waxan Daahir Rayaale ku xusuusnaynaa laba labada qol ee uu Boorama ka dhistay"
"Maanta reer Awdal qafiskii lagu xidhay wuu jilcay wayna ka baxayaan "
"Siilaanyo kuma jirin kuwii Boorama soo galay, kumana jirin kuwii kalabaydh ku laayey jidgooyada"

Sii akhri oo guji hoos:
Tanina waa isla Awdal ee sii akhri:
Dhinaca Hargeysa wey tiro beeshay, Burco hadalkeed daa, waa Burco Galbeed Waa Waqooyiga Burco iyo Saaxil, waa Laascaanood iyo Ceeri, Waa Caynaba iyo Oog, Waa Dila iyo Gabiiley, Waa Salal iyo Baki, Waa Oodweyne iyo Xaaji Saalax. Waa Saaxil oo jihaaday kolkii la damcay in waaga Soomaliland u beryey sacab lagaga qariyo. Waxa jiray kooxihii ay hogaaminayeen Cabdilaahi Derwal iyo Sandoon, colkii ka dambeeyey ee Yuusuf Kirix horjoogaha ka ahaa iskana casilay UDUB kuna baaqay in loo codeeyo isbedlka iyo qaar kale oo badan. Guji Wararkan oo sii akhri:
1. Taageerayaal cusub oo ku biiray KULMIYE iyo khudbadihii masuuliyiinta iyo Hoggaanka Xisbiga
2. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo khudbad u jeediyay taageerayaal ku biiray Xisbigooda
Burco: Taageerayaal Ka Diga Rogtay Xisbiga UDUB Oo Xisbiga KULMIYE Xaflad Ugu Qabtay Hotel Barwaaqo Ee Magaalada Burco. http://www.ramaasnews.com/news.php?readmore=3627
CODKAAGA KU CIIL BAX. Oo u codee isbedelka dhabta ah, ha khasaarin hana la seexan ee ka dhig mid aad ku hubsato xisbiga Kulmiye. Kow ka dhe oo Jimcaha 4 June 2010 gobalka aad joogto iyo degmada aad joogtaba qaado calanka Kulmiye, ka qayb gal isu-soo-baxa xisbiga oo muuji mugga uu leeyahay isbedelku. Waa damaashaad ee la dabaaldeg dadkaaga.
Mahad oo dhan Alle ayaa leh,
Waa inoo qormo kale iyo maalinteed, Insha Allah
Guji LINKAN oo akhri Barnaamajka KULMIYE:
Ahmed Arwo
JOIN SAMOTALIS Group
JOIN SAMOTALIS Page AT:
No comments:
Post a Comment