02 June, 2010

Qalimada UDUB taageera ....Article


Qalimada UDUB-ta  taageera - xaalkoodu waa "Alla Huunnoow Been Weynaa".   
 
Waxyaabaha hoos u dhaca ku keenay taageeradii xisbiga  UDUB waxaa ka mid ah qalimada isu haysta inay u adeegayaan xisbigooda balse dhabarka ka jabinaya oo sumcaddii xisbiga iyo awooddiisii siyaasadeedba la daadegaya, iyagaa qaybta ugu weyn ka qaadta hoos u dhaca ku yimid shacbiyaddii xisbiga oo maanta u muuqda mid lumiyay kalsooni badan oo uu haystay sannado ka hor. Qalimadani waxay u badheedhaan inay been aan raad lahayn oo qofkii arkaaba ku qoslayo  badka soo dhigaan xilli lagu jiro kala guur iyo buntirsi, dadka reer Somaliland-na 10kii sano ee u danbeeyay ilbaxnimo weyni uga korodhay xagga qiimaynta siyaasadda.  
 
Tusaale ahaan qalimadani waxay maalmihii ugu danbeeyay faafinayeen, laba dhacdo oo Hargeisa ka dhacay toddobaadkii ina dhaafay oo kala ahaa,  ninkii la dagaallamay Cisman C.Cigaal ( Cismaan Hindi) iyo ta kale oo ahayd hadal uu Muj.Muuse Biixi ka yidhi munaasabad lagu soo dhaweynayay taageerayaal xisbigooda ku soo biiray.  Haddaba bal aynu eegno hal-ku-dhigyada indhuhu ka didayaan ee ay qalimadani usoo gudbiyeen akhristayaasha iyaga oo ka hadlaya dhacdooyinkan.
 
"Cisman Hindi oo mu'amarad  la soo abaabulay lagu dhaawacay"
 
ILAAHAY (swt) wuxu kitaabkiisa kariimka ah ku yidhi "Wala taziru waziratan Wizra Ukhra ",  dhacdo Hargeisa oo dhammi markhaati ka ahayd oon dhaafsiisnayn laba nin oo ilm-adeer ah oo intu khilaaf dhex-maray midkood nacasoobay ayaa loo rogayaa mua'marad, cid aan shaqo ku lahayn loo xanbaarinayaa, mar xisbi qaran la marmarinayaa, mar kalena rag siyaasiyiin ah lagu shaabbadaynayaa "waa laga danbeeyaa". Nasiib wanaag  kaartadaasi way gubatay oo cid ka hoos qaadda waa la waayay, qof kasta oo akhriyayna wuxu kaga jawaabay amakaag iyo  " taa dameero loo sheeg".    
 
Muuse Biixi  "shaqaalaha dawladda waanu xidhxidhaynaa"
 
Bisinka iyo yaasiinka,,,,, Ninbaa laga hayaa "Alla huunow been weynaa", haddaan dhacdadan laga daawan TV-yada oon issaga oo cajalado ku kaydsan marka loo baahdo la soo helayn malaa waaba la rumaysan lahaa. Hadalkii  uu mujaahidku yidhi ninkii dhego caafimaad qaba ku maqlayay amma indho fayow ku daawanayay wuu arkaayay, Muj. Muse wuxu yidhi, "  Xisbigii UDUB wuxu ku soo ururay xayn wasiirro ah iyo shaqaalaha ay sida qaldan ugu shaqaystaan  iyagana waxaan leeyahay malaha mucaarad noqon kari maysaane, balse waydun iska shaqaysan wixii aan dambi gaar ah gelin ee aanay maxakamadi xukumin ee dalka qas ha inaga gelinina". Bal  haddabaa waataase halkuu mujahidku ugu hanjabay shaqaalaha  ee uu ka yidhi cidbaan xidhxidhayaa.. Mise tolow ruuxa   danbi gala  maxkamad ayaa xukumaysa ayaa hanjabaad noqotay... Waa marka beentii oo luga loo soo tumay la doonayo in la jiidhsiiyo dad miyir qaba oo caqli iyo maan ay wax ku kala gartaan ilaahay ku mannaystay.
 
Amuurahani waxay caddaynayaa in warbaahinta UDUB-eysani tahay mid xagga fikirka iyo xagga farsamada labadaba ka caydh ah. Xagga fikirka waa ka caydh oo halkii ay dawladda ay taageersanyihiin ugu ololayn lahaayeen waxa ay qabatay iyo waxa ay qaban doonto ee ay si xirfadaysan u abuuri lahaayeen afkaar ay dadka ku soo jiitaan, ayaa waxay miciin moodeen cay, aflagaado been abuur, masabbidaad, xaalad abuur iyo wax la mid ah. Waxa ay qalimada UDUBeysan la noqotay in dariiqa keliya ee ay ugu adeegi karaan xisbigooda kuna danbabasi karaan fashilaada ku habsatay xisbiga talada hayaa ay tahay in cududda mucaaridka la wiiqo oo la kala jabiyo, la isku diro, qabyaalad laga dhex abuuro, waxay muddoyinkii ugu dambeeyay himiladooda ugu weyni ahayd in xaalad laga dhex abuuro labada mujaahid ee hoggaamiya xisbiga Kulmiye Muj. Axmed M. Siilaanyo, iyo Muj. Muuse Biixi Cabdi.... In ka badan 10 jeer ayay qalimadani ina waraabiyeen " Silanyo iyo Muse Biixi oo khilaaf ba'ani soo kala dhex-galay", tobanka jeerba labada mujaahid iyaga oo gacmaha is haysta ayay beeniyeen, balse kuwani ma daalayaan mana qancayaan haddana tii ayaa lagu celinayaa " Maxamed Xaashi iyo Gabboose oo is diriray...  Fa-nacuudu-billah, beeneey jilbaha dhigo".  
 
Xagga farsamadana waa ka caydh oo xataa hal ku-dhigyada ay dadka soo hordhigaan waa qaar indhuhu ka didayaan. Xisbiga ay qalinka ku taageeryaan oon ilaa imika soo bandhigin barnaamij siyaasadeed oo  dadweynuhu ku qiimeeyo ayaa barnaamij siyaasadeedka xisbiyada mucaaridka gaar ahaan kan Kulmiye la qaadaa dhigayaa oo bogag fara badan internet-ka laga buuxinayaa, ilaa la gaadhay heer dadka sidii caruurta loogu sheekeeyo barnaamij siyaasadeedka Kulmiye Somaliweyn ayuu salka ku hayaa iyo hadal aabihii goblamay.. "Waar tolow maan la dhiman doonin".
 
Tani waxay ina tusaysaa in  fashilaadda ku habsatay UDUB  ay qaybweyn ka qaadtaan qalimada taageera xisbiga oo ilaa maanta ku fashilmay inay qalinkooda qofka akhriyaya ugu soo gudbiyaan  qormooyin ka turjumaya siyaasada uu xisbigoodu waddanka ku dhaqi doono oo uu ku istaahilo in dib loogu doorto, balse waxad mooddaa in xaalka qalimadani noqday uun sidii ninkii waallaa ee foostada gunta ka daloosha biyaha ka buuxi is lahaa.
 
FG: Waxan aad u salaamayaa cilmi-baadhaha weyn ee Cabdirisaaq Caqli oo soo bandhigay maqaallo cilmi ku salaysan oo uu ku lafa-guray barnaamij siyaasadeedka xisbiga Kulmiye kuwaas oo uu wanaag iyo dhaliilba wuxu  barnaamijkani  xanbaarsanyahay  sidii ay issaga la noqotay akhristayaasha u soo gudbiyay.... Amma waa la muuqdaa, amma waa la maqanyahay, amma madarka lama tego.  
  
 
Ahmed H Ismail


__._,_.___

No comments: