02 June, 2010

13 XILDHIBAAN OO UCID IYO UDUB AH OO TAAGEERADOODII U WAREEJIYAY XISBIGA KULMIYE

13 XILDHIBAAN OO UCID IYO UDUB AH OO TAAGEERADOODII U WAREEJIYAY XISBIGA KULMIYE

Saddex iyo toban xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada ee ku abtirsada labada xisbi ee UDUB iyo UCID, ayaa shaaca ka qaaday shalay inay taageeradoodii siyaasadeed si rasmi ah ugu wareejiyeen xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE.
Xildhibaanadan ayaa qoraalkooda oo dhamaystiran u qornaa
"Guddiga Doorashooyinka Qaranku waxay u asteeyeen maalinta ay taariikhdu tahay 26 June 2010 inay qabsoonto doorashada madaxtooyadu. Komishanka Doorashooyinku si wanaagsan bay u hawsha u wadaan, ummadduna way ku ogtahay, balse waxa jira dhaqanno lagu curyaaminayo hawlaha doorashada oo ay wadaan masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB. Dhaqannadaasna waxa ka mid ah:
1- Hab-dhaqanka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliska ee ku wajahan doorashada (sida sanduuqii State House-ka oo uu si toos ah u qaatay taliyaha bilaysku).
2.Hab-dhaqanka xisbiga UDUB oo ku jahaysan fashilinta doorashada iyo abuuris xaalad nabadgelyo-darro, taasina waxaa daliil u ah warsaxaafadeedkii dhawaan ka soo baxay musharraxa xisbiga UDUB oo ku baaqayey inay jiraan xaalado cusub oo argagixiso, isla markaana lagu wargeliyey hay'adaha shisheeye ee dalka jooga inaanay guryahooda ka soo bixin habeenkii iyo xadhig, cago-juglayn loo gaysto xubnaha firfircoon ee mucaaradka sida ka dhacday Gobolka Awdal. Waxa kaloo jira iibsasho baahsan oo ay ku iibsanayaan kaadhadhka codbixiyayaasha, hawlahaas oo ka dhacay goobaha kaadh-beddelka, taasi oo looga danleeyahay fashilinta diiwaangelinta iyo doorashadaba.
3.Xaaladda doorashada ee hadda lagu jiro waxaa awoodda iska leh GDQ-ka, hay'adaha amniguna waxay ku khasban yihiin inay la shaqeeyaan GDQ-ka si ay doorasho xor ah oo xaalaal ah uga qabsoonto dalka.
Si aynu uga midho-dhalinno fursaddan doorashada ee aynu muddada dheer sugaynay, una gaadhno himilada is bedelka loogana baxo dhibta, caddaalad-darrada iyo horumar la'aantan qaranka daashatay, waxaannu talo ku gaadhnay annagoo ka tirsan Golaha Wakiillada, kana soo kala jeedna xisbiyada UDUB iyo UCID oo waajib nagu ah in aannu u hawlgallo sidii loo badbaadin lahaa dalka oo sannadba sannadka ka dambeeya jiritaankiisii sii daciifayo. Mar haddii xaal noqday sidee loo badbaadiyaa dalka? Waxaannu go'aansanay sidan:
1.In fursaddan doorashada si dhab ah looga midho-dhaliyo;
2.In cod iyo cududba la mideeyo oo hal weel la isugu geeyo;
3.In loo guntado sidii dhibta la iskaga qaadi lahaa;
4.In danta guud la soo hormariyo ta gaarka ah;
5.In caqliga laga shaqaysiiyo oo la garto inay doorashadani tahay badbaadinta jiritaanka qaranka.
6. Waxaan dadka ugu baaqaynaa rag iyo dumarba inay ilaashadaan goobaha codbixinta;
7. Waxaan u soo jeedinaynaa ciidammada bilayska iyo kuwa qarankaba in ay xil iska saaraan illaalinta doorashada oo aanay qaadan awaamiirta khaldan, xisbiyadana dhex u noqdaan, codkoodana ku biiriyaan sidii isbeddel dalka uga dhici lahaa;
Hal-ku-dheggu wuxuu yahay; 'Hadhowbaa la hufaaye horta waa la hanta.'
Mudanayaasha digo-rogtay ee taageeradoodii ku wareejiyey xisbiga KULMIYE ee baaqan soo saaray waxay kala yihiin magacyadoodu sidan:


1- Md. Bashiir Sh. Xuseen Tukaale – UCID
2- Md. Aadan Tarabi Oogle – UDUB
3- Maxamed Jaamac Aadan – UCID
4- Md. Maxamuud Dhunkaale Guutaale – UDUB
5- Md. Saleebaan Cawad Cali – UCID
6- Md. Ibraahim Maxamed Dhaadheere – UDUB
7- Md. Maxamed Faarax Qabile – UCID
8- Md. Xariir Siciid Bullaale – UDUB
9- Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) – UDUB
10- Md. Farxaan Maxamed Cali – UDUB
11- Md. Mahdi Cabdillaahi Maxamuud – UCID
12- Md. Maxamed Jaamac Cali – UCID
13- Md. Cabdicasiis Ismaaciil Dhulcun – UDUB.
Togaherer
Hargaysa

No comments: