07 June, 2010

Kumanaan ka mid ah taageerayaasha uu xisbiga Kulmiye ku leeyahay degmada axmed dhagax ayaa maanta soo buux dhaafiyay garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadium,




(Hadhwanaagnews) Monday, June 07, 2010

Hargeysa (HWN) Kumanaan ka mid ah taageerayaasha uu xisbiga Kulmiye ku leeyahay degmada axmed dhagax ayaa maanta soo buux dhaafiyay garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadium, halkaas oo ay kula hadleen masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xisbigaas.

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Kulmiye Kayse Xasan Cige, Iyo Xildhibaan Dr. Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe)  Oo La Hadlaaya Tageerayasha Degmada Axmed Dhagax.

 

Taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee degmada Axmed Dhagax oo ku dhawaaqayay erayo ay ku taageersan yihiin guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna murashaxa jagada madaxweyneha ayaa buux dhaafiyay tarabuunada garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadium, waxaana dabaal dega ololaha doorashada kala qayb galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Keyse Xasan Cige, xildhibaanada Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), Cali Aw Yuusuf, Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, C/raxmaan Qawdhan iyo guddoomiye ku xigeenkii 2-aad ee urursiyaasadeedkii qaran ee isbahaysiga la galay xisbiga Kulmiye Jamaal Caydiid  Ibraahim, siyaasiga ah Dr. Cumar Cilmi Diixood iyo saraakiil sarsare oo ka socotay xisbiga Kulmiye.

 Ugu horeyn xildhibaan C/raxmaan Qawdhan oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida Somaliland oo la hadlayay taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee Degmada Axmed Dhagax ayaa ku booriyay in ay taageeradooda isla barbar  taagaan murashaxa jagada madaxweyneha ee xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

 Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in mudadii uu xilka hayay madaxweyne rayaale aanu waxba u qabanin shacabka ku dhaqan dalka.

 Geesta kale siyaasiga ah Dr. Cumar Cilmi Diixood oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka sheekeeyay taariikh halgameedkii guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaanu ku dheeraaday in uu yahay siyaasi meel kaga yaala qaranka Somaliland, waxaanu dib ugu laabtay taariikh halgameedkiisii isaga oo dadka aan garayn u sheegay in uu yahay geesi horumar la taaban karo gaadhsiin doona haddii talada dalka ku guulaysto.
 
waxa kale oo uu Dr. Cumar taageerayaasha xisbiga Kulmiye uga mahadnaqay sida fiican ee ay uga soo baxeen ololaha doorashada madaxtooyada, waxaanu kula dardaarmay in maalinta loo dareero codbixinta ay sidaas oo kale ugu soo baxaan isla markaana isu muujiyaan.

Dr. Dixood oo kamid aha Asaasayaashii Ururkii S.N.M isla markaana kamid ah Siyaasiyiinta Beesha Baligubadle oo la hadlaaya kumanaan qof oo degmada Axmed Dhagax ah oo mujinaaya Tageerada Xisbiga Kulmiye.

Dr. Dixood ayaa  madaxweyne rayaale ku eedeeyay in Axmed Siilaanyo oo uu 80 cod kaga helay isla markaana u daayay uu ugu abaal guday in uu rasaas nool ku rido, waxaanu ku dheeraaday in aanu abaal lahayn oo uu yahay abaal laawe.

Siyaasiga Jamaal Caydiid Ibraahim oo isna halkaas ka hadlay ayaa ugu horeyn mahadnaq gaar ah u soo jeediyay taageerayaasha reer Axmed Dhagax oo uu ku amaanay in ay saaka muujiyeen cududooda, waxaanu kula dardaarmay in marka ay gaadho codaynta sida ay maanta isugu soo baxeen si ka fiican ugu soo dareeraan isla markaana xooga saaraan sidii uu xisbiga kulmiye talada dalka gacanta ugu dhigi lahaa.

Jamaal Caydiid ayaa dhinaca kale xukuumada madaxweyne rayaale ku eedeeyay in mudadii dheerayd ee ay xukunka haysay aanay waxba ka qaban baahiyaha aasaasiga ah ee shacabku qabaan waxaanu tilmaamay in ay ka gaabisay xilkii ay umadu u igmatay.

 
Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka sheekeeyay sida uu barnaamijka xisbiga Kulmiye had iyo jeer ugu fadhiyo baahiyaha ay qabaan shacabka iyo  habka maamul wanaaga, waxaanu tilmaamay in buuga uu ka kooban yahay barnaamijka siyaasadeed ee xisbigoodu uu yahay mid si weyn looga soo shaqeeyay isla markaana uu ku fadhiyo cilmi iyo aqoon.

Waxaanu xildhibaanku u soo jeediyay taageerayaashan in ay codkooda ugu deeqaan xisbiga Kulmiye si buu yidhi looga baxo mugdiga uu ku jiro dalka 8-dii sanadood ee ugu dambeeyay.

Xildhibaan Cali Yuusuf Axmed oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye uu yahay mid laabta ka og xaalada ay ku nool yihiin dadka reer Somaliland, waxaanu balan qaaday haddii ay talada dalka ku guulaystaan in ay wax ka qaban doonaan cabashooyinka iyo baahiyaha ay tirsanayso umada reer Somaliland.

Ugu danbayntiina xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Mud. Keyse Xasan Cige oo la hadlayay taageerayaasha xisbiga Kulmiye ayaa u soo jeediyay in ay kala danbaynta ilaaliyaan isla markaana ku dedaalaan in wixii nabadgalyada khalkhal gelinaya ay ka dheeraadaan.

Xoghayaha guud ee kulmiye ayaa saray boogaha Xukuumada Madaxweyne Rayaale, waxaanu tilmaamay in intii ay uu xukunka hayay aanu waxba u qaban dadka reer Somaliland, waxaanu ku soo halqabsaday degmada axmed dhagax oo uu sheegay in aanay lahayn biyo, laydh iyo baahiyaha kale ee dadka lagama maarmaanka  u ah nolosha bini'aadamka.

Si kastaba ha ahaatee maanta ayay xisbiga kulmiye u ahayd  maalintii labaad ololaha doorashada, waxaana si weyn looga soo baxay degmooyinka ay ka kooban tahay caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 
Najax Aadan Cunaaye

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland


 

No comments: