07 June, 2010

UDUB waa Awr Heeryadiisii Cunay !

UDUB waa Awr Heeryadiisii Cunay !

Xisbiga UDUB Yay is leeyihiin way idin rumaysanayaan? 

Shacabku way ka soo daaleen been iyo balanqaad bug ah oo  ay jilayaan Riyaale, mar waa Cawil, mar waa Siciid Sulub , mar waa Cabdillahi Maxamed Ducaale mar waa Cirraha wasaaradda arimaha gudaha.

Sideed sanadood ayaa marba meel dhagax beena ah la dhigayay walina sideeddaas sanadood hal waddo Daahir Riyaale dalka kama dhisin, waxaa kaaga markhaatiya dariiqa aqalkiisa hor mara indhahaaga ku eeg !!

Iskuulada Dalka dad rayid ah baa dhistay dawladi waxba may dhisin  , Cisbitaalada dalka ee xukuumadda qaarna way xidhmeen qaarna wali waxay ku sii noolyihiin gacan shacab oo is xilqaantay halka Daahir Riyaale ilkaha uu kaga soo samaysto Jarmal dhagahana ku soo safaysto Norway aqalana kaga soo kaga soo iibsado France.  Adhigii samaan ka samaan si xor ah waligii dalakan looga dhoofin jiray heshiis aqal madow Daahir Riyaale kula galay ganacsade Carbeed ayaa kooto loogu xidhay.

Shidaalkii qaranka waxaa loo xidhay Kampany la yidhaa Total.  Dunida qiimaha shidaalku hoos buu u dhacay halka ka Somaliland sare u kacayo. muwaadiniintii reer Somaliland ee ka ganacsan jiray shidaalka inta fasax la siiyo in ay keenaan shidaal ayaa marka maraakiibtu ku soo xidhato dekadda la iska hor taaga inay haamaha isticmaalaan !

Golihii sharci dejinta qaranka ee xalaasha lagu soo doortay waxaa garba duub u xidhay xukuumadda Riyaale waxaana marag ka ah sanadkii tegay markii taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Saqadhi Dubad quful ku soo jabiyay isla markaasna sheegay in uu madaxweynuhu ku amray in la soo xidho !

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Md Axmed Silaanyo oo isaga si nabadgalyo ah lug ugu socda aqalkiisii kana soo kici timay xarunta xisbiga Kulmiye waa tii rasaas ay ooda kaga qaadeen ilaalada Daahir Riyaale.

Sanad walba miisaaniyadda qaranka Cawil cali Ducaale wuxuu ku soo darsadaa dhowr milyan oo Dollar oo uu yidhaa Burco ayaan giinbaarta kaga badalayaa, lacag kalena wuxuu ugu soo darsada Idaacad dalka wada gaadha ayaan keenayaa.

Sideeddaas sannadood beentii Riyaale haddaan is idhaa qor gacantaa i daalaysa waxaa se farad leh in maanta shacabkii xariirta ahaa ee reer Somaliland leeyihiin beenlow falalow, beenloohow fallow shacabkii idin baray in waxaad sideed sanadood ku qaban waydeen  maantana la idinku aamini maayo waxar dibad taagan, iskaa umad iyo qaran dambe'e hadaba Udubay  ka dhaqaaji dadkii idin baraye !

No comments: