XOGHAYA ARIMAHA DEBEDDA EE UDUB OO WAX KA QORAY REPORT-KA DEFENSE & FOREIGN AFFAIRS IN THE US EE KU SAABSAN SOMALILAND.
Xoghaya Arimaha Debedda ee UDUB oo wax ka qoray report-ka Defense & Foreign Affairs in the US ee ku saabsan Somaliland
Waxaynu ognahay oo ku soo baxay qaar ka mida saxaafadda aduunka report ay soo saareen Defense & Foreign Affairs in the United States oo ay kaga hadleen Somaliland.
Report-kani waxa uu ka waramay xidhiidh musuqmaasuq ah oo ka dhexeeya xisbiyada Mucaaradka Somaliland, qaarka mida komishanka doorashooyinka SL iyo Interpeace oo ah hayadda maalgelisa doorashada madaxtooyada SL iyo diiwaangelinta codbixiyayaasha reer SL.
Reporkani waxa uu kashifay wax badan oo shacabka reer SL markii hore fahmi la'aayeen ama ay su'aalo badan iska waydiinayen sida:
1. Maxaa kelifay in mar uun si kedis ah loogu dhawaaqo in doorashadu dhici doonto June? taas oo ay muuqatay inay cidhiidhi ku tahay diyarinta doorasho quruxbadan.
2. Maxaa kelifaaya in xeerka doorashooyinka qaranka loo bedelo si meel loogu helo goa'aanka komishanka ee ku saabsan doorashadan madaxtooyada oo keliya (one off). Sida caadiga ah xeer waxa la bedelaa marka uu isagu(xeerku ) shaqayn waayo ama baahidii loo qabay meesha ka baxdo, laakiin xeer umadi dhigatay looma bedelo hadii cidi shaqadeeda si degdeg ku jiro u maamusho.
3. Waxa kaloo la is weydiinayaa mar hadii kaadhadhkan cidii hore kaadhadh badan u qaadatay dhamaan kaadhadh kii ay haysatay loo bedelayo oo aan wax farsamo cusub ah la soo kordhin maxaa is bedelay?
Hadaba reportkan ka soo baxay Defense & Foreign Affairs in the US waxa uu ka jawaabay dhamaan suaalahan ay is weydiinayeen shacabka reer SL.
Reportku waxa uu sheegay in Hayadda Interpeace ay xidhiidh Musuqmaasaq oo qarsoodi ah la leedahay axsaabta mucaaradka iyo qaar ka mida komishanka qaranka.
Reportku waxa uu sheegay in axsaabta mucaaradka ay maalgelin qarsoon siiso hayadda Interpeace.
Report-kani waxa uu sheegay in hayadda Interpeace ay maruun mudo kama dambays ah u qabatay axsaabta mucaaradka iyo xubnihii komishanka qaranaka ee ay xidhiidhka musuqmaasaqa ah la lahayd oo ay sheegtay inay joojinayso dhaqaalihii ay hoos ahaan u siin jirtay hadii aanay hirgelin in doorashada lagu qabto mudo kooban.
Reportkani waxa kale oo uu sheegay in kaadhadhka cusub loo qaybiyay si musuq maasuq kas iyo kutalagal ah oo looga jeedo in lagu abuuro natiijo afduub ah.
Reportku wuxuu intaa ku daray in xaaladada hadda Somaliland ku jirtaa ay wadada u sii xaadhayso in doorashadu noqoto mid afduub iyo kushubasho ah oo ay sabbayso kaadhadhkaa laiska urursaday.
Reportku waxa uu soo xigtay ilo axsaabta mucaaradka ah oo sheegay in aanay isku halayn doonin kaadhadhka ay urursadeen oo keliya balse ay diyaar u yihiin inay abuuraan xasiloni daro xisbiga UDUB lagaga fogaynayo guusha doorashada.
Hadaba Muwaadinka reer somaliland ee jecel Nabadda xasiloonida iyo horumarka soomaliland ee aaminsan in Mustaqbalakeena iyo mustaqbalka dadkeenu ka weynyahay wax jeeb lagu qaato waxaan leeyahay, feejignow, yaan maskaxda lagaa xadin, waxa muuqata in jiritaankeenu uu khatar ku jiro, ha ka qaybqaadan wax alle wixii rebshed iyo buuq abuuraya oo yaan lagu isticmaalin.
Axsaabta mucaaradka ah iyo Komishanka qaranka waxaan leeyahay waxa laidiinka fadhiyaa jawaab waafi ah oo lagu qanci karo inaad ka bixisaan dhamaan waxyaalaha uu report-kani xambaarsan yahay- shacabku ku qanci maayo inaad tidhaahaan waa been. Waxa la rabaa inaad ka jawaabtaan wixii kelifay suaalaha sadexda ah ee shacabku is waydiinaayay ee reportkani ka jawaabay ee kor ku xusan.
Weliba waxa la ogyahay xagaagii hore markii Interpeace ku fashilantay inay shaqadeedii u gudato si hufan ee Madaxweynuhu wadanka ka eryay madaxdii shaqadooda ka soo bixi weyday axsaabta mucaaradku dagaal aad u ba'an oo wadanka khalkhal geliyay ayay u galeen si aan madaxda interpiece loo eryin.
Hadaad u baahantahay inaad akhrido reportkan oo ku qoran luqadda Englishka ka akhri halkan.
http://www.medeshi.com/2010/05/violence-and-fraud-being-injected-into.html
Allaa mahadleh.
Maxamed A. Issa
Xoghayaha Arimaha Debedda ee Xisbiga UDUB
No comments:
Post a Comment