KOMISHANKA DOORASHOOYINKA SOMALILAND OO KU DHAWAAQAY MAALINTA AY BILAABMAYSO OLOLAHA DOORASHOOYINKA MADAXTOOYADU…..
Hargeysa 29 May 2010 THN
Komsihanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dhawaaqay maalinta ay bilaabmayso ololaha doorashooyinka madaxtooyada Somaliland.
Shir Jaraa'id oo uu qabtay afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Komishaneer Maxamed Axmed Xirsi Geele ayaa sheegay in 03 Bisha June maalin khamiis ah ay bilaabmayso Ololaha doorashooyinka madaxtooyadu soconaysana ilaa iyo 23 Bisha June oo Arbaca ah ,Ololuhuna uu ka bilaamayo guud ahaan dalka .
Sidoo kale afhayeenka ayaa ka codsaday Xisbiyada in ay is ixtiraamaan xisbi walba maalintiisa ololaha in uu ilaashado .
Afhayeenka ayaa inta ku daray in Maalinta U horeysa uu qaadanayo ololeynta Xisbiga UDUB Kuna xigi doono xisbiga KULMIYE kuna sii xigi doono xisbiga UCID taas oo sida ay isugu xigaan uu ololohi u socon doono maalinba xisbi yeelan doono…..
Warqabadka ToggaHerer
Hargeysa
Mo Yusuf
No comments:
Post a Comment