30 May, 2010

GARABKA HAWEENKA BEELWEYNTA HABAR CARFAAN OO SI XOOG LEH SHAACA UGA QAADAY INAY SI BUUXDA U TAAGEERSAN YIHIIN XISBIGA KULMIYE

GARABKA HAWEENKA BEELWEYNTA HABAR CARFAAN OO SI XOOG LEH SHAACA UGA QAADAY INAY SI BUUXDA U TAAGEERSAN YIHIIN XISBIGA KULMIYE

Garabka Haweenka beelweynta Habar Cafaan oo si xogleh shaaca uga qaaday inay si buuxda u taageersanyihiin Xisbiga KULMIYE iyagoo badankoodu ka soo diga rogtay .

(Hoos ka Daawa Sawirada munaasabada)

Borama, 30 kii May-  Munaasabad lagu qabtayb Hotel Rays ee magaalada Borama, habeenkii sabtidii ee bishan 2 9  keedii, ayaa waxaa soo agaasimay, garabka haweenka isbadalka doonka, ee xisbiga Kulmiye iyo maamulka siyaasadeed ee Beesha HabarCafaan, waxa ayna ugu tala galeen, inay ku soo dhaweeyaan, Garabka Haweenka isbadal doonka Beelwaynta Habarcafaan.  Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qayb galay, Marwada Koowaad ee Eng Saylici, iyo xubno kale oo aad u mihiim ah, oo ay ka mid tahay, AMAAL XAJI MIISAAN iyo haween faro badan oo  hormood u ah Beesha HABAR CAFAAN oo ah tan uga tirada badan deggaanka degmada Boorame iyo magaalada caasimada ee iyada ah..

Munaasabadan loo sameeyay, taageerayaasha Cusub, ayaa waxa ay ahayd mid aad loo soo agaasimay, waxaana halkaas laga soo jeediyay,khudbado iyo soo dhawayno farabadan. Taageerayaashan caawa ku soo biiray, Xisbiga Kulmiye, ayaa waxaa la is odhan karaa, waa taageerayaashii ugu fara badnaa ee xisbiga ku soo biira,  dhawaanahan, waxa ayna kor u dhaafayeen boqolaal taas oo la odhan karo Beelwaynta Habar cafaan garabkooda  dumarku wali fari kama qodna, waana qayb ka mid ah, garabka Haweenka ee beesha Habarcafaan. waxaa iyadna laga dhursugayaa maalmahan soo socda Garabka siyaasiinta iyo madax dhaqameedka iyo dhalinta HabarCafaan oo diyaarshay banaanbax weyn oo lagu taageerayo xisbiga Kulmiye, halkaas oo si waaqici ah lagu soo bandhigi doono dhibaatooyinkii Udub lagala kulmay iyo rajada laga qabo Kulmiye party.

Waxaa si weyn loo dareemayaa magaalada boorame dhexdeeda dhaqdhaqaayo xoogan oo ay wadaan beelweynta Habar Cafaan oo ah miisaanka ugu culus ee xaqiijin karta in Udub lagu legdo gobolka Awdal,taas oo markhaati ka ah in maamulka talada hayaa noqday mid gabay gobolada galbeedka.

Beesha Habar Cafaan oo muruq mudakar ah oolabiyo toban beelood ah oo ay ka mid yihiin curadadii Gadabuursi waxay in dooraba ka dhawaajinaysay ficilo taliska jiraa iyaga kula kacay isagoo abuuray jawi qabyaaladeed oo Gadabuursi kala qaybisay.Dhacdooyinkaas oo isa soo taraayay waxay sii fogeeyeen dadweynihii damiirka lahaa ee Goboladaa oo sidooda horeba waxqabad la'aan ka tirsanaayay taliska Rayaale.

Beesha habar Cafaan waxay isla heshay in isbalku yahay kan qudha ee ummada iyo dalkaba badbaado u ah.

(Daawosawirada xaflada)

Reporter: Maxamed C/laahi (Dabshid)
Borama Office

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

No comments: