15 April, 2010

Wasiirka Ciyaaruhu,Maalintiui Beesha matabaan soo weerartey sool ayuu isna istadiumka weeraray, waa isr ku dirir xag-jir ah!!

Haddii aad wada xususataan korney Adan waqaf, Guddoomiye ku Xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid , iyo Ciidan aad u tababran oo uu ku wadey dhawr iyo toban wasiir oo Somaliland ah , sannadkii hore waa kuwii Sabaag bari iyo Gobollada bariga Somaliland qiimeynta baahiyaha mashaariic ee Daruuriga ah , indho-indheyntooda u tegi jirey. Mr. Waqaf waxa ay Madaxtoyadu u sii dhiibtey Mushahar iyo Direys la yidhi ,Ciidan Somaliland ah oo Badhan Kaga horreeyey in uu u geeyo Mushaharka iyo Direyskaba!!
 
Markii ay gaadheen wafdigu halkaasi ee uu wasiirku Diryskii iyo Mushaharkiiba ku wareeejiyey, Maleeshiya Isir ku diri ahayd oo ay Madaxtooyadu si qaldan ugu sheegtey Ciidan qaran ayey Maleeshiyadaasu ku bilawdey Rasaas wafdigii iyo Ciidankaas uu watey Colonel waqaf !!  Geesigu waa kii ku dagaallamay Ciidankiisa iyo Wafdiogaba iyaga oo mujaahid xabbadda gardarro ku dhacdey , oo sidaad wada ogeydeen goobtaasi ku geeriyoodey mooyee, intii kale iyo Wafdigii oo bad qaba u kala baxay Madashaas. Waxa Xusid mudan in uu Madaxweyne Riyaale, Wasiirkan sida mucjisada ah Dil qorsheysnaa oo Somaliand ku jabi lahayd haddii uu hirgalo, kaga baxay isaga oo wasaradiisii iyo Ciidankiisii mujaahidka geeriyoodey mooyee wata , in uu Xilkii Wasiirnimo kaga qaadey isla Goobtaasi , halkii Billad Geesi iyo Suun sharafeedka Koowaad ee qaranka laga Guddoonsiin lahaa!! Waxaan Xusuusinayaa Madaxweyneyaasha Xil-sugaha ah ee qaranka in Abaal Marinta mr. Adan Waqaf ay Dummaddooda saaran tahay!! Maxaa dhici lahaa haddii dhawr iyo toban Wasiir oo somaliland ah la leyn lahaa?!! Maxaa dhici lahaa haddii warbaahinta Cadowga lagaga dabbaaldegi lahaa tekniko laga qabsado Somaliland!!
 
Maxamed Siciid , wasiirkka Ciyaaruhu , waxa uu soo weeraray Istadiumka isla maalintii Beesha Isir ku dirirka ah ee Degta Matabaan ay soo weerartey Beesha Dhulbahante ee Somaliland , Gobolka sool, iyada oo ku damaaciyeysa dhulkooda, Wasiir Maxamed, waa Isir ku dirir xag jir ah, waayo wafdigaa wasiirrada ah ee la weerary wuu la socdey, Markiiba wuu ka goostey kna dhaxay, isaga oo ka maqanna waa la soo weerarey!! Tan istaadiumka iyo dhacdadan Beesha Sool la soo weerarayna waa xarbul baarid isireysan!! Mushahar iyo Gunnona weynu siinnaa!! aanu sinaba uga heleen kuwa uu u hanqal; taagayo!!
 
Xukunkan Madheera ka dhacay ee Taliyihii Nabadsugidda qaranka ee Gobolka sool lagaga hor caddeeyey Maxkamadda in uu mas'uul ka ahaa Dilkii Talliyaha Ciidanka 12aad ee Qaranka, waxa uu ka jawaabey qaybtii hore ee yaa ka dambeeya Dilkan? waxa aan jawaab loo hayn weli , yaa dagaalka nagula jira ee Madaxayada Xeeladaha qarsoon ku  laynaya. Baastooladihii jeelka lugta ugu tegey Argagixisada, Ku eedeynta Beeshii Argagixisada qabatey lafteeda , inay ka dambeysey Dilalkii ajnebiga ee sida ikhtiyaariga ah ay labada sannadood ka wadeen Dalka. la gurguurashadii Dhoofka Xoolaha ee Carabka Saldhiggiisu ahaa jabuuti iyo Sucuudiga loo xidhey keligii dhoofka xoolaha, iyada oo sharikado Waddani ahi shaqadan ilaa cahdiyo fog ay soo wadeen? Dawlad magac ah oo aan tayo , qorshe qarameed Horumarin oo Muddeysan lahayn, dal dhawrkii gobolba lacag gooni ah isticmaalayo, Dastuurka iyo shuruucda qaranka oo magac ah ee aan la dabbiin,
shuruuc dhaqaale muujin la'aaneed ito hufnaan maaul oo aan jirin, Musuqa oo calaa keyfak ah, In aynaan marka horeba Bas la wada socon Riyaale iyo kooxdiisa ma aragtaan, Magac ku sheega haddaba idinku?!!
 
Dr. Cali Cabdi Muxumed
 
 

No comments: