15 April, 2010

Dhanxiir , Komishanka iyo Djabouti

Dhanxiir , Komishanka iyo Djabouti

Maansha Allaah; Alleylehe hadda ayey dadkii nafiseen oo fallaadh wadnaha kaga mudnayd ka fuqday, kol hadii komishankii bedka soo dhigeen wakhiga loo dareerayo foodka, xeerkii xidhayeyna xisbiyadu suul iyo saxeex ku duugeen, wax la sugaana waa ololihii oo loo dareero oo codka la qadhaabsado nin hela iyo nin iskaba qadda.

Weger; Adeer; horta gaal iyo islaam, madaw iyo caddaan waxa la doonaya in Land-tan yar cugasho xor ahi ka qabsoonto, laakiin hore ayaa loo yidhi; ‘Raq ninkii lahaa dabada hayo ma kacdo.’ Rayaale iyo xisbigiisa UDUB waa lagu kediyey oo goroda ayey laa laadiyeen markii dhegtoodu maqashayn in Juun bedka la isugu imanyo, ilayn way ka war qaaban in xerada aanay xoolo ugu jirine. Dawladda Jabuuti oo ku Hawlan Qorshe ay Doonayso Inay kula Wareegto Gacan-ku-haynta Xeebaha Galbeed ee Somaliland

Jamhuuriya Online

No comments: