15 April, 2010

Somaliland:Wafti Safaarada Uk Ee Addis-Ababa Oo Komishanka Doorashooyinka &Saddexda Xisbi....

Wafti Safaarada Uk Ee Addis-Ababa Oo Komishanka Doorashooyinka &Saddexda Xisbi Jilbaha Isku Aastay Iyo Nuxurka Qodobadii Xasaasiga Ahaa Ee Wada Hadalka


Waxa Ay Maanta Qasriga Madaxtooyada Kula Kulmi Doonaan Madaxweyne Rayaale

Hargeysa April 16, 2010 (Haatuf)-Wafti ka socda safaarada dawlada Ingiriiska ee caasimada Adis ababa ee dalka Itoobiya oo booqasho laba maalmood ah shalay galab ku yimid caasimada dalka ee Hargeysa oo uu hogaaminayo ku xigeenka safiirka UK u fadhiya Addisababa Mr John Marshall, oo la sheegay in ujeeda safarkiisu la xidhiidho qiimaynta heshiiskii anshaxa doorashooyinka ee daraad komishanka iyo axsaabta siyaasadu ay sida wadajirka ah u kala sexeexdeen ayaa isla shalay galab iyo xalay kulamo la kala yeeshay komishanka doorashooyinka qaranka, iyo saddexda xisbi qaran, taas oo safiirka iyo waftigiisu ay kala hadleen komishanka doorashooyinka qaranka halka ay u marayso qabanqaabadii hawlaha u diyaar garowga doorashada madaxtooyada iyo waxyaalaha ilaa hada u dhiman ee qorshaha ugu jira.


Afheeyeenka komishanka doorashooyinka Maxamed Axmed Xirsi Geelle, oo aanu xalay khadka tilifoonka kula xidhiidhnay waxna kaga weydiinay waxyaalaha ay ka wada hadleen waftiga safaarda dawlada ingiriiska ka socda iyo ujeedada ay wakhtigan xaadirka ah u yimaadeen dalka, ayaa isagu noo sheegay in safarkoodu la xidhiidho kuwii Ambasaddor John Marshall uu caasimada dalka hore u iman jiray, isla markaana uu tilmaamay inay wax ka weydiiyeen halka ay hawlihii qabanqabada doorashadu u marayso iyo geedi socodka maamul ee dhinaca doorashooyinka, isagoo arrinkaasi ka hadlaya afhayeenka komishinkuna waxa uu yidhi "Runtii booqashada waftigu safaarada ingiriiska ka socda waxay la xidhiidhaa socdaaladii uu marka uu muddo joogaba uu dalka ku iman jiray ayuun bay tana la xidhiidha, waxananu wada yeelanay kulan anaga iyo waftigu waxaananu uga xogwaranay halka ay hawlihii doorashooyinku noo marayaan iyo guud ahaanba waxyaalahii noo qabsoomay intii aanu maamulka hashan ku guda jirnay"


Dhinaca kale ilo xogogaal ah oo u dhuundaloola axsaabta siyaasada ayaa wargeyska Haatuf u xaqiijiyey in waftiga UK iyo hogaamiyayaasha saddexda xisbi qaran Kulmiye, Ucid iyo Udub ay kulan wadajira kula yeesheen hotelka Maansoor, taas oo tibaaxuhu noo sheegeen, in saddexda xisbi ay u qadimeen waftiga heshiiska ay ku kala sexeexdeen maalintii doraad ee xeer hoosaadka anshaxa doorashada, iyadoo ilo-wareedyadu ay intaa ku dareen in Ambsaddor John Marshall uu docmentiyada heshiiskaasi qalinka ku duugay si rasmiyana ugu sexeexay. Waftigan uu hogaaminayo Ambasaddor John Marshall oo la sheegay in muddo laba maalmood ah ay booqashadiisu qaadan doonto ayaa la filayaa inuu kulan maanta la yeesho madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada oo ay ka mid yihiin wasiirada maaliyada Cawil Cali Ducaale iyo arrimaha dibada C/llaahi Maxamed Ducaale oo ku qabsoomi doona qasriga madaxtooyada.



HAATUF

No comments: