Wasiirka Ciyaaaraha oo Fasaxay Tartankii Rabshaduhu ka Dhasheen Joojintiisa ee Hargeysa Stadium Hargeysa (Jam).Wasiirka dhallinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland Md. Maxamed Siciid Muxumed, ayaa daboolka ka qaaday inuu xayiraadii ka qaaday tartanka kubadda cagta ee ka socday garoonka magaalada Hargeysa, isaga oo xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE oo tartankaasi qabanqaabiyeyna ugu baaqay inay ku soo wareejiyaan wixii ay ugu talogaleen ciyaartoyga. Wasiirka ciyaaraha Md. Maxamed Siciid Muxumed oo shalay shir-jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu sheegay inay fasaxeen tartankaasi oo hore wasaaradiisu u joojisay, waxaanu ka hadlay rabshadihii ka dhashay garoonka Hargeysa Stadium, isaga oo masuuliyadda wixii dhacay oo dhana dusha u saaray xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE. Wasiirka Ciyaaruhu wuxuu eedo culus u jeediyay Md. Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) iyo Guddoomiyaha ololaha xisbiga KULMIYE ee Gobolada galbeedka Somaliland Md. Baashe Cabdi Gaboobe oo uu sheegay inay ka qaybqaateen rabshadihii maalintii Insiinta ka dhacay magaalada Hargeysa ee ka dhashay isku dhaca booliska iyo dhallinyo doonayey inay kubad ku ciyaaraan garoonka kubadda cagta Hargeysa, iyada oo rabshadahaasna uu dhaacaw ka soo gaadhay Caaqil Cabdi Iimaan Cawad (Guray. Md. Maxamuud Siciid Maxamed wuxuu Ammaanay dadweynaha ku dhaqan xaafada Axned Dhagax ee Garoonka tartankan lagu qabanayay uu ku yaalo xaafadooda, waxaanu dhalinyarada ciyaartoyga ah ugu baaqay inay is dejiyaan oo ay joojiyaan rabashadaha iyo wixii Nabagelyada dalka wax u dhimaya. Guddoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Yaasiin oo isaguna shirkaa jaraa'id ka hadlay, ayaa soo bandhigay warqaddii ogolaanshaha lagu siiyey xisbiga KULMIYE, haseyeeshee sheegay inay iska indho-tireen inay soo waeejiyaan wixii ciyaartaas lagu qaban lahaa. |
Jamhuuriya Online |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
15 April, 2010
Wasiirka Ciyaaaraha oo Fasaxay Tartankii Rabshaduhu ka Dhasheen Joojintiisa ee Hargeysa Stadium
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment