14 April, 2010

Eedaysanayaal uu ka mid yahay Madaxii Sirdoonka Sool oo xadhig iyo dil lagu kala xukumay

Eedaysanayaal uu ka mid yahay Madaxii Sirdoonka Sool oo xadhig iyo dil lagu kala xukumay

Maxkamadda Gobolka Saaxil ayaa muddooyinkii u dambeeyay dhegaysanaysay Dacwad lagu soo oogay 11 qof oo loo haystay Qaraxyo ka dhacay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kuwaas oo lagu dilay Taliyihii Ciidamada Qaranka ee Gobolkaas. Dacwaddan oo la dhegaystay ilaa 8 fadhi oo ay Maxkamaddu yeelatay, ayaa maanta 4 qof dil lagu xukumay, kuwaas oo uu ka mid yahay Taliyihii Sirdoonka ee Gobolka Sool Cabdifataax Muuse Yuusuf, oo uu Garsooraha  dacwadda qaadayay Cismaan Ibraahim Daahir ku sheegay inay ku caddaatay dembigii lagu soo oogay.

Afar qof oo kale ayaa iyana lagu xukumay xadhig kala ah, hal sanno, 8 sanadood iyo 15 sannadood, kuwaas oo la sheegay inay qayb ku lahaayeen falalkaas. Waxa kale oo uu Maxkamaddu maanta xukuntay in la sii daayo afar qof oo ajaanib ah oo u dhashay dalka Itoobiya iyo Ereteriya, isla markaana laga saaro dalka oo la masaafuriyo.

Somaliland.Org


No comments: