Murrashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka UCID oo si Cilmiyeysan u Lafa Guray Saamaynta Qotada Dheer ee Qabayaaladu ku Leedahay Siyaasiyiinta Somaliland "Nasiib-darro golaha guurtida ee wakhtigan jira waxay lumiyeen dhamaanba kalsoonidii lagu qabey, marka laga reebo Guddoomiyaha guurtida iyo xildhibaano tiro yar"
"Siyaasiyiintu..Waxay fikradooda ku soo koobeen qaab qaybyaaladeed waxanay buunbuuniyaan tirada, tariikhada iyo awooda ay beelahoodu leeyihiin iyagoo hoos u dhigaaya kuwa kale" Hargaysa (Jam)- Murrashaxa madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xassan, ayaa si qoto dheer oo cilmiyeysan uga faalooday saamaynta qotada dheer ee qabyaaladdu ku leedahay siyaasiyiinta reer Somaliland. Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanka ee reer Somaliland, isla markaana ah nin qoraa ah, ayaa qoraal af Ingiriisi ku qoran oo uu ku faafiyey shabakadda wararka ee Somalilandpress.com, waxa uu sheegay in ku dhaqanka qabyaaladda iyo qaraabaysigu dhibaato baxaaaad leh ku noqotay dalka Somaliland, isaga oo xusay in la rajaynayo in doorashadda madaxtooyadda ay ka soo baxdo dawladda wanaagsan oo xor ka ah qabyaaladda iyo musuqmaasuqa. Qoraalka Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo Jamhuuriya Afsoomaali ku turjumay, waxay u qornayd sidan; ''Dalkasta oo adduunka ah waxaa ka jira hay'addo, awoodaha bulshadda, iyo shakhsiyaad ay ku dheehan tahay u hilawga dal jacaylnimo taasi oo saamayn ku yeelata jiritaanka iyo ilaalinta qaranimadda dalkaasi. Dalka Ingiriiska haddaynu tusaale u soo qaadano, waxa uu leeyahay shaqaale rayid ah oo si fiican u tobabaran, dad sharciga u hoggaansan, saxaafad iyo guriga odayaasha (House of lords) kuwaas oo laf dhabar u ah jiritaanka dalka Ingiriiska, haddaynu eegno wadanka Pakistaan, dhismaha milatariga ayaa ah udub dhexaadka qaranimada Pakistaan, dhinaca dalka Iran, culimada diinta, ee ku salaysan nidaamka Ayaatulah ayaa ah ilaaliyayaasha qaranimada Iran. Haddaynu u soo noqono dhinca dalka Somaliland, golaha guurtida ayaa loo qaabeeyey in ay noqdaan kuwo ilaaliya qaranimada Somaliland, balse nasiib-darro golaha guurtida ee wakhtigan jira marka la eego dareenka dad badan oo reer Somaliland ah waxay lumiyeen dhamaanba kalsoonidii lagu qabey, marka laga reebo Guddoomiyaha guurtida iyo xildhibaano tiro yar. Arrintana waxay dhacday bishii November 2009 oo ah wakhtigii lagu guda jiray murankii u dhaxayey mucaaridka iyo xukumadda ee ku saabsanaa doorashada madaxtooyada iyada oo wakhtigaasna guurtidu ay taageertay xukumada oo dariiq khaldan haysay. Marka la eego fikirka siyaasadeed ee Somaliland, siyaasiyiinta iyo dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda qabyaaladda ayaa madax martay, arrintaasi oo dhibaato baxaaaad leh ku noqotay dalka Somaliland. Fikradaha siyaasadeed ee ka soo baxay hab beeladkan waxay sababaan khilaafyo daba dheeraada, laakiin kor uma qaadayaan anshaxa iyo qiimaha qaranku leeyahay. Dadka ay qabyaaladu madax martay waxay ku jiraan xaalad malo awaal ah oo nololeed, waxanay fikradooda kusoo koobeen qaab qaybyaaladeed waxanay buunbuuniyaan tirada, tariikhada iyo awooda ay beelahoodu leeyihiin iyagoo hoos u dhigaaya kuwa kale. Dhinaca kale haddii aynu ka eegno arrintan ku dhaqanka qabyaalada waxay mijo xaabinaysaa qaranka iyo habka uu u shaqeeyo, kuwa aaminsan qaab beeledka ee leh dawlad casri ah ma samaysan karno, waxaanu leenahay qaranku wuxu u baahan yahay dad fahansan shaqada qaranimo ee keeni kara aragtiyo cusub oo wax ku oola kuwaas oo u shaqeeya si muwaadino leh. Doorashada madaxtooyada ee Somaliland ka dhicidoonta waxa la rajaynayaa in lagala kulmi doono arrimahan soo socda; 1. Maaha is bedel ku dhaca dawladda oo kaliya laakiin waa is bedel muhiim ah oo ku dhicidoona dhammaan hay'adaha ay xukumadu hadda ku dhisan tahay. 2. Dawlad dadka reer Somaliland u dammaanad qaada kalsoonida mustaqbalooda. 3. Dawlad dhista qaran si firfircoon u shaqaynaya oo ay wadaan aqoonyahano iyo dad dhisa mustaqbalka Somaliland si ay u noqoto dawlad casri ah, lakiin aan wax shaqo ah ku lahayn kaabo qabiilo sida hadda muuqata. 4. Xukumad ka madaxbanaan musuqmaasuqa oo si cad oo waxkastaaba muuqdaan dadkeeda ugu shaqaysa, taasi oo leh ajande qaran oo horumarineed, isla markaana tixgelisa oo taageerta muwaadiniinteeda." |
Jamhuuriya Online |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
13 April, 2010
Murrashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka UCID oo si Cilmiyeysan u Lafa Guray Saamaynta Qotada Dheer ee Qabayaaladu ku Leedahay Siyaasiyiinta Somaliland
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment