KOMISHANKA DOORASHOYINKA OO SHEEGAY XILI KU TALO GAL AH OO AY DOORASHADA U CAYIMEEN IYO SADEXDA XIBIGA OO SAXEEXAY ANSHAXA DORASHOOYINKA.
Gudoomiyaha gudida doorashooyinka Somaliland mudane Ciise Yuusuf Maxamd oo ku dhawaaqay Xiliga dooashadu ay qabsoomi donto
(dhagaysi Wacan Fadlan riix halkan).Gudoomiyaha gudida doorashooyinka Somaliland mudane Ciise Yuusuf Maxamd oo ku dhawaaqay Xiliga dooashadu ay qabsoomi donto(dhagaysi Wacan Fadlan riix halkan).
Gudida doorashooyinka Somaliland ayaa maanta soo saaray waqtiga ay ku talo jiraan in ay doorashadu qabsoonto bisha June ,sidaa maanta waxaa ka shaaciyey gudoomiyaha gudida doorashooyinka Somaliland mudane Ciise Yuusuf Xaaji Maxamed (Xamari) goob lagu kala saxeexanaayey xeerka Anshaxa ee doorashada taas oo lagu qabtay hutel Mansoor oo ku yaala magaalada Hargasya.
Gudoomiye Xamari waxa u sheegay in ay doorasho si wacan u dhici doonto maadaama ay bisha soo socota soo gabagaboobayso hawshii kala shaandhayntu aadna aanu ugu hanwaynahay .
Goobtan oo ay ka soo qayb galeen madaxda xisbiyada qaranka sida Gudoomiye ku xigeenka Ucid Aadan Maxamed MireWaqaf , gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxmed Siilaanyo , Xoghayaha guud eeUdub Jaamac Yaasiin Faarax , gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan M.Cabdilaahi Ciro iyo madax kale.
Xafladan oo ay ka hadleen xubno badan oo ka mid ah madaxda xisbiyada waxa ay sheegeen ina y soo dhawaynayaan dhawaaqan ka soo yeedhey gudoomiyaha komishanka taas oo ah in ay ku talo galeen in ay doorashadu qabsoomayso bisha June ee sanadkan waxaanay sheegeen in ay ku garab taagan yihiin wax alla waxii ay uga baahdaan iyaga , sidookale waxaa isna munaasabaadaas ka hadlay gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland Mudane Ciro waxaanuu sheegay in ay iyagu dhex u yihin xisbiyada wax alla wixii looga baahdo in ay la qabanayaan ee xaga shuruucda ah.
Ku dhawaaqistan maanta ay xubnaha sare ee komishanku ku dhawaaqeen in mudadaa ay ku talo galsanyihiin in ay doorashadu dhacdo ayaa aad loogu gooxay taas oo soo dhawaysay rajadii laalnayd ee laga qabay in ay doorashadu dhacdo maadama oo in badan laga sugaayey in ay gudida doorashoyinku ku dhawaaqaan xiliga ay doorashadu qabsoomi doonto , sidoo kale waxaa wali aasan oo aan hubaal ahayn sida la yidhi Serverkii taas oo sida ay sheegeen ilaa hada aan wali dhamaan se ay ku talo jiraan in ay dhamayn doonaan bisha May ee fooda inagu soo haysa.
Warqabadka Togaherer
Haragyasa

No comments:
Post a Comment