Komishanka oo iftiimiyay wakhtiga natiijada Server-ka codbixiyayaasha Doorashada
Inkastoo aanu jirin wax war ah oo rasmi ahaan dhinacyada kulamada yeeshay soosaareen, haddana siday Wargeyska Ogaal u xaqiijiyeen ilo xogogaal ahi, Guddiga Doorashooyinku waxay shalay gelinkii hore kulamo gaar gaar ah kula yeesheen hoggaanka saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo UDUB.
Warku wuxuu intaa ku daray, in kulamadaas oo xubnaha Komishanku xisbi walba dhinacooda u waajaheen la xidhiidheen sidii ay xog uga siin lahaayeen hawlaha u diyaargarawga doorashada dhawrka jeer dib-u-dhacu ku yimi ee Madaxtooyada, geedi-socodka hawsha Server-ka iyo bedelaada kaadhadhka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Somaliland.
Siday ilahaa xogogaalka ahi tibaaxeen, xubnaha Komishanka oo kulankaa goobjoog ka wada ahaa, waxay madaxda Axsaabta u soo bandhigeen kaadhadhka cusub ee lagu bedelayo kuwii hore. "Waxay calaamad ama muunad ahaan noo tuseen kaadhadhka cusub," sidaa waxa yidhi mid ka mid ah xubnihii kulankaa ka qaybgalay. "Waa kuwo aanay fududayn ama suurtogalba ahayn in la been-abuuro, astaamo badana way leeyihiin," ayuu raaciyay.
Sida warku sheegay, Guddigu waxay xisbiyada si waafi ah uga warameen hawlaha diyaargarawga doorashada iyo xilliga la filayo in mishiinka kala hufaya liiska Codbixiyeyaashu hawshaa gebogebayn doono.
Waxa la sheegay in Komishanku Axsaabta u sheegeen in hawsha Serverka la soo afjari doono todobaadka u horeeya ee bisha May ee soo socota. "Waxay sheegeen in hawshu hadda gebogebo tahay," ayuu yidhi xubin ka mid ah madaxdii Mucaaradka ee kulankaa ka qaybgalay. "Hore waxa u jirtay in 96000 liiska laga tuuray markii ay xisbiyadu aad ugu murmeen, laakiin Komishanku waxay sheegeen in xataa kuwaa ay mariyeen Server-ka, dad badan baana ka hagaagaya ayay yidhaahdeen," ayuu yidhi masuulkaa kulanka ka qaybgalay.
Dhinaca kale, waxa la sheegay in madaxda xisbiyada Mucaaradka ah ee kulankaa ka qaybgalay ay xubnaha Komishanka u bandhigeen tabashooyin iyo waxyaabo ay talooyin ka siiyeen in Guddigu ka hawlgalaan.
Waxa la sheegay in xisbiga KULMIYE oo ay kulanka uga qaybgaleen guddoomiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), guddoomiye kuxigeenka 1aad Muuse Biixi Cabdi iyo Xoghayaha guud Kayse Xasan Cige, waxay Komishanka xog waran ka siiyeen tabashooyin ay ka tirsanayaan xisbiga UDUB iyo Xukuumadda oo ay sheegeen in iyadoo ciidan iyo awood adeegsanaya ay ka horjoogsadeen inay kulamo la qaataan taageerayaashooda. Waxa la sheegay in xisbiga KULMIYE si gaar ah farta ugu fiiqay isku-day Jimcihii aynu ka soo gudubnay Xukuumaddu ku doonaysay inay ku joojiso munaasibad xisbigu ku qabsaday mid ka mid ah hoteelada gaarka loo leeyahay ee Hargeysa. "Waxaanu soo hubinaynay ama war ka soo qaadanaynay inay doorashadii si dhakhso ah u dhici doonto oo aanay noqon doonin mid waqtiga dib uga dhacda oo dalka iyo dadka dib uga dhacda waqi kale oo todobadaa sanno ee dalka laga qaban waayay doorasho ee maamulkaasi xilkii kasoo bixi waayey inaynaan dib gacanta ugu galin," sidaana waxa yidhi guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shalay ka hadlayay munaasibad xisbigiisu taageerayaal ku soo dhaweeyay, isla markaana si kooban uga waramay kulankaa Komishanku xisbiyada ugu yeedhay.
Xisbiga UCID oo uu isna kulankaa uga qaybgalay guddoomiye Faysal Cali Waraabe, kuxigeenkiisa Aadam Maxamed Mire (Waqaf) iyo Afhayeenka xisbigaas Xasan Xuseen Maxamed, waxay sida la sheegay Komishanka talooyin ka siiyeen arrimo dhawr ah, kuwaasoo ay ku doodeen inay suurtogalin karaan in doorasho hufani dalka ka qabsoonto.
Sidoo kale, waxa la sheegay in labada xisbi Mucaarad ku cawdeen in Xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB ay adeegsanayaan awooda qaranka, isla markaana ay wadaan barnaamijyo Telefishanka iyo Raadyowga afka Xukuumadda ku hadla loo adeegsanayo.
Waxa kale oo la sheegay inay tabasho ka muujiyeen in Xukuumadda iyo xisbigeedu ay haatan ku hawlan yihiin olole aan xilligiisa la gaadhin, waxayna Komishanka ka codsadeen inay isha ku hayaan arrimahaas. "Way ka garaabeen, laakiin waxay sheegeen in hawlo kale oo ka muhiimsan ay wadeen," ayuu yidhi mid ka mid ah xubnihii kulankaa shalay ka qaybgalay.
Xisbiga UDUB waxa sida la sheegay dhinacooda kulankaa uga qaybgalay Xoghayaha guud Jaamac Yaasiin Faarax, Cusmaan Cabdilaahi Cigaal (Hindi) iyo masuuliyiin kale.
Xigasho: Wargeyska Ogaal
No comments:
Post a Comment