Guddoomiyaha Wakiilada oo ka hadlay waqtiga ay ula muuqato inay Doorasho qabsoomayso
Guddoomiyaha oo shalay uu Waraysi la yeeshay Cabdiraxmaan Muuse Cumar oo ka tirsan Telefishanka SLSC, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo khuseeya arrimaha Doorashada, wada-shaqaynta Madaxtooyada iyo Golahooda iyo sidoo kale Xeerka Miisaaniyadda oo la filayo in toddobaadka soo socda cod loo qaado.
Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanaya, ayaa wuxuu u dhacay sidan;
S: Guddoomiye, waxaad nooga warantaa hawlihii ugu dambeeyey ee Goluhu qabtay?
J: Kalfadhigii ugu dambeeyey wuxuu Goluhu guda-galay Xeerka Miisaaniyadda Qaranka, waxa kale oo Golaha loo qaybiyey Xeerka Ururada aan Dawliga ahayn iyo Xeerka Biyaha oo labadaba dooddoodu bilaabmi doonto.
S: Guddoomiye, muddadii aad ku guda jirteen doodda Xeerkan Miisaaniyada, maxaa idiinka ka soo baxay ka Gole ahaan markaad eegto qaabkii hore ee ay Guddigu u soo dhigeen?
J: Xeerku wuxuu ahaa akhriskii labaad, iyadoo uu yahay Xeer muhiim ah si looga baaraandego, si looga guro qodxaha, si dadka ay khusayso ee ka tirsan mujtamaca looga qaybgaliyo taladiisa, si aqoon loo ururiyo. Markaa way dhamaatay dooddiisii, waxaanu u saarnay guddi gaar ah oo afkaartii kala duduwananayd soo ururiya, todoba maalmood guddahood, si ay goluhu u guto waajibkiisa.
S: Markaa Guddoomiye rajo intee le'eg baad ka qabtaan in xeerkaasi uu noqdo mid dhaqangal ah oo markuu idinka gudbo uu Madaxweynuhuna saxeexo, sidii sharciga ahaydna loogu dhaqmo?
J: Wallaahi, horta intii xeerarkii hore mari jireen wuxuu kaga duwan yahay ma jiro, Golaha marka la horkeeno ee uu codeeyo, waxaanu u gudbin doonaa Madaxweynaha. Madaweynuhu wuxuu xaq u leeyahay 21-maalmood inuu ku soo saxeexo ama ku soo celiyo, nidaamkaasuu mari doonaa insha allah.
S: Waxaad jirta ilaa haatan inuu xarunta Golaha Wakiilada ka socdo dhisme cusub, haatana aad ku sii shaqaysaan xaruntii Golaha Guurtida, waxaanad sheegteen markii la bilaabayey dhismaha in lacagtii lagu dhisayey badh ka mid ahi ay maqan yihiin oo xukuumaddu aanay wali bixin, dhinaca xukuumadda qaybteeda ay qaabilsanaayeen ma kasoo dhamaaday?
J: Qaran ahaan waxa la inaga doonayey 10% lacagta ku baxaysay $300,000 ayey dhamayd, wali qaranku ma bixin 10%-kaa, laakiin Wasaaradda iyo Wasiirkaba waanu kala hadalnay, Miisaaniyaddana waa lagu daray, kolay waa la bixin doonaa.
S: Dhawaan waxaa jirtay socdaal aad ugu baxday Gobollada bariga oo uu kugu wehelinayey Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo ah Xisbiga aad ka soo baxday. Maxaa idiinka kasoo baxay safarkii dheeraa ee aad ku tagteen ilaa Gobolka Sanaag?
J: Runtii wuxuu ahaa u-kuurgal hawlaha qaranka iyo shacbiga reer Somaliland, illaahay baa mahadle, waxaanu ku beeganay wakhti ay roobab da'een oo abaartii dadkii ka jabtay, dadkana waxaa ka muuqatay niyad wanaag. Waxay dadku aad iyo aad u xiisaynayaan doorashada Somaliland ee Madaxtooyada, waxaanad moodaysay inay raagsadeen oo ay diyaar-garoobeen ama ay sugayaanba dhawaaq ka soo baxa Komishanka.
S: Tan iyo wakhtigii la magacaabay Komishanka Doorashooyinka, sidaad ka war qabtaan waxay ku jiraan hawlihii u diyaargarawga ololaha doorashada, waxaana la filayey in muddo ka horaysa xilligan la cayimo wakhtigii doorashadu ay dhacaysay, ilaa haatana lama tilmaamin maalinta doorashada la qabanayo. Sideed u aragtaa Guddoomiye ahaan arrintaasi?
J: Kollayba inkastoo aad mooddo in dadka dhegahoodu ay jecel yihiin inay maqlaan maalinta doorashadu ay dhacayso, laakiin anigu ka Guddoomiye ahaan waxaan qabaa in dedaal badani ka muuqdo Guddiga Doorashooyinka Qaranka, inkastoo aanay ku dhawaaqin taariikhdii doorashada dhismihii ka horeeyey ee diyaargarawga doorashada, waxaan isleeyahay intii badnayd way dhamaystireen. Waxaanay imika gacanta ku hayaan Xeerkii Anshaxa (Code of Conduct) ee Axsaabta, kaasay dhamaystireen oo la sugayaa inay saxeexaan Axsaabtu. Waxa kale oo ay iclaamiyeen in kaadhadhkii hore in dadka laga badali doono, waxa kale iyaduna meesha ku jirta in liiskii u dambeeyey ee dadka ka qaybgali doona doorashadana diyaar yahay. Waxa inoo dhiman oo kaliya doorashadii oo lagu dhawaaqo. Markaa, waxaan isleeyahay hadday bishan dhaafto bisha ku xigta.
S: Guddoomiye, waxa jirta in dhawaan Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada uu socdaal ku tagay dalka Maraykanka oo aan filayo ilaa haatana inuu ku maqan yahay, socdaaladaasi muxuu idiinka war bixiyey ilaa maanta?
J: Guddoomiyuhu wali muu soo noqon, socdaal rasmi ah oo Goluhu ka helay Dawladda Maraykanka ayuu ku tegay Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiiladu, waxaanu ka mid noqday wefti ballaadhan oo Somaliland ah, waxaanay kala hadlayeen uun arrimaha Somaliland, xagga horumarka, xagga siyaasadda, xagga iyo waxqabadka. Guddoomiyaha warbixintiisii waxaanu ka sugaynaa markuu yimaaddo, laakiin hawshaasi inay si fiican u dhamaatay ayaanu filanaynaa.
S: Waxaa jiray Xeerar hore oo halkan aad ka dhamaystirteen, isla markaana Madaxweynaha u gudbiseen. Xeerarkaasi dabagal ma ku samayseen iyo in sidii loo baahnaa loogu dhaqmo?
J: Xeerarkii Golaha ka baxay intoodii badnayd Madaxweynuhu wuu saxeexay, waanay dhaqan galeen marka laga reebo Xeerka Xuquuqal Insaanka oo Madaxweynuhu soo celiyey iyo Xeer aanu ku samaynay isbadal qaabka Dawladaha Hoose loo dooranayo, marka labadaasi way dhaqangaleen. Dabagalka anagu ma lihin, Xeerkaasi markuu naga gudbo anaga Waaxda Garsoorka ayuu u gudbayaa.
S: Dhawaan waxaad u yeedheen Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, si aad wax ug waydiisaan hawlaha qarankan uu u hayo. Arrintaasi halkay ku dambaysay?
J: Guud ahaan Wasiirrada Dastuurkaa waajibinaya in haddii guddi u yeedho iyo haddii goluhu u yeedhaba ay yimaadaan, arrintaasi waxaan u malaynayaa saxaafadda way ku badnayd Wasiirkaa, Wasiiro hore oo diiday way jireen, laakiin markii dambe way yimaadeen, waxaanan filayaa khilaafka waa xaliyaa. Wax khilaaf hadda ka dhex taagan Golaha iyo Wasiirka ma jiro, Guddiga iyo Wasiirkuna isma haystaan, waxaanu ku kalsoonahay Wasiirka maadaama uu yahay masuul qaran isagoo tixgalinaya Dastuurka ee waajibinaya in haddii goluhu u yeedho uu horyimaaddo golaha.
S: Guddoomiye, qoraal dambe ma u dirteen, inkastoo waqtigaa Wasiirka loo yeedhay aad dalka ka maqnayd?
J: Haddaan maqanahay iyo haddaan joogo waa isku mid, Golaha cid Shirguddoonka ka mid ayaa joogta, markaa maqnaashahaygu wax badan oo uu badalayaa ma jiro, Wasiirkuna wuu maqnaayoo maalin dhaweyd buu yimi. Markaa waxaan aad ugu rajo weynaha in mar dambe Golaha uu horyimaado.
S: Dhiniciina markaad eegto ka Gole ahaan ee Wasiir aad u yeedhaan, balse uu ku horiman waayo muddadii aad ugu talogasheen, maxaa tallaabo ah ee idin la gudboon inaad qaadaan oo uu sharcigu idin siinayaa?
J: Inkastoo aanan sharci yaqaan ahayn, kolayba wixii waajibku siinayo dastuurkay ku qoran tahay, laakiin mid Golaha siin maayo, anagu Boolis ma nihin oo ma soo qabqabano dadka, laakiin wixii talaabooyin ah ee ka baxsan awoodda Golaha ee tusaale ahaan arrintaa loo adeegsanayo ama Xeer ilaaliye ha noqoto ama cidkale ha noqotee, la-taliye sharci baanu leenahay. Markaa qoladan sharciga noo qaabilsan wixii talaabo ah ee ku habboon inay qaadaan.
S: Muddo dheer ayaad fadhideen Golaha, wakhtigiiniinuna waa gebagabo, muddadaa aad shaqaynayseen ee ummada aad wakiilka ka ahaydeen, Wasiiro badan ayaad u yeedheen, waa kuma maanta Wasiirka aad is odhan kartaan xilkii loo igmaday wuu ka soo baxay oo markaad u yeedhaan wuu aqbalay?
J: Runtii ma xasuusto Wasiir ka cudur-daartay inuu Golaha ama Guddiga horyimaaddo, Wasiiro badan oo aanu u yeedhnay way jireen oo dhamaantood horyimi, Wasiirkan laftiisa ayaa ka mid ahaa barigii Maxjarka laga hadlayey, markaana wuu horyimi, imikana inuu iman doono ayaan rajaynayaa. Wixii arrin ah ee u baahan dib-u-qoridna, waanu u qori doonaa. Wasiiradii yimidna, dhamaan Goluhu wuu u mahadnaqayaa, kuwa ka wareegaya inay golaha yimaadaan waxaan u sheegaynaa inay waajib tahay inay halkan yimaadaan.
S: Guddoomiye, Madaxweynaha JSL labada Gole qaran ee Wakiilada iyo Guurtida sanadkiiba marbuu warbixin ka siin jiray xaaladda wadanku marayo ama siyaasada arrimaha dibada ama gudahaba, ma jiraan Madaxweynuhu marar uu warbixino idinka siiyey xaaladda uu wadanku marayo oo aad su'aalana ku waydiiseen madasha?
J: Dastuurkuna waa jidaynayaa oo sanadkii hal mar in Madaxweynuhu u waramo (Golaha), taasoo lagu sheego khudbad sanadeed. Madaxweynuhu afar sano oo aanu xilka haynay hal mar buu yimi.
S: Maxaa sababay markaa inuu hal mar yimaado, maadaama oo sanadkiiba mar ay tahay inuu Golaha horyimaado sida aad sheegatay adiguba?
J:Taa Madaxweynaha ayaad waydiin doontaan.
S: Tani wakhtigii aad halkan fadhideen xidhiidhkiinu muu wanaagsanayn dhinaca Madaxtooyada, maxaa sababay baad odhan kartaa xidhiidhkiinaa aan wanaagsanayn idinkiyo Madaxweynaha?
J: Saxaafaddu way madaxbanaan tahay haddii rekoodhkay haystaan uu xun yahay iyo haddii kaleba iyagaa og, laakiin labada xafiis wixii waajib ah ee wada shaqayn ah xidhiidhkii ka dhexeeyey labada gole wuu jiraa, waananu wada shaqaynaynaa, laakiin mararka qaar waa laga yaabaa aragtidaasi inay jirto, inuu aad xun yahay inuu aad u wanaagsan yahay laakiin waxaan qabaa labada jeerba wada shaqayntii Dastuurku waajibinayey ee labada Gole inay jirtaan rumays nahay.
S: Haddii aad dhinaca kale ka eegto waxaa dadweynaha qaarkood u muuqata in goobaha la idinku maamuuso ay kuraastiinu banaan tahay, dadweynuhuna halkaas ayey ka cabbiran karaan wada-shaqayntiina. Taa miyaan la odhan karin halkasaa laga dareemi karaa wada-shaqayntiina iyo halkaad kala taagan tihiin?
J: Waa laga yaabaa in marar qaarkood ay hawlo kale jiraan ama aanu ka baaqano, laakiin taasi markhaati uma noqon karto sidaan isleeyahay, wax shaqo ah oo labada gole ku kala baaqdayna ma jiro.
S: Maxaad talo ah ee aad soo jeedin lahayd markaad eegto arrimahaa aanu wax kaa waydiinay iyo arrimaha kale ee kuu muuqda siyaasi ahaan?
J: Ugu horeyn, waxaan salaamayaa shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan, kolayba imika hawsha ugu culus ee qaran ahaan haddaynu reer Somaliland nahay, hadday masuuliyiin tahay iyo hadday shacbi tahayba iyo dadka Somaliland danaynaya, in ay doorashadu inoogu qabsoonto si nabadgalyo ah. Markaa inaynu taa ka wada shaqayno, Golayaasha Qaranka, Masuuliyiinta, Axsaabta, shacbiga oo aynu ku garab-galno Guddiga Doorashooyinka Qaranka inay waajibkaa fuliyaan. Waxaanan qabaa inay waajib inagu tahay dhamaanteen inaynu ka qayb qaadano hawshaasi, cidkasta oo ka shaqaynaysa hadday tahay Ciidanka ammaanka inaynu ku gacan siino, waxaanan leeyahay walaalyaal ka wada qayb qaata.
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
No comments:
Post a Comment