Doorashada madaxtooyada ee Somaliland ka dhicidoonta waxa la rajaynayaa in lagala kulmi doono arrimahan soo socda; Maaha is bedel ku dhaca dawladda oo kaliya laakiin waa is bedel muhiim ah oo ku dhicidoona dhammaan hay'adaha ay xukumadu hadda ku dhisan tahay. Dawlad dadka reer Somaliland u dammaanad qaada kalsoonida mustaqbalooda. Dawlad dhista qaran si firfircoon u shaqaynaya oo ay wadaan aqoonyahano iyo dad dhisa mustaqbalka Somaliland si ay u noqoto dawlad casri ah, lakiin aan wax shaqo ah ku lahayn kaabo qabiilo sida hadda muuqata. Xukumad ka madaxbanaan musuqmaasuqa oo si cad oo waxkastaaba muuqdaan dadkeeda ugu shaqaysa, taasi oo leh ajande qaran oo horumarineed, isla markaana tixgelisa oo taageerta muwaadiniinteeda." Ururka Caalamiga ah ee Talo-bixita Mashaakilaadka Adduunka oo Sheegay in Ixtixaankii u Dambeeyey ee Guul iyo Guuldarro uu Somaliland Horyaalo Nairobi (Jam)- Ururka caalamiga ah ee talo-bixinta mashaakilaadka adduunka (International Crisis Group), ayaa sheegay in somaliland uu horyaalo ixtixaankii u dambeeyey ee ay ku kala noqon lahayd dal jira oo lagu daydo iyo mid burbura oo raadkiisii dib u raaca. Warbixin uu ururka caalamiga ah ee xallinta dhibaatooyinka adduunku ka soo saaray somalialnd oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha gobolka Geeska Afrika ee ururkaasi Mr. Ernst Jan Hogendoorn, ayaa waxa lagu sheegay in Somaliland marayso marlaxad xaasaasi ah, taas oo ah qiimayntii u dambaysay ee ka mid noqoshada beesha caalamka iyo inay la mid noqoto dalkii ay ka go'day ee Soomaaliya. Warbixintan oo ahayd mid dheer oo ku qoran luuqada Ingiriisiga, waxa lagu bilaabay in inkasta oo fowdada dhammaan wayday ee ka taagan Soomaaliya ay keentay in aan beesha caalamku wax qiimo ah siisin gobolka, balse horumarka Somaliland gaadhay ee ay ku abuurtay qaran jira uu soo jiitay indhaha in badan oo bulshada caalamka ah, laakiin horumarkaasi uu khatar u yahay inuu burburo kadib murano xidhiidh ah oo ka dhashay qabsoomidda doorashada dalka. "Dib-u-dhis nidaam siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ayaa keenay nabad iyo xasilooni buuxda. Nidaamka cusub ee dimuqraadiyadeed ee Somaliland waxa uu keenay in la sameeyo dastuur rasmi ah oo si haboon madaxweyne awoodda gacanta ugu gelinayo mid kale, isla markaana hirgeliyey saddex doorasho oo hore. Haseyeeshee nidaamkaasi dimuqraadiyadeed weli waa mid ka fog inuu dhammaystirmo, waxaana horumarka Somaliland u muuqdaa mid dib ugu sibirixda xasilooni-darrada iyo sharci la'aanta ka taagan Soomaaliya inteeda kale," ayey tidhi warbixintu. Warbixintu waxay khatarta ay sheegtay in Somaliland ku soo wajahan tahay masuuliyadeeda saartay dib-u-dhacyada ku yimaada doorashooyinka Somaliland, taas waqtigii xilka Madaxweynuhu dhammaaday bishii May ee sannadkii 2008-dii. "Dhibaatooyinkan oo dhami waxay salka ku hayaan dhaqanka siyaasadeed ee sida ballaadhan saamaynta ugu leh nidaamka musuqmaasuq iyo sharci ku tumashada ee hay'adaha dawladda. Haddii la difaaci waayo hay'adaha dimuqraadiga ahna waxay furaysaa albaabadka inay dib u samaysmaan jabhado iyo qalalaase, taasinay waxay masiibo ku noqonaysaa dadaal u muuqday in lagu sawiro qaabka dagaal loo soo afjaro ee dal loo dhiso Geeska Afrika," ayey warbixintu tidhi. Ururka caalamiga ah ee talo-bixinta mashaakilaadka adduunku waxa uu warbixintaasaa ku sheegay inay Somaliland kala doorato laba arrimood oo horyaala, kuwaas oo kala ah bay tidhi, "Qodobka kowaad in waqti kooban lagu soo afjaro muranada doorashada iyo in qodobka kale oo ah in mustaqbalka la horumariyo habdhaqanka siyaasadeed, waxaanay taasi u baahan tahay in xisbiyada siyaasaddu ku dhaqmaan dimuraadiyadda oo la furo urur-siyaasadeed oo ka qaybgala doorashooyinka dawladaha hoose, si loo bislaado." Warbixintu waxay beesha caalamka ugu baaqday inay taageero buuxda u fidiyaan Somaliland, si ay u noqoto qaran jira, gaar ahaan in laga gacan siiyo qabsoomidda doorashada, waxaanay si gaar ah baaqaas loogu jeediyey Midowga Yurub iyo dalka Ingiriiska. "Gobol wehel u noqday qalalaase iyo xasillooni-darro oo warkiisu yahay mid xun, ayaa Somaliland waxay ahayd meel si fiican nabadgelyo uga jirto, welina waxay dhaxal u tahay inay noqoto meel lagaga daydo sida loo dhiso qaran burburay, waxaanay door muhiim ah ka ciyaari kartaa la dagaalanka budhcad-badeeda iyo kooxaha islaamiyiinta xagjirka ah. Sidaa daraadeed waa in Somaliland la siiyo caawimada ay u baahan tahay si ay u guulaysato," ayaa lagu soo gebogabeeyey warbixinta ururka caalamiga ah ee xallinta khilaafaadka adduunku (International Crisis Group) ka soo saaray Somaliland. |
Jamhuuriya Online |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
14 April, 2010
Doorashada madaxtooyada ee Somaliland ka dhicidoonta waxa la rajaynayaa in lagala kulmi doono arrimahan soo socda;
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment