Dhanxiir iyo Shaqaaqadii Hargeysa Maansha Allaah; Alleylehe wasiirkii ciyaaruhu waa kaaga kaga dhabeeyey amarkiisii kol hadii inta uu garoonkiiba xidhay, dhalinyaradiina u caqli celiyey, uu masuuliyadii dhacday oo dhana dusha KULMIYE iyo xildhibaanada wakiilada ugu jira, koobkii ay qabteena inta uu ku laadaay uu ku yidhi 'Hawlaha wasaaradayda faraha ha la soo geline ee wakhtigaan xil qabaataan ciyaaraha la suga, hadii kale faraha ayeydun igaga guban.' Eesh caala wasiir dheh, nimankii qoodha dalka isu haystay ee sanka taagi jiray kol hadii uu maantaba xiniinyo siibay. Weger; Adeer; horta waxaan Alle caafimaad uga baryayaa Caaqilka xabadu ku dhacday, wasiirkan ciyaaalka kubadda ciyaarayey booliska ku fayliyey ee rasaasta nool sidii ugaadha la dhacyna if iyo aakhiraba in lagala xisaabtamo wuu ogyahay, ta kale hadii KULMIYE koob ku saabsan Adkaynta nabadda qabtay ma dayrkii Makuu gubay maxaa looga sasay hadaan rabshada ceesh ugu jirin Rayaale iyo wasiiradiisa faqashaysan. |
Jamhuuriya Online |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
14 April, 2010
Dhanxiir iyo Shaqaaqadii Hargeysa
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment